Type to search

Kacdoonkii Carabta Daariq Ramadan

Guudmar

Kacdoonkii Carabta Daariq Ramadan

Soo koobidda buugga “Islaamka iyo baraarugga Carabta/Islam and Arab Awakening” ee uu qoray Daariq Ramadaan.Soo ifbixii dhaq-dhaqaaqyadii mucaaradka ahaa ee looga soo horjeeday nidaamyadii kalitalisnimo ee sannadyadii 2011-2012-dii, ee lagu magacaabi jiray Gu’gii Carabta, waxa ay isbaddel ku sameeyeen siyaasadda adduunka Carabta. Natiijooyinkii ka dhashay isbaddeladaasi wali ma cadda, balse waxa ay dadka wax faaqida […]

Soo koobidda buugga “Islaamka iyo baraarugga Carabta/Islam and Arab Awakening” ee uu qoray Daariq Ramadaan.
Soo ifbixii dhaq-dhaqaaqyadii mucaaradka ahaa ee looga soo horjeeday nidaamyadii kalitalisnimo ee sannadyadii 2011-2012-dii, ee lagu magacaabi jiray Gu’gii Carabta, waxa ay isbaddel ku sameeyeen siyaasadda adduunka Carabta. Natiijooyinkii ka dhashay isbaddeladaasi wali ma cadda, balse waxa ay dadka wax faaqida ee siyaasadda ka faalllodaa sheegaan in ay kacdoonadaasi isbaddel la taaban karo horseedeen.
 Kacdoon kii Bulsho ee bariga dhexe ka hana qaada kii ugu awoodda badnaa, waxaa lagu tilmaama kacdoonkii Carbeed kaas oo ka billowday bishii December dalka Tunisia, wuxuu talada ka tuuray kaligi talis badan oo Carbeed, wuxuu dagaal sokeeye ka huriyey Libiya, wuxuu dhiig badan ku daadiyey Siriya, wuxuuna xaalad aan fadhin galiyey Masar, sidoo kale wuxuu mugdi badan galiyey dalal badan oo Carbeed. Wargeyska Time Magazine wuxuu Daariq Ramadan u aqoonsasay shaqsiga ugu hal-abuurka badan ee qarniga kow iyo labaatanaad dunida Muslima ka guud ahaan, wuuxuuna abaal Marino badan ku helay u hadlidda bulshada Muslimka iyo caqabadaha ay wajahayaan waqtigaan adag ee ka haysta saaxadda Technologyada, soo galitaanka wadamada reer Galbeedka, qaxootiga iyo arga-gixisada.
Daariq Ramadaan waxa uu buuggiisa kaga hadlayaa Gu’gii Carabta oo ahaa kacdoon isbaddel doon ahaa sida ay dad badani qabaan. Waxa uu isweydiinayaa su’aal ah,” markii kacdoonkii baraarugga Carabtu dhacay, ma jireen aragtiyo diimeed oo kaalin ku lahaa oo dhiirrageliyey?” Sidoo kale, ujeedada ugu weyn ee buuggu ku qotomo waa, in ay xusid mudantahay in baraarugii Carabta uu ku dhisnaa nuxur diimeed iyo raadraacyo mabaadi’.
Horudhac yar kaddib, Ramadan waxa uu soo bandhigayaa oo uu diiradda saarayaa fasirka iyo xal u helidda dhacdooyin horay u dhacay intii uu socdayi billowgii Gu’gii Carabta. Tusaale, waxa uu xusayaa dhaqaalo xumi baahsan oo lasoo deristay dalal badan oo Carbeed sida Tunizia.Daariq waxa uu aragti ahaan qabaa in aysan ururro Islaami ah kaliya horkacayn kacdoonkii baraarugga Carabta balse ay jireen cunsurro siyaasaddeed oo Islaami ah oo jaangooyey kacdoonadaas, ku boorriyey dadka in isbaddel la yimaadaan, isaga oo ku doodaya in xalku ahaa in la helo siyaasad Islaami ah oo dib-u heshiisiin dhexdhigta adduunka Carabta ee kala irdhoobay.
Waxa uu sidoo kale ka sheekeynayaa taageerada uu reer galbeedku la garabtaagnaa ururradii mucaaraadka ahaa ee ka qeyb ta ka ahaa kacdoonadaas iyo ku lug lahaanshiyaha Millatery ee Mareykanku ku lahaa Tusinia iyo Masar. Calmaaniyadda oo ku dhisan mabda’a ah in diinta iyo siyaasadda la kala geeyo oo la kala saaro iyo Islaamka oo aan taageerayn aragtidaas ayuu sidoo kale buugga ku qaadaa dhigayaa, isaga oo dhahaya waa in dowlad Islaami ah (Islamic State) lagu beddelaa dowlad rayid ah oo danaha shacabka ka shaqeysa.
Daariq Ramadan wuxuu si cad u sheegaya in reer Galbeed ka, gaar ahaan Mareykanka ay lug aan qarsooneyn kulahaayeen kacdoonadii Carabta ka dillaacay. Wuxuu sheegaya in dadkii hoggaaminayey Kacdoonadaas ay dowladda Mareykanku muddo ka hor u qaadday tababarro isagoo sheegaya in lasoo baray sida loo isticmaalo baraha bulshada, sida dadka loo kiciyo iyadoo la isticmaalayo farriimo gaagaban, dadkana la isku ballamiyo muddooyin kala duwan laakiin isku dhaw. Wuxuu arrintaas ku caddeynayaa in bannaan baxyada qaar ahaayeen kuwo abaabulan, ayna caawineysay warbaahinta reer galbeedku oo ay siineysay muhiimad gooni ah iyo baahin ku tala gal ah. Wuxuu sidoo kale arrintaas u xiganayaa in dadkaas qaarkood markii la xiray loo fududeeyey in ay xabsiyada ku helaan internet Satelite ah.
Ramadaan wuxuu ku dhaliilaya hoggaamiyayaashii diinta iyo kooxaha ee kacdoonka ka qeyb qaatay ineysan lahayn aragti iyo qorshe siyaasaddeed oo cad, taasina ay keentay markii uu meesha ka baxay xukunkii ay la dagaalamayeen iney dalkii hanan waayeen sida Ikhwaanka Masar, oo uu sheegay iney heleen Awood aysan u diyaarsaneyn ayna si fudud ku lumiyeen xukunka. Wuxuu ku dhaliilaya Islaamiyiinta iney keliya u jeedeen dulmigii iyaga lagu hayey sida caddaalad darradii, musuq-maasuq, sinnaan la’aantii iyo wax uu ugu yeeray cadaalad dhinac ka raran oo ahayd inaan fursadaha shaqada iyo qeyraad ka dalka aan loo sinneyn. Laakiin wuxuu leeyahay iyagu mahaysan sidii ay ku badali lahaayeen waxaas oo dhan iyo qorshe dhaqaale oo hufan.
Daariq wuxuu leeyahay xukunkii iyo shaqsiyaadkii waa bexeen, dalalka qaar islaamiyiintii xukunka u oomanaa fursad waa heleen, laakiin dhibaatadii dhaqaale ama musuq weli waa sideedii, dalalka qaar sida Libiya waa looga daray, oo xukunkii meesha waa laga saaray, reer Galbeed iyo ciidan shisheeyana fursad waala siiyey laakiin dalkii waxaa ka holcaya dagaal sokeeye iyo kala qoqob cid masuuliyaddaaa qaadi kartana majirto ilaa xilligaan.
Ugu dambeyn waxa uu kusoo gebogabaynayaa buuggiisa Daariq, doodo iyo sheekooyin siyaasadeysan oo la xiriira waaqica Carabta iyo xal u raadinta sida xaalku noqon doono mustaqbalka.