Type to search

Dhacdooyin kii dunida ugu saameeynta badnaa.

Arrimaha Dhacdo

Dhacdooyin kii dunida ugu saameeynta badnaa.

6 Dhacdo oo ka mida waxyaabihii dhacay intii dunidu jirtay iyo saameyntii ay rebeeen.1- Gontenberg Printing Press.Dhab ahaantii ma jirto wax la dhihi karo waa shayga ugu saamenta badan adduunka oo ka saameyn badan Gotenberg Printing Press oo saaxaha kusoo biirtay sannadkii 1440. Kahor intii aan la sameyn daabacadda Gotenberg Printing Press, buugaagta waxaa lagu […]

6 Dhacdo oo ka mida waxyaabihii dhacay intii dunidu jirtay iyo saameyntii ay rebeeen.
1- Gontenberg Printing Press.
Dhab ahaantii ma jirto wax la dhihi karo waa shayga ugu saamenta badan adduunka oo ka saameyn badan Gotenberg Printing Press oo saaxaha kusoo biirtay sannadkii 1440. Kahor intii aan la sameyn daabacadda Gotenberg Printing Press, buugaagta waxaa lagu copy-yey jiray gacanta. Waxa ay qaadan jirtay saacado si loo soosaaro oo loo copy-yeeyo qoraallada, kitaabadda iyo dhigaallada xafiisyada dowladaha laga shaqeeyo. Cadceedda qorraxda iyo laambado aan iftiin dhammeystiran lahayn ayaa lagu shaqeyn jiray oo waxa ay qaadan jirtay sanado si hal buug loo copy-yeeyo. Gontenberg waxa ay ku billaabatay dardar oo waxa ay dabooshay baahi loo qabay, adduunkii waa uu u riyaaqay oo durbaba isbaddel ayaa hanaqaaday. Qofkasta waxa uu awood u yeeshay in uu si fudud u helo kitaab kasta oo uu doonayo xilli kasta. Waxaa baahay aqoontii oo meel kasta gaartay, oo awal dad kooban ayaa awood u lahaa in ay buugaag helaan. Waxa ay waxbarashadu ku koobnayd dadka qaniga ah balse waxa ay gaartay dadka dabaqadda hoose. Gontenberg Printing Press waxa ay baddeshay qaab nololeedkii bulsho ee jiray, hadday ahaan lahayd mid siyaasadeed, diineed, dhaqaale iyo dhinac kasta oo benii aadamku dhammeystir uga baahnaa. Waxa ay ahayd dhacdo guuleystay oo adduunka horumar la taaban karo u horseeday.

2- Noloshii Nebi Muxammad
Dunida  Muslim ka  iyo tan aaan Muslimka ahayn ba, ma xaqari karaan saameyntii Nebi Muxammad ee adduunka iftiimisay, ee u horseeday xallisooni iyo is-qiimeyn nafeed. Kahor intii uusan Nebi Muxammad soo ifbixin oo uusan diinta Islaamka soo bandhigin, Bariga dhexe waxaa degganaa qabiillo yaryar oo si joogta ah isku dagaali jiray. Muxammed SCW waxa uu mideeyey dhammaan qabaa’ilkaas, isaga oo u dejiyey hadaf iyo micne ay isku si’ hal meel ugu noolaan karaan. Waxa uu isku meel keenay ciidamo beeleedyadii dabadeed na gacmaha isku geliyey oo walaalo xigto ah ka dhigay. Inkastoo wili dhiig daadanayey oo ay dagaallo jireen, hadda na ma aysan ahayn dagaalladaasi kuwo qabaa’il e, waxa ay ahaayeen dagaallo ka dhan ah kuwa kahor yimaada diinta cusub iyo risaalada rabbaaniga ah ee xagga Eebbe laga soo dejiyey.
Kaddib markii uu Nebi Muxammad isku keenay dhammaan qaabi’ilkii ku noolaa Bariga dhexe, ayaa ay diinta Islaamku waxa ay gaartay casri la yiraa’ casrigii dahabiga ahaa’ (786-1258). Waxaa xusid mudan, in xilligaas ay Yurub mugdi ku jirtay. Diinta Islaamku waxa ay gaartay heer ay hoggaamiso xisaabaadka iyo Sayniska adduunka. Romanka iyo Greek-gu waxa ay looxdaarteen culuumtii xilligaas la qoray ee ay Muslimiintu soo kordhiyeen, waxaa kamid ahaa: helidda number Zero, xisaabta Algebra, habka decimal-ka ee xisaabta, sidoo kale Coffee-ga waxaa lasoo saaray xilligaas.
Xasilloonida Muxammad uu keenay gobolka waxa ay sababtay in ilbaxnimo heersare ah la hiigsado oo dhaqamada kala duwan ay meelkasta ku baahaan iyada oo aan wax cabsi ah jirin. Laga soo billaabo dhalashadii diinta Islaamka ilaa maanta, waxa ay noqotay diinta ugu saamenta badan caalamka, ugu rumeynta badan sidoo kale na ugu nabdoon. Nasiib darro se, waxaa yimid oo la dhoodhoobay diin u-eke argagixiso lagu saleeyey, taas oo saameysay dad badan noloshooda, sawir qaldan na ka bixisay. Nebi Muxammad waxa uu baddelay oo uu qaabeeyey Bariga dhexe, taas oo ah meesha maanta adduunku loolanka ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa.
3- Kacdoonkii Ameerika.
Dad badan waxa ay aaminsanyihiin oo ay u tixgeliyaan kacdoonkaan, in uu ahaa qeyb kamid ah ama ku lug lahaa dhammaan taariikhda benii aadamka. Si kasta ba ha ahaatee, teer iyo maanta waxaa la dareensanyahay hirarkii wejiyada badnaa ee uu kacdoonkaasi dhaliyey.
Kacdoonkii Ameerika (1775-1783) waxa uu ahaa kacdoon ka shidaal qaadanayey ilbaxyooyinkii hore ee Romanka iyo Greek-ga isaga oo lid ku ahaa mabaadi’da Bible-ka si looga xoroobo aragtiyaha hooseeya ee aan salka iyo raadka lahayn, loona gaaro ilbaxnimo cusub iyo isku-duubni benii aadam. Raggii horkacayey waxa ay aaminsanaayeen in dhammaan dadku wada simanyihiin jinsi kasta oo ay yihiin oo ay xaq u leeyihiin in si’ isku mid ah oo caddaaladi ku jirto loola dhaqmo. Sidoo kale, kacdoonku waxa uu dhiirrogelinayey in doorasho dimuquraadi ah oo xor iyo xalaal ah lagu kala baxo, oo haddii qof la doorto ama xisbi talada loo daayo muddada ay xilka hayyaan.
4- Isbadal-doon kii reer Yurub (The Reformation)
Isbaddel-doon (1517- 1648) waxa uu kamid ahaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee taariikh Yurub soo samaray. Kaniisadaha diinta Catholic-ga Roman-ku waxa ay la haayeen awood ay ku kontoroolaan dadka iyo dowladaha diinta Kirishtaanka haysta. Dabadeed isbaddel-doon ayaa curtay, kasoo sababay in ay dadka cilmiga iyo aqoonta u saaxiibka ahi billaabaan su’aalo weydiin ay ku dhiirranayaan wadaaddada kaniisadaha maamula ee dadka harowsada. 
Ujeedka Isbaddel-doonku waxa uu ahaa in wax laga baddelo qaab dhaqanka kaniisadaha Catholic-ga, laguna soo celiyo kaniisadaha casharrada kitaabka Bible-ka iyo mudnaansiintiisa. Ugu dambeyn natiijadii ka dhalatay waxa ay noqotay labo qodob: Catholics iyo protestants. Waxa uu horseeday isbaddel-doonku in hoos loo dhigo awoodaha kaniisadaha Catholic-ga oo dadku aysan ku xirnaan kaliya wadaaddada. Ficilladii iyo dagaalladii ka dhashay nidaamkaas ibaddel-doonka ah, waxa ay saameeyeen adduunka oo isbaddelka maanta ayey wili qeyb ka yihiin.
Dhacdadaan in loo tixgeliyo in ay tahay dhacdo Yurub kaliya saameysay waa qalad. Sababtoo ah saameyntii isbaddel-doonkaasi waa tan hoggaamisa in si xor ah loo fekaro oo aan loo xirxirnaan qolo gooni ah oo shaati diimeed huwan.
5- Burburintii darbigii Berlin.
Dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka waxaa jiray quwado gooni ah oo rabay in ay adduunka maamulaan. Sidoo kale waxaa jiray damac iyo kala-shakin u dhexeysay waddamo dhowr ah, iyaga oo midkasta oo kamid ahi doonayey in uu dhul la wareego dabadeed na maamulo. Gaar ahaan dowladihii jabiyey Hitler iyo saaxiibbadiis, waxaa soo kala dhexgalay muran ku aaddan dano gaar ah oo ay doonayeen; waxa ay dooddoodu ku saleysneed, yaa maamulaya dhulka sida wadajirka loo qabsaday? ma waxaa laga dhaqan gelinayaa nidaam shuuci ah mise mise nidaam dimuquraadi ah?Natiijadii ugu dambeysay waxa ay noqotay oo la isku afgartay ugu dambeyntii oo uu soo jeediyey boqor la dhihi Solomon:Labo ha loo kala jabiyo khariiradda dhexe, Jarmalku isaga ayaa dagaalka billaabay, sidaas darteed, waa in uu noqdaa dhulka lagu muransanyahay. Waxaa lagu taliyey in qeyb kamid ah laga dhigo shuuci, qeybta kale na hab dimuquraadi ah. Ugu dambeyntii, bartamaha Berlin ayaa laga dhisay darbi si uu u teedo magaalo madaxda, una kala saaro nidaamka Shuuciga ah iyo nidaamyadii kale ee xilligaas jiray. Markii la burburiyey darbigii kala qoqobayey magaalada sannadkii 1989-kii, ayaa u dambeysay firfircoonidii nidaamkii Shuuciga ahaa dadku na waxa ay gaareen furfurnaan iyo xorriyad.
6- Dagaalkii labaad ee adduunka.
Kani waxa uu ahaa mid kamid ah dhacdooyinka ugu xasuusta badan ee adduunka soo maray. Waxa uu ahaa dagaal aan kala saarin cadow, saaxiib, dumar, rag iyo carruur toona. Waxa uu galaaftay nolosha malaayiin noole ah. Waxa uu kala irdheeyey kuwa isjeclaa oo uu mahadho kala dhexdhigay. Waxa uu sidoo kale saameeyey dhaqan, jinsi, dhaqaale iyo dhinac kasta oo nolosha la xiriirta. Dadku waxa ay gaareen heer ay meel kasta oo ay tagaan waddankooda ugu yeeraan oo ay kala garan waayaan meel ay ku abtirsadaan.
Dagaalkii labadaad ee adduunku waxa uu sababay in la aas-aaso waxa loogu yeero Qaramada midoobey, in qoomiyadda Yuhuudu dhul ku abtirsato, iyo in dagaalkii qaboobaa ee adduunku markale dib-u curto.Waxaa kamid ahaa casharradii laga bartay dagaalka, qiimaha ay leedahay nabadda iyo wada-noolaansha, wada-hadalka iyo hoos wax u dhammeeyn- gacmo geelijire hoos ayaa loo dhaqaa- ayaa run noqotay.