Type to search

Mufakiriinta Muslimka ah ee waqtigaan nool.

Aragti Arrimaha

Mufakiriinta Muslimka ah ee waqtigaan nool.

Mufakkiriin Muslimiin ah (Qeybta 1aad)Insaanka sifada ugu weyni ee uu uga duwan yahay noolaha kale waa inuu leeyahay caqli fakara, falanqeeya oo furfura mashaakilka, sidoo kale soo kordhiya aqoon, aragtiyo iyo agab tiknoolajiyeed oo sahla nolosha dadka kale. Haddaba, inkastoo ay dadkoo idil fakaraan, haddana waxaa jira qeyb sooc ah oo fakarkoodu uuu gaaray xad […]

Mufakkiriin Muslimiin ah (Qeybta 1aad)
Insaanka sifada ugu weyni ee uu uga duwan yahay noolaha kale waa inuu leeyahay caqli fakara, falanqeeya oo furfura mashaakilka, sidoo kale soo kordhiya aqoon, aragtiyo iyo agab tiknoolajiyeed oo sahla nolosha dadka kale. Haddaba, inkastoo ay dadkoo idil fakaraan, haddana waxaa jira qeyb sooc ah oo fakarkoodu uuu gaaray xad aad u sarreeya, una noqday gundhig aragtiyo waaweyn, isbadello baaxad leh iyo daahfuryo dunidaan aynu ku noolnahay dhanka horumarka urogay.

Dunida muslimka waxaa soo maray mufakkiriin cabaaqiro ah oo si wayn usaameeyay bulshada caalam ka iyo midda muslimka ahba, waxa ayna kaalin muuqda ku lahaayeen caalamka aragtiyaha, hal-abuurka, xal uraadinta mashaakilka iyo soo kordhinta aqoon cusub oo diiwaanka gashay. Qarnigii 20aad ee tagay iyo midka aynu noolnahay oo ah qarniga 21aad waxaa ummadda muslimka ah soo maray mufakkiriin waxbadan ka baddalay socodka taariikheed ee ummadda; waxa uuna maqaalkaan qaadaa dhigi doonaa xog la xiriirta fikriga islaamiga ah iyo mufakkiriinta ugu saameynta badnaa qarniyadaas aynu soo xusnay, kuwaas oo ay taariikhda utaqaanno ‘mufakkiriinta mucaasiriinta ah’ ama maskax tuujayaasha nala xilliga ah.

Micnaha Mufakkir ama qof maskax-tuuje ah kama dhigna sida ay dadka qaar ufahamsan yihiin oo ah qof dhowr khudbadood minbar kasoo jeediyay kaddibna hadallo qurux badan ku daba qabtay, ama qof diyaariyay cilmibaaris ama qoray maqaallo iyo buugaag dhowr ah, balse mufakkirka waxaa looga baahan yahay inuu noqdo qof aqoon ballaaran uleh sooyaalka taariikheed, dhaqameed iyo diimeed ee ummadda uu la noolyahay, sidoo kale waa inuu faham guud ka heystaa madaahibta fikireed ee caalamiga ah gaar ahaan afkaarta saameynta ku leh ummadda muslimka ah; waxaa intaasi dheer inuu yahay qof isku howla xal uhelidda qaddiyadaha iyo mashaakilka ummadda heysta, sidoo kalena aragti ku leh majaalka halabuurka, cilmiga iyo suugaanta murti keenka ah.

Markaan halkaas ka dhaqaaqno waxaan tilmaami karnaa boqollaal mufakkiriin ah oo casrigaan aynu noolnahay aad ufirfircoon, aragtiyo iyo afkaar dhaxalgal ahna kuleh bulshada; balse waxaynu tilmaameynaa sooyaal fikireedka afar mufakkiriin muslimiin ah, kuwaas oo laga yaabo inaysan ahayn kuwa ugu saameynta badan, ama ugu magaca dheer mufakkiriinta, laakiinse aan ku doorannay inay yihiin kuwa wax kusoo kordhin kara waaqaca Soomaalida, islamarkaana nagu soo biirin kara aragtiyo, fikirro iyo casharro aan ubaahnnahay inaan baranno ama ugu yaraan ogaanno.

1) Cali Wurdi.
Sannadkii 1913-kii ayuu dhashay Cali Xuseyn Maxamed Muxsin Al-wurdi oo ah mufakkir aad ugu xeeldheer cilmiga bulshada iyo taariikhda. Waxa uu ku saamoobay dhigaallada Feylasuufkii iyo taariikhyahankii weynaa ee Ibn Khalduun, waxa uuna ahaa mid kamid ah Bilyaneerada Carabta ee hal-fakarka hodanka u ah. Jaamacadda Mareykanka ee Texas ayuu ka diyaariyay Shahaadada Phd-ga oo uu ka sameeyay Cilmiga Bulshada (Social Science), kaddibna waxa uu kaga howlgalay jaamacadda Baqdaad oo uu ka noqday bare sare iyo hormuudka ‘Kulliyadda Culuumta bulshada iyo Bani’aadamnimada’. Dhanka waxbarashada ayuuna ka shaqeynayay illaa uu ka gaaray xilka wasiirka Waxbarashada dalkiisa (Ciraaq).

Fikir ahaan taxliilkiisa ma waafaqsana manhajka Maaddiga ee  Maarkisiga ah, sidoo kalena ma ahan mid ku dhisan aydiyoolajiyadda qowmiga ah ee Carabta, taas oo ka dhigeysay qof labada dhinacba -waa maaddiyiinta shuuciyiinta ah iyo qowmiyiinta ee- kala kulma dhaliil iyo dhaleeceyn joogto ah. Waxaa aasaas u ahaa falanqeyntiisa cilmiga ah Qofka iyo Bulshada, waxa uuna aad ugu xeeldheeraa culuumta sameysanka bulshada, koritaankeeda iyo xallinta mashaakilka lasoo darsa, sidoo kale waxa uu aad utaxliiliyaa nafsadda qofka, dareemadeeda dahsoon, isla fikirkeeda hoose, ismuujinteeda dibadeed, iyo waxyaabaha uqarsoon oo gudaheeda ka guuxaya, iyada uu la fiirinayo saameynta ay ku yeelan karto hab-socodka nololeed ee bulshada. Sidoo kale waxa uu aragtiyo dhowr ah ku leeyahay, cilmi-baarisyana ka sameeyay dabeecadda, luqadda iyo dhaqanka Carabta. Waxyaabaha aan ka baran karno Cali Wurdi inta aan akhrineyno buugaagtiisa, maqaalladiisa iyo cilmi-baarisyadiisa waxaa kamid ah barashada nafsaddeenna maadaama uu leeyahay manhaj gaar ah oo uu ku daraaseeyo shakhsiyadda qofka, sidoo kale  habka dhisidda bulshooyinka kala irdhoobay, iyo aqoon ballaaran oo uu leeyahay dhinacyo kala duwan oo la xariira arrimaha bulshada.

2) Zaki Najiib Maxamuud.
Waa mufakkir iyo feylasuuf Masri ah oo lagu tiriyo mid kamid ah falaasifada Carabta ugu waaweyn ee casrigan cusub hanaqaaday. Culuumta falsafadda ayuu usoo gudbiyaa hab farshaxameysan oo akhristuhu ku dareemeyn daal iyo caajis, sidoo kalena waxa uu uqaadaa dhigaa arrimaha falsifiga ah ee aadka u adag si aayar ah oo fahamka udhow, naftuna ay ku raaxeysaneyso humaag sawirkiisa cajiibka ah. Waxa uu dhashay hilaaddii 1905-tii, jaamacadda London ayuu ka qaatay shahaadada Phd-ga oo uu ka diyaariyay falsafadda sannadkii 1947-kii, kaddibna uu macallin uga noqday jaamacado dhowr ah ku kala yaalla dalalka Mareykanka, Kuweyt iyo Masar.
Mar noloshiisa kamid ah ayuu noqday wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta ee dalka Masar. Falanqeyntiisa falsafad ku cabbiran caqliga Muslimka Carabka ah ayuu diiradda ku saaray, arrintaas ayuuna ka dhigtay ujeedkiisa falsafiga ah ee uu ardeydiisa ugudbiyo. Akhrinta Buugaagta iyo dhigaallada uu qoray Zaki Najiib waxa ay kaa caawinayaan inaad si fudud ukasbato aqoon baaxad leh oo ku saabsan cilmiga falsafadda, adiga oo ku raaxeysan doona qisooyinka uu tixayo, khiyaalka uu sawirayo iyo fahamka uu soo dhawynayo.

3) Idward Siciid.
Idward Siciid waa Mufakkir asal ahaan Falastiini ah, balse heysta jinsiyadda dalka Mareykanka, waxa uu ku dhashay magaalada Qudus sannadkii 1935-kii, halkaasi oo uu ku barbaaray, kana billaabay waxbarashadiisa heerka dugsiga hoose. Qoyskiisa ayaa uguuray Masar halkaasi oo ay muddo kooban joogeen, isaguna uu kasii waday waxbarashadiisa heerka dhexe ah, kaddibna waxa ay u ambabaxeen dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kasii ambaqaaday waxbarasha akaadamiga ah, kuna qaatay inta ugu badan noloshiisa. jaamacadda New-York ayuu ka dhigay Suugaanta Engiriisiga ah (English literature), sidoo kalena jaamacadda Colombia ayuu ka noqday bare sare oo dhiga cilmiga isbarbardhigga suugaanta.
Inta aad akhrineyso dhigaallada Mufakkirkaan waxa aad si baaxad leh udaalacan doontaa arrimo fikri ah oo aad xasaasi u ah, oo ay ugu muhiimsan tahay qaddiyadda Falastiin iyo dhulkooda xoogga lagu boobay, xuquuqdooda gardarrada loogu tuntay iyo qaladaadka xaddaariga ah ee bulshada bariga gaar ahaan Bariga-dhexe iyo Carabta. Mufakkirka reer Mareykan ee Robert Fisk ayaa idward ku tilmaamay inuu yahay codka ugu dheer iyo caqliga ugu furfuran ee ka hadla qaddiyadda Falastiiniyiinta, sidoo kale madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ku sheegay macallinkiisa arrimaha Bariga dhexe iyo Falastiin, isaga oo tibaaxay inuu akhriyay dhamaan buugaagta iyo maqaallada idward Siciid.

Waxyaabaha kale ee uu diiradda saaro Idward waxaa kamid ah: thaqaafada guud iyo wada hadalsiinta mida bariga iyo galbeedka, tacaamulka galbeedka  ee ku aaddan dalalka reer bariga ah iyo guud ahaan aragtida galbeedka ay ka heystaan dadyowga bariga dega. Waxyaabaha aan ka baran karno waxaa kamid ah Halganka cilmiyeysan ee lagu raadiyo xuquuq dhul, shacab iyo mid matalaad oo maqan, sidoo kale waxaa laga dhaxli karaa aqoon waasac ah oo ku saabsan taariikhda, dhaqanka, iyo hummaag maskaxeedka bulshooyinka kala gaddisan.

4) Cadnaan Ibraahiim.
Waa mid kamid ah Mufakkiriinta ugu firfircoon taariikhda, falsafadda, iyo diinta islaamka. Waxa uu dood adag ka dhaliyay saaxada fikirka ee dunida Islaamka afkaartiisa gooniga ah (شاذ) awgeed. Aragtiyihiisa waa kuwa cajiib ah lagana yaabo inaad la dhakafaarto. Dadka qaar waxa ay ku tilmaameen inuu yahay Zindiiq alle iyo rasuul ka furtay una soo jeestay fasaadinta ummadda, halka kuwa kalena ay ku taageereen afkaartiisa xambaarsan tasaamuxa iyo naxriista marka loo eego afkaarta ay xambaarsanaayeen culimadii hore ee fikriga wadday, sidoo kale dadka taabacsan waxa ay kusoo dhaweeyeen xujadiisa caqli-galka ah, aqoontiisa maanfurka ah iyo la jaanqaadkiisa waaqaca la noolyahay.

Cadnaan waxa uu ku dhashay magaalada Ghaza ee dalka Falstiin sannadkii 1966-kii, halkaasi ayuuna ku qaatay waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare. Waxa uu udhoofay dalka Yuguslaafiya, oo uu ku biiray mid kamid ah jaamacadaheeda isaga oo ka daraaseeyay cilmiga Caafimaadka. Dagaalladii sokeeye ee dalkaasi ka qarxay sagaashanaadkii ayaa ku qasbay inuu uqaxo magaalada Fiyeena ee dalka Austria halkaasi uu ku dhameystay inta ugu harsaneyd waxbarashadiisa caafimaadka, kaddibna dalka Lubnaan ayuu usoo wareegay, isaga oo ku biiray jaamacadda Imaam Awzaaci oo uu ka bartay culuumta Shareecada Islaamka. Waxa uu isku tilmaamaa inuu caqiido ahaan Ashcari yahay, mad-hab ahaanna Shaafici yahay, haddana waxaa jira aaraa’ farabadan uu leeyahay kuwaas oo dood kulul ka dhaliyay caalamka Carabta, kuwaas oo ay kamid yihiin: hadalkiisa ah in la nasakhay ciqaabta rajmiga, diidistiisa ciqaabta riddada, diidistiisa soo bixitaanka Nabi Ciise iyo Mahdiga ee Akkhiru Zamaanka, hadalkiisa ah in kutubada Saxiixeynka ee Bukhaari iyo Muslim ay ku jiraan axaadiith daciif ah ama kuwa been abuur ah oo ay barbar socoto aragtidiisa gaarka ah ee taariikhda islaamiga ah. Waxyaabaha aan ka baran karno Dr. Cadnaan waxaa kamid ah inaan ogaanno jiritaanka dood xujooyin leh oo lid ku ah waxyaabo farabadan oo aan aaminsannahay, sidoo kalena inaan baranno tixgalinta iyo ixtiraamka aragtiyaha kuweenna ka duwan, sidoo kale manhajkiisa taxliilka ee cajiibka ah ayaan kaga bogan karnaa muxaadaraadkiisa, iyo khudbadihiisa taxanaha ah.

Ugu dambeyntii inta aan soo xusnay waa mufakkiriin saameyn xoog leh ku yeeshay caalamka fikirka islaamiga ah, sidoo kalena aan inbadan ka kororsan karno afkaartooda iyo casharradooda. Sikasta oo laga yaabo inay nooga aragti duwan yihiin haddana fikirkooda waa mid xulan, xujo ku taagan, xiisana yeelan kara haddii la dhugto, sidoo kalena kobcin kara garaadkeenna iyo habfakarkeenna, furi karana qufullada iyo silsildaha maankeena ku xiran.