Type to search

Taariikhda xukun ee Masar

Waayahoodii

Taariikhda xukun ee Masar

Casharro taariikheed ayaa noogu sugan sooyaalka xukun ee dalka Masar. Saddexdii qarni ee ugu dambeysay, kursiga ugu sarreeya ee looga arrimiyo dalkaasi waxaa hoggaamintiisa isaga daba-maray xukaam kala duwan, oo isugu jiray boqorro, salaadiin, khidyawiin, madaxweyneyaal rasmi ah iyo kuwa kumeelgaar ah. Xukaamtaasi waxaa ugu waqti dheeraa Muxammed Cali Baasha oo ay taariikhyahannadu ugu wanqaleen […]

Casharro taariikheed ayaa noogu sugan sooyaalka xukun ee dalka Masar. Saddexdii qarni ee ugu dambeysay, kursiga ugu sarreeya ee looga arrimiyo dalkaasi waxaa hoggaamintiisa isaga daba-maray xukaam kala duwan, oo isugu jiray boqorro, salaadiin, khidyawiin, madaxweyneyaal rasmi ah iyo kuwa kumeelgaar ah.

Xukaamtaasi waxaa ugu waqti dheeraa Muxammed Cali Baasha oo ay taariikhyahannadu ugu wanqaleen naanaysta ah ‘Aasaasaha Masarta Cusub’, oo isagu markaa muddo 40 sano ku siman dalkaasi xukumayay, waxaa xigay Xusni Mubaarak oo isaguna dalkaasi majaraha uhayay muddo 30 sano ah, halka uu ugu waqti gaabnaa madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee Suufi abuu-Dhaalib oo muddo siddeed maalmood oo qura dalka sii hoggaaminayay kaddib shirqoolkii lagu khaarijiyay madaxweynihii xilligaas Muxammed Anwar Saadaat.

Khidyawiinta aan soo xusnay waxaa lagala jeedaa; khidyowga waa koofaar ama naanays lamid ah Boqor, ama Suldaan, waxaa loogu yeeri jiray xukaamtii wakiillada uga ahaa khilaafada Cusmaaniyiinta dalka Masar. Khidyawiinta waxa ay dalkaasi ka talinayeen laga soo billaabo taariikh 1863-kii illaa laga soo gaaro 1922-kii markaas oo ay rasmi ahaan udhacday Khilaafada cusmaaniyiinta. Waxa ay kasoo jeedaan qoys lagu magacaabo Calawiyiin oo saameyn ballaaran ku lahaa siyaasadda iyo xukunka dalka Masar laga soo billaabo xilligii Muxammed Cali Baasha, illaa masar ay ka noqotay Jamhuuriyad sannadkii 1952-kii.

Marka laga soo dhaqaaqo taariikhda cusub/casriga ah ee dalkaasi Masar oo kasoo billaabata xilligii Muxammed Cali uu xukunka la wareegay 1805-tii illaa maantadan aynu joogno xukunka dalkaasi ma aheyn meel lagu nasto, ama lagu raaxeysto. Muxammed Cali inta uusan xilka faarujin waxaa la sheegaa inay asiibtay waalli ama inuu dhimir ahaan dhantaalmay, sidoo kale Cabbaas Xilmigii 1-aad shirqool ayaa lagu dilay, khidyow Ismaaciil waa la eryay ama la musaafuriyay, boqor Faruuq oo isguna dalkaasi xukumayay kahor inta ay jamhuuriyadda noqon isna waa la eryay, Madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ayaa kamid ah oo isna ugeeriyooday xanuun soo booddo ah oo la tuhmayo inay sababtay sun loogu daray cuntada, Anwar Saadaat ayaa isna lagu khaarijiyay shirqool loo maleegay 1981-kii, Xusni Mubaarak isna shacabka ayaa ku gadooday 2011-kii oo kacdoonkii guga Carabta ayaa salfaday, Muxammed Mursi ayaa ugu dambeeyay oo afgambi lagu riday laguna casilay sannadkii 2012-kii kaddibna uu ku geeriyooday gudaha Xabsigii uu ku xirnaa. Sidaa darteed xukunka dalkaasi kama marneyn illaa haddana kama marna dil, shirqool, afgambi iyo shido dhamaanteed.

Kaddib ku dhawaaqistii jamhuuriyadda, Masar waxaa soo maray siddeed madaxweyne oo laba kamid ah ay kumeelgaar ahaayeen. Muxammad Najiib ayaa ugu horreeyay, Jamaal Cabdinaasir ayaa xigay, kaddib Anwar Saadaat, Suufi Abuu-dhaalib, Xusni Mubaarak, Muxammed Mursi, Cadli mansuur iyo madaxweynaha haatan talada haya ee Cabdulfataax Al-siisi. Intooda badan xukunka waxa ay ku yimaadeen afgambi iyo xoog, balse casharka ugu weyn ee laga baran karo nidaamka xukun ee dalkaasi waa inay dhamaantood -haba ubadnaadeen diktaytarro ama kaligood talise- ay ahaayeen waddaniyiin ugu dambeyn danta dalka iyo maslaxaddiisa eega, taasi ayaana ah sababta dalkaasi uu illaa hadda udhisan yahay, uguna nabad galay dagaal sokeeye iyo faqri. Sidoo kalena shacabkiisu ay lamid yihiin dadyowga kale ee dunida xag aqooneed, fikireed, halabuureed iyo horumareed.

Dalka Masar ma jiro Madaxweyne ku mannad sheegan kara xilligiisii, balse shacabka ayaa ah kuwa ilbax ah oo kaliya adeeg ka sugin dowladda. Waxbarashada, caafimaadka, iyo dhamaan adeegyada aasaasiga ah waxaa kaalin weyn ka qaata shacabka, iyaga ayaana ah matoorka markasta daaran ee uu dalkaasi ku dhaqaaqo. Ugu dambeyntii waxaan kusoo gaba gabeyn karnaa maqaaalkeenna “haddii laysku helo madax ugu yaraan fahamsan maslaxadda dalka, iyo shacab firfircoon oo ay ka go’an tahay inay wax qabsadaan waxaa soo baxaya dal leh wixii loogu baahnaa inuu dal lahaado sida amni, dhaqaale, adeeg bulsho iyo horumar”.