Type to search

Aragtida Dheddignimada (Feminism)

Aragti

Aragtida Dheddignimada (Feminism)

Kelmadda Dheddignimada (Feminism), waxaa lagu qeexa iney salka ku hayso dhaq-dhaqaaq lagu raadinayo damac dhaqaale, doonitaan siyaasaddeed iyo muujin dhaqan oo lagu difaacayo dumarka, lagu raadinayo xuquuqda bini-aadanimo iyo in lagu difaacao sharciga. Dhaq-dhaqaaqaan wuxuu salka ku hayaa agendayaal siyaasaddeed, aragti bulsho oo soo martay isbadallo badan iyo falsafad ku saleysan kala duwanaanshaha labka iyo […]

Kelmadda Dheddignimada (Feminism), waxaa lagu qeexa iney salka ku hayso dhaq-dhaqaaq lagu raadinayo damac dhaqaale, doonitaan siyaasaddeed iyo muujin dhaqan oo lagu difaacayo dumarka, lagu raadinayo xuquuqda bini-aadanimo iyo in lagu difaacao sharciga. Dhaq-dhaqaaqaan wuxuu salka ku hayaa agendayaal siyaasaddeed, aragti bulsho oo soo martay isbadallo badan iyo falsafad ku saleysan kala duwanaanshaha labka iyo dheddiga ama dumarka iyo ragga, sidoo waxey u doodda sinnaanta dumarka iyo ragga iyo iney dumarku ka helaan rabitaan kooda nolosha.

Isticmaalka kelmaddaan wuxuu soo xoogeeystay xilliyadii todobaad tameeyadii, inkastoo goobaha dadweynaha laga maqli jiray, markii ugu horreysayna waxey ahayd markii ay uga hadashay gabadha la yiraahdo Katherine Hepburn kelmaddaan Film ka Woman of the Year sanadkii 1942.

Sida ay qabaan labadaan qoraa Maggie Humm iyo Rebecca Walker, kana mida dumarka aragtidaan sida weyn ugu dooda, Aragtida ay ku saleysantahay waxey soo martay seddex kacdoon, oo kala ahaa kacdoonkii qarnigii sagaal iyo tobonaad iyo horraantii qarniga labaatanaad, kacdoonka labaad wuxuu ahaa lixdamaadkii, halka kan seddexaad uu ahaa sagaashamaadkii ilaa hadda, natiijadii ka dhalatay dabeylahaas kacdoon ee kala duruufta iyo kala afkaaraha ahaa ayaa dhalay kelmaddaan iyo aragtidaan Dheddignimo (Femisnism).

Markasta oo la damco in aragtidaan wax laga qoro waxaan laga tillaabsan karin afkaarta ay xambaarsantahay aragtidaan, halka ay ka billaabato iyo dhalliilaha kala duwan ee loo jeediyey ilaa hadda.

Aragtidaan waxey dood badan ka dhex dhalisay bulshadii reer Galbeedka, sidey u arkayeen dhaqan ahaan iyo sharci ahaan ba, hase ahaate dumarkii horboodayey aragtidaan waxey ku awrkacsadeen doodo badan oo qaarkood hadda dunidu ka garowday sida xuquuqda dumarku ay u leeyihiin iney heshiis gali karaan, hantida maguurtada ah yeelan karaan iyo xuquuqda codeynta, waxeyse markii dambe ku dareen iney xilligey rabaan uur qaadi karaan, iska soo ridi karaan, ilmaha iska yareyn karaan iyo xuquuqda hooyamimada ee inta aysan ilmaha dhalin. Markale Waxey ku dareen iney difaacaan Galmada xoogga ah ee loogu geysto dumarka goobaha shaqada, kufsiga, xuquuqda shaqada sida fasaxa umusha iyo dhalmada iyo iney la diriraan waxkasta oo keeni kara jinsi kala sooc.

Kacdoonkii koobaad ee Dheddignimada.

Kacdoonkii kobaad ee dumarku hoggaaminayeen ee ay ku raadinayeen xuquuqdooda wuxuu ka billowday dalka Ingiriiska iyo Mareykanka dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tomanaad iyo billowgii qarnigii labaatanaad wuxuuna salka ku hayey iney dumarku xuquuq siman yeeshaan sida raggooda  guurka kadib oo ay guriga, hantida iyo carruurta u simanyihiin, haase ahaate waxyar kadib wuxuu ole-olahaas ku dambeeyey in dumarku u qanqal taagan siyaasadda, gaar ahaan in dumarku codeyn karaan, laakiin kacdoonkaas qeybo ka mid ah oo ay hoggaaminayeen gabdhaha kala ah Voltairine de Cleyre iyo Margaret Sanger wuu sii socday iyagoo xoogga saarayey dhalmada carruurta iyo xuquuqda dhaqaalaha ee dumarka.

Dalka Uk 1918-dii waxaa la ansixiyey sharcigii (Representation of the People Act) kaas oo markii ugu horreysay dumarka ka weyn 30 ee guryaha leh u ogolaanayey iney codeyn karaan, kaas oo kadibna waxka badal lagu sameeyey iyadoo la gaarsiiyey da’da dumarka codeyn kara ilaa wixii ka weyn 20 jir. Sidaas si lamida dumarkii garabka Mareykanka hoggaaminayey ee ay ka midka ahaayeen Lucretia Mott, Lucy Stone, Elizabeth Cady Stanton iyo Susan B. Anthony isaguna wuxuu guuleystay 1919 kii isagoo gaarsiiyey in dumarku codeyn karaan inkastoo ay u doodayeen garabyo kala duwan sida dumarkii la addoonsan jiray iyo dumarka Kirishtanka ah ee diimaha ku hoos jiray, laakiin haddana markey mideeyeen dedaal koodii ayey ku guuleysteen.

Kacdoonkii labaad

Kacdoonkii labaad wuxuu billowday 1960 kii, waxeyna dumarkii hoggaaminayey xoogga ku saarayeen Baraarujin iyo wacyigelin loo jeedinayey guud ahaan dumarka iyadoo lagala hadlayey ineysan aqbalin dumarku waxyaabaha ay kala kulmaan bulshada sida iney yihiin bulshada labaad ama markasta ay ka horreeyaan raggu iyagana shaqadoodu tahay iney carruurta dhalaan, koriyaan iyo iney guriga ka shaqeeyaan. Kacdoonka labaad oo uu badnaa dood iyo naqdin haweenka lagu xasuusto waxaa ka mida gabadha qoraaga ah ee reer France Simone de Beauvoir, oo ku doodi jirtay in dumarku ay aqbaleen dhaqankii iyo qaabkii bulshadu u sameysneed ee ay kala kulmeen bulshada kaas oo ku saleysnaa weligiis in dumarku ka hooseeyaan ragga. Wajiga labaad ee Kacdoonka waxaa isna lagu xasuustaa ole-olihii weynaa ee 1966 ee la magac baxay Xoreynta dumarka ee Amerika (Women’s Liberation in the USA), kaas oo isna lagu dalbanayey in dumarka la maqlo codkooda, si aysan uga maqnaan meelaha lagu gaarayo Go’aamada, waxaana badanaa hoggaaminayey gabadhii madoobeed ee Gloria Jean Watkins.

Wajigii seddexaad ee Kacdoonka ilaa maanta.

Kacdoonkii seddexaad wuxuu xoojinayey kii labaad sidoo kale wuxuu dood ka dhex dhaliyey isla dumarka dhexdooda, waayo waxaa soo baxday ineysan dumarku isla socon, isku xuquuqna aysan raadineyn, isku meelna ka billaabi karin halganka.

Tusaale dumarka madow waxey kula doodeen dumarka caddaanka ah, iney raadinayaan xuquuq aysan gaarin kuwa madow. Dumarka madow waxey ku doodayeen halka dumarka cad ay ka hadlayaan iney guri yeeshaan, Bankiyo furan karaan, misana siyaasadda gali karaan ama codeyn karaan in dumarka madow ka hadlayaan in loo ogolaado maqaayadaha iney soo galaan, basaska raaci karaan, iskuullo la dhigan karaan gabdhaha cad. Sidoo kale wuxuu isku badalay Juquraafi ahaan, qaarad ahaan iyo diin ahaan waayo dumarku dalalka ay ku kala nool yihiin, diimaha ay ku hoos nool yihiin iyo qaaradahoodu isku duruuf ma ahayn.

Maanta wuxuu marayaa Feminisim ka dumarka caddaanka ah u doodaan iney ragga ka maarmaan, noolaan karaana niman la’aan, dhalina karaan, iyagoo keliya ubaahan iney soo iibsadaan shahwada ragga kadibna isku beeraan haddii ay ubaahdaan in ay ilmo dhalaan, halka kuwa madow iyo kuwa qaaradda Eeshiya weli la tacaalayaan iney dooqan karaan ninka ay guursanayaan, iney guri yeelan karaan iyo iney siyaasadda isku soo taagi karaan.

Haddaba dumar badan oo Soomaaliyeed oo u dooda xuquuqda haweenka ayaa adeegsada kelmaddaan, su’aashu waxey tahay xaggey ka billaabayaan halgan kooda maxeyse halbeeg uga dhigayaan xuquuqda ay raadinayaan? Xaggey la rabaan in ay nolosha ka gaarto gabadha Soomaaliyadda ah? Yey ka dhiganayaan tusaale ma waxey ku cabir qaadanayaan halganka ay ugu jirto gabadha cad dumarka, mise tan madow, mise tan Aasiyanka ah ee raadineysa in la joojiyo iibsiga dumar ka, mise kuwa kasoo jeeda Muslimiinta Carbeed, ee raadinaya in xukunka halka ugu sarreysa ay isku soo taagi karaan?