Type to search

Khaliil kii Gaalka ahaa Q-2aad

Guudmar

Khaliil kii Gaalka ahaa Q-2aad

Maalin kii wuu baxay oo habeenkii baa dam yidhi, waxaa soobaxay xidigihii oo mugdigii baa fiday. Dadkii oodhan ayaa daaqadaha iyo albaabada furtay waxaanay shiteen faynuusyo si ay habeenka u maaweeliyaan. Saacaddaas oo la joogo waxaa Khaliil iyo Raxiil ay fadhiyeen xeedho looxa oo ay ku dul cashaynayeen, si kedisa albaabka ayaa lasoo garaacay waxaana […]

Maalin kii wuu baxay oo habeenkii baa dam yidhi, waxaa soobaxay xidigihii oo mugdigii baa fiday. Dadkii oodhan ayaa daaqadaha iyo albaabada furtay waxaanay shiteen faynuusyo si ay habeenka u maaweeliyaan.
Saacaddaas oo la joogo waxaa Khaliil iyo Raxiil ay fadhiyeen xeedho looxa oo ay ku dul cashaynayeen, si kedisa albaabka ayaa lasoo garaacay waxaana soo galay saddex nin, Maryan way yaabtay oo amakaagtay sidoo kalena Raxiil balse Khaliil waxaad moodaa inuu ogaa oo uu kasii war qabay waxa dhacaya iyo siday noqon doonaan intaysan iman kahor.

Labadii nin soo gudbe oo dul yimaade Khaliil, midka mida ayaa garabkiisa Gacantiisa saaray weliba si xooga oo ku yidhi “Adiga miyaa ninka dayrka laga soo eryey?” Khaliil wuxuu yidhi “Haa waa aniga ee maxaad doonaysaan?”

Waxay nimankii yidhaahdeen “Sheekh Cabbaas ayaa ku raba, haddii aad amar diido samaysana garba duub ayaanu kugu jiidi sidii wan la qalay.”

Raxiil intay is hayn weydey wejigeediina uu adkaaday ayay si cadho leh u tiri “Muxuu dembi ah oo uu u geystey oo aad ugu jiidaysaan dhulka?”

Maryan ayaa halkan intay kasoo booday ku tidhi “Yaa fuley ah ma idinkoo saddex ah oo isku soo bahaystey mise isaga?”

Ninkii shaqaalaha ahaa kor ayuu u qayliyey wuuna xanaaqay, wuxuuna yidhi “Ma jirtaa naag ka hor iman karta amase diidi karta amarka iyo doonidda Sheekh Cabbaas?”

Xarig ayuu jeebka kasoo saaray wuxuuna damcay inuu ku xidho Khaliil, balse Khaliil wuu istaagay isagoo waxba wejigiisa iska bedelin oo hadana dhoolla cadaynaya, wuxuuna ku yidhi “Waan idin la yaabanahay, waayo waxaad tihiin aalad xoog weyn oo indho la’aana oo gacanta ugu jirta nin wax arkaaya oose daciif ah, awoodiina ayuu dadka ku laayaa oo ku xasuuqaa, shalay idinkoo kale ayaan ahaa oo indhool ah, balse berri ayaad sidaydoo kale noqon doontaan. Doqonnimadu waa mugdi iyo madow ka daran mugdiga afrikaanka, waxba ma arkaysaan mana maqlaysaane ixidha garbahana iga duuba oo waxaad rabtaan igu sameeya.”

Nimankii hadalkii Khaliil ayay maqleen, jidhkooda waxaa ku jaban jiriirico, waxaad moodaa inay wax ku dhex jiray dibada u soo bexeen. Indhihii ayaa dibada yimi oo yaab iyo amakaag uma hadhin hadalkiisuna wuu taabtay, balse waxaad moodaa inuu hadalkii Khaliil soo hinjiyey oo ay soo xasuusteen wixii loo dirsaday iyo shaqadii. Garba duub ayay ku soo kexeeyn oo soo jiideen iyagoo dullinimo iyagu dareemaya.

War maalaayacni ah oo aan saas u micno lahayn miyuu yahay mise? Warkii iyo akhbaartii tuulada taana taano ayuu u soo gaadhey meelkastana tahan tahan ayuu u daadsan yahay, beeralaydu waxay jecelyihiin maaddaama ay dadka ka xidhan yihiin akhbaarta ku xeeran oo iyaguun ku saabsan ayay daneeyaan siiba wakhtiyada barafku tuulada hayo ee la baqsan yahay ee la fadhiyo dabka dushiisa, si ay isku dhaafiyaan oo uu habeenku xawli ugu dhaafo.

Sheekh Cabbaas shaqaalihiisii qabashadii Khaliil ka hor warkii magaalka wuu uga soo horreeyey, beeralaydii oo dhami waxay u soo tafa xayteen sidii ay ugu kala dheerayn lahaayeen guriga Cabbaas iyo aragtida gaalka maanta dayrka laga soo eryey. Carruur iyo Cirrooleba waxay iskugu yimaadeen gurigii waxaana la keenay Khaliil oo garbaha la hayo, shacabku waxay sugayeen aragtidiisa iyo Raxiil oo caawisay gaal sun ku dhex faafinaya tuulada.

Sheekh Cabaas wuu istaagey wuxuuna dul fadhiistay Kursigiisii, waxaana dhinac fadhiya Ilyaas oo ahaa Kaahinkii soo sheegay. Khaliil wuxuu dhex taagan yahay Beeralaydii iyo Shaqaalihii Cabbaas u shaqayn jirey, midixiisuna kor ayuu jiraa dadakuna indhaha ayay ku gubayaan, waxaana gadaal taagan labadii Gabdhood oo qalbigooda baqdintu gilgilayso, maxayse ka tarayaan qalbi dumar oo xaqiiqdii indhaha saabnayd, Maryan oo qalbigeeda ruuxda Caashaqu ay degtay maxay ka dhibaysaa indho lagu gubey iyo waxkale.
Sheekh Cabbaas ayaa cod aad mooddo mawjad gurxamaysa ku yidhi “Magacaa ninkoow?”

Cabbaas ayaa ku celiyey oo waydiiyey isagoo leh “Halkee ku dhalatay oo aad leedahay? Reerkaaguna waa ayo?” khaliil ayaa intuu eegay Beeralaydii weliba isagoo yaq-yaqsanaya ku yidhi “Waxaan ahay masaakiinta la dulmiyo ee fuqarda ah. Waxaan ku dhashay oo aan leeyahay dhulkaas waasica ah.”

Cabbaas oo qoslaya weliba jees-jeesaya ayaa yidhi “Dadkaad u nasab sheeganayso iyagaa qaba in lagu ciqaabo, waddankaad leedahayna Ciiddiisaa ku diiday inay ku magan geliso.” Khaliil ayaa yidhi “Dadka dhiiba kooda ugu roon kooda xaqiiqda yaqaan ee helay, dhiiba kooda ugu fir-fircoon una dhiiba kuwa dulmaya ee aan xaqooda siinayn, dadkii ii kaa dhiibay waa kuwii shalay iyagu ku siiyey qoortooda, waa kuwii shalay iyo maantaba dhiigooda ku waraabin jirey Beerahaaga, dhulkan i eryaya maanta ee aan u dhashay waakan adiga iyo kuwa lamid ah afkiisa kuu furay calooshiisana kusiiyey.”

Cabbaas ayaa qosol la dhacay oo hadana yidhi “Maxaad uga soo tagtay dayrkii aad ka ahayd ari jirka wiilyohow? Ma waxaad is tidhi gaal ayay tuuladu marti gelin oo ay soo eryeen Kaahinnadii alla kacabsiga ku caanka ahaa?”

Khaliil ayaa ugu jawaabay “Haa oo waxaan ahaa mid raaca xoolaha, balse maan ahayn mid wax gawraca, lo’da ayaan kaxayn jirey oo aan geyn jirey meelaha daaqsinka ah ee cawska leh, waxaan geyn jirey meelaha ilaha biyaha ee macaan, ma gayn jirin meelaha engagan ee biyaha wasakhdu yaallaan. Xoolaha ugama soo tegi jirin dooxyada si ay yeydu ugu cunto, waxaan keeni jirey galabkii iyagoo bad qaba. Haddii aad adiguna samayn lahayd oo aad u ilaalin lahayd sidaan u ilaalin jirey Dibbida, maanta Dabaqaas maadan saarnaateen iyaguna buulashaas maysan degnaadeen, kuma fadhideen fadhigaas xariirta ah iyaguna ma taagnaadeen sidii tuug silsiladaysan oo jeel ku jira.”

Khaliil ayaa dhibic dhidad ah oo qaboow ay ka timid, wuu xanaaqay oo isbedelay balse waxba ma uusan muujin oo in laga guulaysto ayuu diidanaa, gacantiisa ayuu ku fiiqay wiilkii oo yidhi “Halkan kuumaanu keenin inaanu dhegaysanno qiiradaada ee waxaannu kuu keennay inaad isdifaacdo, waxaan ahay ninka meeshan ka taliya kanna wuxuu metalaa Kaniisadda waana Ilyaas. Wixii lagugu eedeyey ka toobad keen oo cagaha qabsoo rukuuc aannu markale kaa dhignee ari jir.”

Wiilkii ayaa si fudud ugu jawaabay oo yidhi “Mujirim ma xukumo mid isaga lamid ah, gaalka sharka badanina iskuma hor difaaco tuugada.”

Khaliil wuxuu kelmadahaas u jeediyey odaygii Cabbaas ahaa, kadibna wuxuu kelmado ku yidhi jamaahiirtii daawashada ugu timi wuxuuna yidhi “Walaalayaal waxaad iskugu timaadeen halkan si aad aniga ii daawataan waxaana la ikeenay anigoo gacmaha ka xidhan si uu ii xukumo ninkan qasriga awoowayaashiin dhabarkooda ku dhiseen, idinkuna waxaad uga soo yaacdeen guryihiinna si aad u daawtaan wiilkiinna, walaalkiin oo la cadaabayo oo idinka dalbanaya caawimo.

Aniga weeye gaalka laga soo eryey dayrka, aniga weeye ninka habeennimada dabayshu ay keentay tuuladiinna, maqla oo maqla doodayda, waxaan idin leeyahay adinku noqda maxkamadda waayo doonitaanka shacabku waakan alle, ha ii naxariisannina waayo naxaiistu waxay ku roontahay tuugta iyo mujrimiinta, balse cadallaadu waa mid ka dhaxaysa dadka dembiga aan lahayn.

Dhegaysta dembigaygu wuxuu yahay, waxaa la idiin sheegay oo keliya inaan dembiile ahay balse ma ogidin waxaan geystey, waxaa la sheegaa oo la muujiyaa keliya dambiilaha iyo seefta lagu dilayo balse lama sheego dembiguu gaystey, waxa ii diiday oo la ii garba duubay waa inaan diiday oo aan dareemay dabarka idinku xidhan iyo sida la idiin ciqaabo, waxaan dareemay culayska idin saaran. Dumaroow waa naxariista idinka iyo caruurtiinna aan idiin qaaday.

Dadoow idinkaan idinka mid ahay, aabahay iyo awoowe-yaashayna dooxyadan ayay ku noolaayeen, dadoow anigu ilaahay waan aaminsanahay, waan aaminsanahay kitaabka xoreeyey nafta ee ka xoreeyey addoon-nimada dadka iyo daalimiinta ee idiin ogolaaday inaad martaan meesha uu ilaahay lugtiisa dhigay. Waxaan ahaa ari jir meelo doogle oo deganaani kamuuqato ariga ku raaca, taasina igama hor-istaagin inaan ka fikiro arrinkiinna iyo dhibaatada idin haysata, waxaan ahaa qof arka adhi daba jooga yey u wada meeshii uu ku cuni lahaa, markii aan dhawaaqay ee aan damcay inaan bad-baadshona wuu isoo weeraray oo wuxuu damcay inuu i aamusiyo si aanan uga kala firdhin xoolaha oo aysan uga kala dareerin isaguna dibedaha wareegin habeenkaas.

Waxaan u dulqaatay gaajada, harraadka iyo silica, waxaan u dulqaadan waayey oo aan maqli jirey oo aan arki jirey sida aad idinku tihiin iyo dhiigga wejigiinna ka daadanaya, waxaan diiday oo aan arkay qayla dhaantiinna dayrka gadaashiisa, dhiirranaan ayaan ka qaadi jirey oo aan ka heli jirey markastoon idin arko geeridana waan sii jeclaanayey.

Waxaad is waydiinaysaan oo aad leedihiin “Yaa qayliyey oo caawimo dalbaday?” waad qaylin jirteen oo waad dalban jirteen caawimo balse ismaydinaan maqli jirin, maalinkasta iyo habeenkii yimaadaba waad samayn jirteen balse qalbigiinna ma aydan maqli jirin wuxuu rabo. Markaad dalbataan oo aad isdhahdaan duhurkii fadhiista harka iyo hooska geedaha ee aad awoodi waydaan? Markaad subaxdii ka baxdaan guryaha ee aad aadaan beeraha.

Markaad ku laabataan guryihiinna galabkii ee aad waydaan wax aan rooti qalalan ahayn. Goormaad yeelataan qalbi degan? Ma dayrta markuu roobku yimaado ee aad u soo baxdaan bannanka si aad u daawataan idinkoo wata dhar jeex-jeexan? Ma marka aad goosataan midhaha oo aad Cabbaas u buuxisaan weelka oo idinkuna aad ka heshaan wax yar? Ma markay Dabaysha iyo Barafku ay yimaadaan ee aad cimilada qalafsan ka baqdaan?

Waatan noloshiinnu fuqaroow, waa kan habeenka idin gogladay dadoow, waa tan dadoow bahalaha idin dullaysatey, waa tan hadalka iyo qayladaan maqlay ee aan uga gaaloobay wadaadii Kaahinnada ahaa, waxaan goonni u noqday magacayga iyo magiciinna oo aan caddaalad u dalbaday markaasaad igu tilmaanteen gaal iyo sharlow, waxaan damcay inaan ilintiinna iyo tayda isku darsanno oo aan idinku garab noolaado, nasiib xumo waxaad ii geyseen oo aad isiiseen cadawgii idin cunayey oo dhulkiinna iyo khayraadkiinna kufsanayey, ma idinku jiraan miyaa odayaal garanaya in Cabbaas aabihii ka dhacay dhulkan Aabayaashiin markii uu sabanku ahaa seef iyo awood? Miyaydinaan ogayn in Kaahinnadu ay Aabayaashiin ka xoogeen dhulkan markii ay aayaduhu ahaayeen afka Kaahinka? Miyaydinaan ogayn in odayaal diimeedka iyo kuwa sharafta sheegtaa ay is kaashadaan si ay idin dhacaan?

Miyaydinaan maqal wuxuu ilaahay ku yiri aadmihii u horreeyey “Dhabankaaga dhididkiisa rootigaaga ku cun.” Muxuu sheekh Cabbaas u cabbaa khamriga ilintiinnu ku laban tahay? Muxuu u cunaa rootiga aad dhididkiinna ku darteen? Ilaahay miyaa isaga idinka soocay, oo markuu ku jiray riximka hooyadii ka dhigay Sayid Suubban, idinkana dembiyo aydinaan garanayn qoorta idiin sudhay, ma isagaa idiin doortay inaad u shaqaysaan oo aad cuntaan qodxaha dooxyada isaguna qasriyada ha degee?

Waad maqasheen markuu yuusac ku lahaa saaxiibadii “Bilaash baad ku qaadateene, bilaash ku bixiya.” Waad tukataan oo waxaadna tidhaahdaan, “Ilaahow rooti nagu filan nasii.” Wuu idin siiyaa balse sheega wax awood ah oo ay ku leeyihiin kaahinnadu si ay uga duufsadaan gacmihiinna? Waxaad nacladdaan Yahuuda waayo sayidkiisa ayuu silfar ku gatay, maxaa idinka dhigaya kuwo barakeeya dad maalin kasta idin gada oo idin iibiya?

Yahuuda wuxuu ahaa mid quustay oo dembigiisa la yaabbanaa, sidaa darteedna wuu is diley, balse kuwaasi way idin hor socdaan madaxoodoo kor ah, dahab iyo dheeman kuwii u qaalisanaa oo korkooda ku sharraxan, far-gallo kuwii u doorka roonaa ayay wataan, waxaa caruurtiinna bartaan jacaylka masiixa oo waxaadna daba wadaan kuwii ka leexday wadadiisa iyo dariiqa uu jeexay, rusushii masiixa oo dhan waad ogtihiin oo waa lawada laayey dhamaantood, si ay idiinku dhex noolaadaan ruuxda nasahanna ay idiin dhex geshaan, balse kaahinnada ma u malaynaysaan inay idinka isku kiin dilayaan si aad u noolaataan, waxay idiin dilaan si ay u noolaadaan iyagu oo ay ugu raaxaystaan khayraadkiinna, hantiyeed xifdiyaysaan si aad ugu reebtaan caruurtiinna dhaxal?

“Naftiinnu waxay gacanta ugu jirtaa kaahinnada, jidhkiinnuna waxay ku jiraan cidiyaha xaakinka, qalbiyadiinnuna mugdiga quustaa idin dullaysey, maxaad ii tilmaami kartaan oo aad odhan kartaan “Waxaas ayaan leenahay.” Ma ogtihiin xaqiiqda iyo kuu yahay kaahinka aad cisaysaan ee aad ku aaminteen waxa ugu qaalisan.?
Aan idiin sheego waxaad ka baqaysaan oo aadan rabin inaad muujisaan, waa tuugo aan biyo ismarin, waa shabakad isku xidhan oo hantidiina loo wakiishay, waa tuugo loo dhiibay kitaabka oo idiin xuluulinaya meel hoose.

Waa yey ba’an oo dilaa ah, oo uu ari jirku u malaynayo inuu yahay sabeen sidaasna u seexda, balse markuu habeenku madoobaado idaha mid mid u ugaarsada oo candhada gooya, waxay ixtiraamaan xeedhooyinka cuntada, waa dhuuni dhuuqa hantida iyo dahabka sida saxaruhu uu u dhuuqo dhibcaha roobka ah, waa bakhiil reebta xataa wuxuusan u baahnayn, waa tuugo naxariis laawe ah, waa tuugo qalbi dhagax ka ah oo aan dhaafin shilinka ay haysato garoobtu iyo weliba agoonka, qaada oo geeya bannaanka, dharka ka saara oo garka ka rifa, waxaad arki doontaan siduu idiinku qoslee, ku qoslo oo ku ciyaara kadibna u geeya koob khamri ah wuu idiin dembi dhaafi wuuna idin cafine.

Gabadh buu arkayaa wuxuuna leeyahay “Iga leexo ilaahayna ka baq.” Balse hoos wuxuu ka leeyahaa ka daran iyo rabitaankiisa, markuu arko wiilala iyo gabdho isku dhow oo doontii jacaylka wada saaran wuxuu leeyahay intuu samada eego “Baadil badanaa, wixii ka hooseeya cad-ceeduba waa baadil.” Hoos wuxuuse ka leeyahay “Gubo oo gubo caadada iyo dhaqanka iga xaaraan timaysay quruxdaas.” Wuu idiinku qayliyaa oo idin la hadlaa, isaga oo madixiisu koryahay, balse niyadda wuxuu ku jiraa jeebabkiinna iyo maalkiinna, Wiilashaydii iyo dadkaygii ayuu idiinku yeedhaa, isaga oon bishmaha soo dhaafinayn, ilmo yar qaadi mayo oo garabkiisa saari maayo, waxaad aragtaan isagoo idin leh “Kor u qaada madixiinna oo duunyada ha is raacinina.”

Hadaad u fiirsatana wuxuu si dhaba dabada u haystaa aduunyada, wuxuu ka baqayaa dhamaanshaha nolosha, wuxuu ka xun yahay shalay inay dhaaftay, wuxuu ka baqayaa dhakhsaha maanta, wuxuuna sugayaa berri iyo inay timaaddo, wuxuu idin waydiiyaa ixsaan isagoo idinka hanti badan, hadaad wax siisaan hoos buu idiin ammaanaa, hadaad waydaanna korbuu idiin nacladaa, wuxuu idinkula dar-daarmaa masaakiinta, gurigiisana waxaa ka dhex ooyaya oo ka dhex qaylinaya dad gaajaysan, hareerihiisa waxaa gacmaha kasoo dhiibta fuqarada il kama eego dhegna jalaq umasiiyo, salaadiisuu iibiyaa kaanan iibsanna gaal buu ku tilmaamaa, waakan kan idinka bajiya, waakan kan idiin sawira sawirka masiixa midigtiisana ku qabsada idinkana bidixda idinku qabta, waakan saqadkaad dhisateen idinku soo dumaya, waakan kaahin kaad ka dhigateen ee shaydaanka idinku noqday, waakan hadhka iyo mugdiga idin daba socda markaad dhalateen illaa aad ka noqonaysaan, waakan kan aniga isoo eryey ee dayrka igasoo saaray.”

Wuu yara aamusay wiilkii, wuxuu arkay kelmedihiisii iyo hadalkiiisii inay saameeyeen oo ay taabteen dadka, wuxuuna dareemay ruuxdiisu inay sadrigiisa kor u noqotay, wuuna kordhiyey hadalkiisii korna wuu u qaaday isagoo leh, “ Sheekh Cabbaas boqor ayaa amiir idiinka dhigay oo idiin soo wakiishay, waa sayidka tuuladan, boqorkaas idiin soo diray ma waxaad aaminsan tihiin in uu yahay rabbi ka taliya goobtan?

Awoodaas ma aragtaan mana maqashaan, balse waxaad leedihiin ruux ahaan baannu u dareensan nahay, waxaanad leedihiin “Aabahayaga samadoow.” Haa waa run oo wuu jiraa balse ma u malaynaysaan inuu yahay oo uu idiin doortay nin idinku tag-taagsada xaqiinana cuna, waa run awood wuu leeyahay qaddarkiisuna wuu fulaa? Ilaaha soo dejiya roobka, midhaha soo saara ubaxana dhaliya, ma u malaynaysaan inuu gaajo idinku dilayo?

Ma u malaynaysaan kan idin leh “U naxariista dumarka.” Inuu idinla doonay nin naxariis laawe ah? Ma umalaynaysaan kan idin jeclaysiiyey iftiinka nolosha inuu idinla doonayo mid mugdiga nolosha iyo geerida idin la jecel? Ma u malaynaysaan in dabiicadu ay idin dullaysay awoodiinana idinka saartay si la idiin addoonsado? Maya ma aaminsanidin oo kan intaas aaminaa waa gaal ka leexday nuurkii iyo xaqii ilaahnimada. Maxaad uga baqaysaan doonitaanka ilaahay kaasoo idin soo saaray idinkoo xor ah una noqonaysaan adoomo, rabiga ayaad kor u eegtaan waanad baridaan, balse waxaad madaxa hoos gaysaan oo aad ka cabsataan qof idinla mida? Sidee buu ilaahay uga raali noqonayaa inaad qof u ahaataan adoomo? Yuusac xorbuu ruuxdiina ka dhigee sidee la idiinkugu yeedhaa adoomaha? Madaxa miyuunan kor yuusac idiinku qaadin sidee baad hoos u gaysaan? Miyuunan yuusac laabtiinna iftiin gelin sidee baad mugdiga ugu abuurtaan?

Ilaahay ruuxdiinna korbuu u qaaday qiimuuna u yeelay, wuxuu ka dhigay iftiin iyo nuur ku kordha markasta aqoonta iyo waxa u qarsoon habeenka iyo maalinta, ee sidee baad ugu tuurtaan dhulka oo aad u demisaan? Laabtiinna wuxuu ka dhigay iniinyo sidee baad ugu daadisaan dibada dhagxaha dushooda, laydha iyo dabayshu si ay u qaaddo? Ilaahay wuxuu idin siiyey wiilal iyo gabdho si aad noloshooda uga dhigtaan mid xaqqa haysata oo aan ka leexan dariiqaas, ee maxaad uga dhigtaan mayd ku dhex jira gacanta ayaamaha, qariib meeshuu ku dhashay taagan, daalanayaal cad-ceedda hoos jooga?

Waalidka wiilkiisa addoonka ka dhigaya miyuusan ahayn kan wiilkiisu uu rootiga waydiistay ee dhagaxa siiyey oo kale? Miyay daan arag shimbiraha ku taba-bara dhallaankooda duulimaadka, sidee baad idinku caruurtiinna u baraysaan inay jiidaan sil-siladaha adoon-nimada?

Khaliil ayaa xoogaa aamusay oo wuxuu yidhi “Hadalkan aan idinkula hadlayo caawa waa hadalkii la iiga soo eryey dayrka, ruuxdan xalaal miiradka ahi waatan i kiin hor istaajisay caawa.”

Khaliil wuxuu u hadlayey sidii mid wax ay hadalkiisa ku dheehan tahay sixir, nimankii dhegaysanayey amankaag ayay la dhacsan yihiin, dumarkuna waxay u eegayaan si caadifad leh oo indhaha ilmaa ka tifiq leh, balse halkan waxaa taagan Ilyaas iyo Sheekh Cabbaas oo aad moodo in la dul seexshay dermo qodax ah, ma awoodaan inay aamusiyaan oo kor ayuu u qaylinayaa wax ay sameeyaanna ma yaqaanaan.

Khaliil markuu hadalkiisa dhameyey ayuu dib u yara gurtay, wuxuu la istaagay Maryan iyo Raxiil, waxaad moodaa in goobta ay aamusnaantu hadhaysay, doonitaankii oo idil dadka in laga saaray ayaad moodaa oo waxaa intaas dheer Cabbaas iyo Ilyaas oo iyaguna ku biiray sida dadka tuuladu ay yihiin, waxaad moodaa inay hor taagan yihiin bahal oo way jaraynayaan.

Markaas ayaa Sheekh Cabbaas intuu istaagey wejigiisuna uu casaaday uu yidhi “Ey yahay maxaa idin helay oo aad u qaban waydeen, ruuxdiinna miyaa ruuxdiisa ku lifaaqan tay.”

Kelmadahan wuxuu yidhi isagoo cadhaysan, wuxuuna kasoo kacay fadhigii u ku fadhiyey, seef weyn oo af leh ayuu galka kasoo saaray oo uu wiilkii kula soo cararay, isagoo saas ah ayaa waxaa hor-istaagay nin xoog weyn oo beeralaydii ku jiray oo ku yidhi “Joogso mudane waayo, seefta kan qaata seef uunbaa lagu dilaa.”

Cabbaas seeftii ayaa dhulka uga dhacday wuxuuna yidhi, “Ma ninkan daciif ka ah ee shaqaalaha ayaa i hor istaagaya.”
Ninkii ayaa yidhi “Shaqaalaha aan la wadaagin mudanaha dulmiga uu falayo iyo takri falka, wiilkani waxba ma uusan samayn xaq mooyee wax kalena muu dhihin.”
Nin kale ayaa yidhi “Wax lagu xukumo wiilkani ma faline maxaad ugu deg-degaysaa?”

Gabadh kale ayaa iyana tidhi, “Wax ilaahay looga fogaado muusan odhan wiilkuyee maxaad gaal ugu tilmaamaysaa?”
Raxiil ayaa is dhiirri gelisay oo tidhi “Wiilkani dulmigeenna ayuu ka gubanayaa oo wuu diidan yahay, cadowga isaga raba inuu dilo waa noo cadow.”

Cabbaas ayaa intuu xanaaqay ugu jawaabay gabadhii “Sidaas miyaad u hadlaysaa garoob yahay, miyaad illowdey markii aan diley ninkaagii oo aniga i caasiyey?”
Raxiil ayaa yaabtay, waxaadba moodaa qof sir weyn ka qarsoonayd oo daaha looga faydey, waxay eegtay dhankaa iyo dadkii waxayna ku tidhi “Eega waakaas dembiilihii dilay ninkayga, wax badan waad raadiseen balse ma arag oo waa waydeen, ninkayga waad wada taqaaneen oo geesi buu ahaa ma xasuusataan miyaa? Ma maqasheen isagoo Cabbaas arrimihiisa ka hadlaya?

Ilaahay ayaa kashifay dilaagii aan ogayn, eegaa waakan idin hortaagan sidii addoon khaldamay, eega ninkii waynaa ee isqaad-qaadi jirey oo dulli ah idinna hor-taagan, waakan kii walaalkiin iftiinka ka qariyey ee diiday inaad isaga xaqiiqdiisa ogaataan, waakan dilaagii iga dhigay garoobta ee gabadhaydana ka dhigay agoonta.”

Raaxiil iyadoo hadalkeedii wadata oo kor u qaylinaysa, foodhida raga iyo qaylada dumarkuna is gaadhay ayaa Ilyaas garabka qabtay Cabbaas oo fadhiisiyey oo yidhi “Halla qabto gabadhaas iyo wiilkaba qol mugdiyana ku xidha, kii soo raacana waa la midee isna xidha, kaniisadana waa ka mamnuuc.”

Ma dhaqaaqin shaqaalihii booskoodana kama tegin, waxaad moodaa inay hadalkii gabeen oo ay bartooda ku qallaleen.
Kaahinkii ayaa yidhi “Ma amarka sayidkiina ayaad ka hor imanaysaan oo aad uga gaaloobaysaan gabadh hadalkay tidhi?”

Odaygii ugu waynaa shaqaalaha ayaa yidhi “Cabbaas anagu uma ahayn adoomo ee rooti ayaannu kasugi jirney.” Dharkii iyo koofiyadii ayuu hor dhigay Cabbaas oo uu yidhi “Marabo inaan sii ahaado mid wata dharkan, oo noloshiisa ku sii dleeya.”

Dhamaan shaqaalihii intaas ayay ku dhaqaaqeen oo waxay dhex galeen dadkii, wuxuu xaalku sidaas ahaadoba waxaa soo baxay nin iyaga ka mid ah oo yidhi “Wiilkaad soo kaxaysay garbahana kasoo xirtay, si aad u xukunto ayaa maanta noo cadeeyey runtii naga daahnayd iyo dulmigaad nagu haysey, gabadhaad ku tilmaantay inay tahay garoob aan waxba tarin oo beenalay ah ayaa noo cadaysay wixii beryo iyo iyo beryo naga awdnaa ee aan arki wayney, waannu kaa tegi oo waannu ku dhaafi, samadu waxay kugu xukunto oo ay ku dhahdona waannu eegi.”

Hadaladii ayaa is waydaartay oo midba waxbuu soo jeediyey. Qaar waxay leeyihiin “Aannu Khaliil ka dhiganno amiir isagaa danahayaga oge.” Qaar waxay leeyihiin “Aannu boqorka u tagno oo aannu u sheegno dembiyadii Cabbaas.” Qaar kalaa ku dhawaaqaya “Aan raacno Khaliil oo xikmadaha aannu ka qaadanno.”

Hadallo badan ayaa la is waydaarsaday oo la is yidhi, Khaliil ayaa gacanta taagay oo yidhi “Ha u tegina boqorka waayo anigu ma rabo inaan la wadaago dulmigiisa, ha u tegina ninka dayrka u taliya waayo wuu ogyahay guri nin leh inuu labo u qaybinayn, waxaan rabaa inaan idinla noolaado oo aan idin la qaybsado nolosha farxadeeda iyo waxaad mudataan, aannu ka tagno Cabbaas oo maxkamada damiirkiisa aannu siino, soo baxa dhulkeenna aannu tacbannee.”

Khaliil ayaa soo baxay, waxaa ka daba baxay dadkii oo dhan waxaad moodaa inay naftiisu leedahay meeshuu u jeesto halloo jeesto, markuu marayo dayrkii agtiisa ayuu dib u eegay dadkii oo dhan wuxuuna dareemay qiiro iyo dabacsanaan hor leh, wuxuu arkay dayax soo baxaya oo mugdigii qaaday, dumar, rag iyo caruurba waa la daba socdaa, waxaad moodaa inuu arkay dadkii bariga oo dhan addoon-nimada ay jiidayaan, gacantuu kor u qaaday oo uu yidhi “Na maqal xorriyadeey laabahayaga hoostooda ayaannu kaaga yeedhaynaa, mugdigan hareerihiisa ayaannu kaaga yeedhaynaa ee nasoo eeg, barafkan ayaannu kuugu suujdnee noo naxariiso, carshigaaga ayaannu hoos joognaa anagoo xidhan dharkii aabayaashay ee dhiiga lahaa, seefihii lagu qawracay ayaanu wadanaa, warmihii laabta loogaga dooxay ayaannu wadanaa, weedhihii dhuumahooda xanuujiyaannu leenahay, xadhigihii lugohooda dabraan wadnaa, na dhegayso xorriyadeey, afka horee niil illaa biya shubka Furaat yeedhamadaa is dul taalla, cidhifyada jasiiradda iyo illaa Lubbnaan afkeeda gacmahooday kuu soo fidiyeen, xeeliga Khaliij illaa iyo dabada saxaraha indhahaa laguu soo taagayaa, nasoo eeg xorriyadeey, cariishyada faqriga ayaanu kanimi adigaannu laabta kugu hoos garaacaynaa, awood isbidid iyo takrifal nooga hiili xorriyadaay, kitaab la xooray oo la tuuray iyo kaniisad xagjir laga noqday, qaylo dhaan baa kaaga timi shariicadii la tuuray, beeralaydii farahooda ku qodayey beerahooda kuna waraabinayey ilintooda, kama dhaxlo qodax iyo faa’ido darro mooyee, hadaloo na qaabil na ogwna.

Idahayagu qodxay daaqaan halkay caws ka cuni lahaayeen, dibidayaduna waxay cunaan jiridaha, fardahayaguna waxay cunaan xashka halkay ka cuni lahaayeen shaciirta, hab xorriyadaay oo na badbaadi.
Bilawgii illaa hada mugdibaa habeenkii wataaye, goormaa arooryo la gaadhi? Xabsi illaa xabsi baannu isu bedelnaayoo dadku nagu jees-jeesee goormaannu u dulqaadanaynaa? Dab iyo dab baannu luqunta u gudbinnoo umaduhu nagu qoslayaane goormaa qosolka nalaga dayn? Dabar illaa dabar kale ayaannu isku xidhnoo dabruhu ma dhamaadaane, mana dabar go’nee, illaa goormaanu noolaan?
Addoonsigii masar, illaa qafaalashadii baabil, qallafsanaantii furus, illaa dulmigii ta-taarka, halkeennu u soconaa se goormaanu gaadhaynaa figta u saraysa?

Garabkayaga xoogiisay rukummada ku taageen si ilaahyadooda ay u wayneeyaan, dhabarkayaga ayay ku qaadeen oo ku xammaaleen dhoobadii iyo dhagaxyadii si ay u dhisaan seerarka iyo qabriyada awoow-yaashood, anagay ahraamta nagu dhiseen si magacyadoodu ay u lumin, illaa goormaanu dhisaynaa dabaqyada oo aynu buushashka iyo cariishyada ku noolaanaynaa, illaa goormaynu cunto ka buuxin khasnadaha iyo ahraamta oo aynu cunaynaa toon iyo kuraaska, illaa goormaynu hoolaynaa xariirta iyo suufka oo aynu ka qaawannahay?

Xumaantayda iyo wanaag la’aantooda ayay reer reer na iskugu kaaya dareen, qabiil qabiil ayay noo kala gooyeen, illaa goormaynu ciidda hee-haabi oo aynu waxan dhimatay isku haysan sida caga baruurka {libaaxa dhallaankiisa yar}?”
“Carshiyadooda ilaalintooda iyo xasiloonida qalbiyadooda ayay iskugu dhiibeen hub, shiiciga ayay ku dhiiriyeen inuu sunniga la dagaalamo, illaa goorma ayuu walaalku walaalkiisa kale la dagaalami, deriskuna deriskiisa kale? Nala hadal oo na dhegayso xorriyadaay, nasoo eeg oo noo soojeeso.”
“Na dhegayso xorriyadaay, noo naxariiso ina atinaay {magaalo fal-safadeed oo Giriiga ku taal}, na bad-baadi Rooma walaasheedaay, noo saafi noqo rafiiqa Muusaay, na taageer xabiibkii Maxamadeey, qalbiyadeenna xooji oo na adkee.”

Khalaiil samaduu u qayla dhaan dirsday, indhaha beeralayduna isagay eegayeen, laabtooda iyo qalbigiisu waxay noqdeen rafiiq, waxaad moodaa in ruuxdoodu ay isku milantay.
Wuxuu yidhi Khaliil “Habeenkan mugidga ah waxaynu iskugu nimi guriga Cabbaas si aynu u aragno iftiinka dharaarta, waxayna naso istaajisay koonkan weyn oo qabawga badan, hadaba aannu kala tagno oo midba ha aado furaashkiisa subaxdiina walaalkiis ha u yimaado.”

Intaas ayuu yidhi, oo uu tallaabooyinkiisii la raacay Raxiil iyo Maryan, dadkii oo idilna waxay aadeen guryohoodii iyagoo dareemaya nolol cusubi inay u bilaabatay.
Saacadoo kamay soo wareegin illaa iftiinka ayaa is rogey dadkiina xasilooni ayay ku seexdeen, balse Cabbaas wuxuu la cawaynayey habeenka iyo mugdigiisa ba’an.
Laba bilood ayuu Khaliil ku dhex noolaa dadkii, maalin walnba waxa uu uga sheekayn jirey waajibaadkooda iyo xuquuqdooda, wuxuu u bidhaamin jirey oo uu tusi jirey hanqal taagga wadaadada iyo qallafsanaanta dadka iyaga maamulaya, farxad iyo rayn-rayn ayay wadaageen midkoodba midka kale ayuu siin jirey, tusaale iyo talooyin ayay iskugu deeqi jireen iyagoon ka sheekaynayn warkii Cabbaas iyo addoon-nimadii, waxaase kuu soo hadhay Cabbaas, wuxuu u dhaqmi jirey sidii qof waalli qaba amase shabeel jeel iyo xabsi ku jira, wuxuu dhex wareegi jirey gurigiisa iyo wadada, markuu gurigiisa tago wuxuu u yeedhee shaqaalihiisa mana u soo jawaabo illa gidaar mooyee, waxaa caawin jirtey oo la joogtey naagtiisa oo uu gumaysi biday, maal-mihii wacnaa ayaa soo food lahaa gugiina wuu curan dooney, waxaa si foolxun oo aan qurxoonayn u dhintay Cabbaas oo ruuxdiisa lagu xisaabin doonaa hoosta carshiga aynu dareenno balse aannu arag.
Dumarkii u tacsiyeeyey xaaskiisa, ayaa waxay u sheegeen nimankooda, inuu dhintay isagoo ka baqaya suuraddii Samcaan oo habeenka saq badhkiisa u imaan jirtey, una kaxayn jirtey meeshii uu ku dilay isaga.

Ayaamihii ayaa bishaareeyey oo bilo cusub ayaa curtay, Khaliil iyo Maryan ayaa kal-gacalkooda la muujiyey, dhalin yaraduna kama baan jirin inay xeebaha iyo badwaynada jacaylka dabbaashaan, soddog iyo xidid-nimaa bilaabatay.

Beer goosigii ayaa yimi, wakhtiyadii la guran lahaa waxa ay u diyaar garoobeen dadkii sidii ay xaqooda u soo qaadan lahaayeen, ma joogo Cabbaaskii xaqooda boobi jirey, midkastaaba wuxuu qaatay oo uu helay wixiisii, buushashkiina cunto iyo raashiin ayay tif noqdeen.

Khaliil wuxuu la qaybsan jirey dhib iyo dheefba, jacayl iyo farxad ayay wadaagi jireen dhamaantood, kama uusan sooci jirin naftiisa nafaha kale.
Illaa maalinkaas, beeralaydii waxay noqdeen kuwo dheefsada xooggooda, dhulkii wuxuu noqday hantida kan fasha.

Nus qarni ayaa dhacdadaa kasoo wareegay, waxaa lagu baraarugey tuuladaas, markuu safarku marayo tuulada aageeda qofku wuxuu u fiirsanayaa wanaageeda iyo siday u qurxoon tahay, waxaadna moodaa caruusad fadhida webiga hareertiisa, buushashkii waxay isku bedeleen guryo qurxoon oo waaweyn, haddii aad waydiiso dadka oo aad tidhaahdo aaway qasrigii Cabbaas waxay ku odhanayaan, “Waa kaas dhagxaantaas dunsan, waana taas taariikhdiisa iyo noloshiisuba.” Haddii aad waydiiso oo aad tidhaahdo “Khaliil meeyey.” waxay ku leeyihii “Waakaas, taariikhdiisa iyo noloshiisa waxaa noo xarriiqay aabayaasheen oo ku qoray warqado dahabi ah, oo marnaba kama tirayso ayaamaha iyo habeennaduba.”

*Qoraaga sheekada: Jubraan Khaliil Jubraan