Type to search

Taariikh Nololeedkii Istarliin C. Caruush

Waayahoodii

Taariikh Nololeedkii Istarliin C. Caruush

Isterliin C. Caruush waxey ahayd halgamaa u dooda arrimaha beni aadamnimada, nabadda, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka. Waxa ay si weyn uga soo horjeeday qabyaaladdii Soomaalida kala irdheysay, waxeyna u tafaxaydatay sidii ay udabar jari lahayd, waxaa lagu xusuusan doonaa dadaalkii ay ku bixisay rejo soo celinta dalka iyo sidii markale shumaca loogu shidi lahaa qarannimadii […]

Isterliin C. Caruush waxey ahayd halgamaa u dooda arrimaha beni aadamnimada, nabadda, caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka. Waxa ay si weyn uga soo horjeeday qabyaaladdii Soomaalida kala irdheysay, waxeyna u tafaxaydatay sidii ay udabar jari lahayd, waxaa lagu xusuusan doonaa dadaalkii ay ku bixisay rejo soo celinta dalka iyo sidii markale shumaca loogu shidi lahaa qarannimadii Soomaaliya ee la duugay 1991. Istarliin waxey ku noolayd muddo 13 sano ah magaalada Turin, halkaas oo ay u shaqeyn jirtay dowladda hoose ee Talyaaniga.

Istarliin Waxa ay dhalatay bishii Maarso saddexdeedii sannadkii 1957-dii. Bulshadu waxa ay baratay kaddib markii la arkay iyadoo ku hawlan wada hadal siinta hoggaamiye kooxeedyadii Dalka ka jiray iyo ciidammadii howlgalka rejo soo celinta Soomaaliya ee UNISOM.

Waayaheedii waxa ay hirgelisay isbitaallo, waxa ayna sidoo kale guddoomiye ka ahayd guddigii ciyaaraha Olombikada Soomaaliyeed. Istarliin waxaa si shirqool ah loogu khaarijiyey dalka Kenya, iyada oo 45 jir ah, waxa ay cod iyo dhaqdhaqaaqe u ahayd boqollaal Soomaali ah oo dhibbanayaal u ahaa dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay kaddib burburkii dowladdii dhexe. Waxa ay laqmatay iyada oo wadahadalkii ugu dambeeyey la fureysa hoggaamiye kooxeedyadii dalka isku haystay. Waxa ay ahayd arrin naxdin iyo amakaag dhalisay in haweeney dhexda u xiratay sidii ay waddankeeda uga damin lahayd baaruuddii dalkeeda ka qiiqisay damineysa, loogu abaal gudo dil, weliba dal shisheeye nafta lagu dhaafiyo.

Waxa ay aaminsanayd in ay qabyaaladdu tahay sunta iyo cudurka ugu weyn ee kala geeyey dadka Soomaaliyeed ee kala irdheeyey, isla markaana ku kala ooday xeryaha, iyaga oo isku deegaan iyo dad ah. Sannadkii 1993-dii, Istarliin waxa ay isku dayday in ay wadahadal la furto madaxii Jamhaddii uu hoggaaminaayey General Maxamed Faarax Ceydiid iyo ciidamadii nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya ee Ameerikaanu hoggaaminaayey.

Ciidamadii Ameerikanku waxa ay dagaal faraha looga gubtay ku qaadeen Ceydiid, iyaga oo ugaarsi toos ah iyo mid dadban ba tooshka la daba joogay, dagaalkaas oo markii dambe isku baddelay waji kale iyo isxulufeysi shaati qabiil huwan.

Ujeeddada ugu weyn halganka Istarliin waxa ay ahayd in la helo dowlad hoose oo shaqeysa oo nidaamkii iyo kala dambeyntii soo celisa, si loo gaaro hadafkaas maamul sameynta, waxa ay waddanka keeni jirtay mashaariic kala duwan iyo hay’addo samafalayaal ah oo taageera hannaanka rejo soo celinta.

Istarliin yaraanteedii waxa ay kusoo qaadatay magaalada Marka Caddey, magaalo yar oo dekad ah oo dhacda xeebaha badweynta Hindiya, 60 KM na kaga beegan dhanka koonfureed magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, una ah Caasimad gobolka Shabeellaha Hoose, ilbaxnimada iyo korriimada Istarliin ee magaalada Marka waxa ay ka dhigtay qof shaqsiyad toolmoon leh, maadaama ay bulshada deegaannadaasi dumarka aragti hoose ka haysteen sida deegaanada kale ee Soomaalidaba badi laga aaminsanaa.

Istarlin hooyadeed waxa ay ahayd hooyo Soomaalinimadu ku weyn tahay, sidaas darteed waxa ay ku barbaarisay carruurteeda Soomaali jacayl iyo waddaniyad aan dhaxal kasta la dhaafsan karin, si gaar ah Istarliin ayaa ay sheekooyinka dhaqanka iyo sooyaalka la xiriira kaga sheekeyn jirtay si ay farriintaas u xambaarto oo ay bulshada qeybaheeda kale ugu gudbiso mustaqbalka.

1991-dii markii ay qarxeen dagaalladii sokeeye, waxaa lagu dilay Magaalada Muqdisho Istarlin walaalkeed ka yar iyo seeddigeed, taas oo qasabtay in ay dalka dib-ugu soo laabato si ay walaasheed Xaliima u caawiso.

Waxaa si joogta ah loo duqeynayey guriga ay magaalada ka degganaayeen oo markii dambe si arxandarro ah dhulka loola simay. Intii dagaalladu socdeen, Istarliin iyo walaasheed Xaliima waxa ay gudagaleen in ay dadka masaakiinta ah caawiyaan oo ay cunto u qeybiyaan, taas oo u fududeysay in ay dareenka UN-ka soo jiitaan markii dambe na ay ku biiraan dadka sida tooska ah dadka u caawiya ee abaaraha ka samatabixiya.

Waxaa jiray mar ay u ambabaxday magaalada Marka si ay wadahadal ula yeelato malayshiyaad qafaashay oo qabsaday koox samafalayaal Taliyaani ah oo gargaar fidinayey oo ku sugnaa Marka, taas oo ay ugu dambeyntii ku guuleysatay soodeynta ajaaniibtaas, inkastoo dhib kasoo gaaray kaas oo ahaa, in ay handadaad iyo cagajuglayn kala kulantahay maafiyadii magaalada haysatay, iyaga oo qori madaxa kaga qabtay.

Istarliin oo xog ogaal u ahayd qaab fekarka iyo nidaamka qabiil ee ka jira Soomaaliya, ayaa ku tiri malayshiyaadkii iyada oo muujineysa qabiilkeeda iyo saameyntooda,” Ma aniga oo naag Ceyr, Habar Aji ah ayaad qori igu fiiqeysaan? Haddii aanan idin tusin waxa aan ahay Istarlin la ima yiraa axmaqyahay meesha la isugu keenay!”. Intii ay magaalada Marka joogtay waxa ay yagleeshay isbitaallo gargaarka degdegga ah lagu bixiyo, MCH iyo kaam carruurta lagu daryeelo. Waxa ay kaalin weyn ka ciyaartay rejo soo celinta boqollaal Soomaali ah, taas oo ahayd in warbaahintu muujiso billowga waxqabad iyo iscaawin Soomaalida dhexdeeda ah. Waxa ay u gogolxaartay in ay dadka tabarta daran ee baahiyaha gaarka ah qaba ay garab helaan oo aysan geeddi socodka nolosha ka quusan.

Istarliin intii ka warhaysay halgankeedii waxey ku xasuusan doonaan naxariistii hagarla’aaneed ee ay u muujisay kumanaankii kun ee ay u hirgalisay xerooyin ay ku barakacaan, kuna quudin jirtay. Waxaa lagu xasuusan doonaa isbitaalladii dhallaanka, MCH yadii iyo iskuulladii ay ka faa’iideysan jireen ilaa 3,000 kun oo carruur ah, ee ay ka hirgalisay magaalooyinka Marka, Guriceel iyo nawaaxiga Muqdisho ee lagu Barakacay. Waxaa geerideedii ka tiiraanyooday kana falceliyey safiirro, wariyayaal, qorayaal iyo Madaxweynihii dalka Soomaaliya ee xilligaas Cabdiqaasim Salaas Xasan. Waxaa waxtar keeda iyo shaqsiyaddeeda aad looga faallooday Buugga War and Women in Somalia.

25 kii Bisha October ayey ku beegnayd maalintii indhaheeda dunida laga qariyey, lagana hor istaagay dadka Soomaaliyeed hawlkarnimadeedii, samafalkeedii iyo hoggaaminteedii suubanayd. Ka NETBEINS ahaan waxaan ku xuseynaa inaan akhristayaasheena xasuusino waxtarkeedii intii aan ka ognahay iyo inta aan ka heli karno.