Type to search

Sidee siyaasadda loola gaddiyey Albashiirkii Suudaan?

Aragti

Sidee siyaasadda loola gaddiyey Albashiirkii Suudaan?

Madaxweynihii Sudan Cumar Xasan Al-Bashir waxa uu kamid ahaa madaxdii Carabta ee ugu xukunka dheeraa, balse bishii April ee lasoo dhaafay ayaa lagu qasbay in xilka laga tuuro, kaddib afar bilood oo ay mudaharaadyo is-dabajoog ahi ka socdeen waddooyinka magaalo madaxda Khartuum. Muddadii 30-ka sano ahayd ee uu xilka hayey Al-Bashiir, Sudaan waxa ay ka […]

Madaxweynihii Sudan Cumar Xasan Al-Bashir waxa uu kamid ahaa madaxdii Carabta ee ugu xukunka dheeraa, balse bishii April ee lasoo dhaafay ayaa lagu qasbay in xilka laga tuuro, kaddib afar bilood oo ay mudaharaadyo is-dabajoog ahi ka socdeen waddooyinka magaalo madaxda Khartuum.

Muddadii 30-ka sano ahayd ee uu xilka hayey Al-Bashiir, Sudaan waxa ay ka badbaaday isku dayo afgambi, iska hor-imaadyo iyo dagaallo isbaddel doon ah balse waa uu ku guuldarreystay in uu fahmo iyo in uu darso siyaasadda gobolka, sidoo kale na sameysto isbaheysi iyo xulufeysi wax ku ool ah. Bishii April 10keedii xilli habeen ah, ayaa Salax Gosh oo ahaa madaxa sirdoonka Sudan, ku wargeliyey Cumar Xasan Al-Bashiir in aan wax cabsi ah laga qabin mudaharaadayaasha soo buux dhaafshay waddooyinka, oo la kala cayrin doono, taas oo qalbi dajin u ahayd Madaxweyne Al-Bashiir si fiican na dhinaca dhulka ugu dhigtay. Hase ahaatee, arrinku waa uu isbaddelay oo afar bilood ku gudahood waxaa waddooyinka iskugu soo baxay kumanaan mudaharaadayaal ah oo dalbanaya in la helo dimuquraadiyad(Democracy) iyo in laga qaado culaysyada dhaqaale ee dawladdu soo rogtay.

Waxa ay dadku soo tubteen hareeraha wasaaradda difaaca iyaga oo qeylinaya oo caraysan si nabdoon na dareenkooda u muujinaya. Madaxweyne Cumar xilligaas madaxtooyada ayuu hurdayaa oo war kama hayo waxa bannaanka ka socda, kuwa warka la socodsiiyana hadallo mujaamallo u badan ayay laabta ugu qaboojiyaan, iyaga oo xaqiiqada jirta ka daboolaya. Afar saacadood oo uu jiifay kaddib na waxaa lagu wargeliyey in afgambi dhacay oo uu hormuud ka ahaa Saalax Gosh oo ay saaxiibbo ahaayeen sidoo kale ahaa madaxa muqaabaraadka Sudan.

Waa-xun ayaa baryey, dhammaan ilaaladiisii waa ay tageen, waxaa na baddelay ciidamo joogto ah. Halkaas ayuuna ku idlaay xukunkii 30 sano jirsaday ee Cumar Xasan Al-Bashiir. Mid kamid ah xubnihii ka ag dhawaa saacadihii ugu dambeeyey Al-Bashiir oo wareysi siiyey Reuters, ayaa yiri,” Madaxweynuhu salaad ayuu ku jiray markii afgambigu dhacayey, saraakiil ayaa sugeysay oo kor taagnaa, markii uu dhammeystay salaaddiina waa la xiray oo la kaxeeyey.” Sida la sheego waxaa ka dambeeyey in xukunka laga tuuro Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, madaxa ciidamada sirdoonka iyo kan police-ka oo doonayey in ay u hanqaltaagaan madaxtinimada Sudaan.

Waa adduunyo xaalkeed e, Al-Bashiir waxaa loo qaaday xabsiga Kobar, oo ah xabsi caan ah oo lagu xiro siyaasiyiinta mucaaradka ah, noloshooda inta dhimman na ay liinta ku cabbaan. Waxa uu ahaa afgambi layaab leh, waayo, Al-Bashiir waxa uu ahaa nin ka badbaaday dacwad ay u haysatay maxkamadda dambiyada caalamiga ah oo ku eedeysay in uu ku lug lahaa xasuuqii iyo gabood-falladii ka dhacay gobolka Daafuur sidoo kale na u babacdhigay xayiraadihii Mareykan kusoo rogay waddanka Sudaan.

Madaxweyne Al-Bashiir waxa uu xiriir xaglin ah la yeeshay Imaaraatka Carabta, Waddanka saliidda qaniga ku ah. Waxa uu ku qabay dano gaar oo lacago xaddhaaf ah ayaa ah Imaaraat Sudaan ugu deeqi jirtay. Ujeedka lacagta loo harqinayey Sudan waxa ay ay ahaye in hawlgaladda iyo dagaalka ay Yaman ka wadaan UAE iyo Saduucigu laga taageero, oo ay garab ka helaan Al-Bashiir. Yaman waxaa ka dagaallamayey dhallinyaro Sudanese ah oo qeyb ka ahaa dagaalka ka socda, oo kasoo horjeeday isbaheygisa Sacuudiga iyo Imaaraatka. Si looga hortago dhaqdhaqaaqaas dhallinyaro, ayaa uu booqasho ku tagay dalka Imaaraatka madaxweyne Al-Bashiir sannadlii 2017-da, isaga oo lacag iyo ballamo daneysan lala saxiixday. Ujeedka Imaaraatka waxa uu ahaa in la ciribtiro kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka jira gobolka si ay danaheeda siyaasadeed u gaarto. Si ay u gaarto ujeedkaas na, u marto waddo kasta oo macquul ah.

Sannadkii 2018-dii, ayaa Imaaraatku lacag dhan $7.6 Bilyan ugu deeqay Sudaan si loo kordhiyo bangiga dhexe ee Sudaan iyo dhammaan ilaha dhaqaalaha ee gaarka loo leeyahay. Garab istaaggii hiilka iyo hooda ahaa ee Imaaraatka iyo Sacuudigu ma aysan ahayn sadaqqo iyo walaaltinimo e, waxa uu ahaa ii shaqee, aan lacag ku siiyee. Addoon ii ahow oo amarradeyda fuli, aan ku dharjiyee. Al-Bashiir kama soo bixin ballamadii iyo heshiisyadii lala galay, oo kama uusan taqalusin ururradii Islaamiyiinta ahaa ee uu xiriirka lahaa. Isfahmi-waagii siyaasadeed ee ka dhex aloosmay Qatar iyo Sacuudiga, lama uusan safan Sacuudiga iyo Imaaraatka, oo haba yaraatee kama uusan jawaab celin danahooda. Hadda ba, waxaa abuurmay colaad iyo kala shakin. Waxa ay go’aan ku gaareen in ay Cumar Al-Bashiir talada ka tuuraan oo ay afka ciidda u daraan, kuna bixiyaan maal iyo maskax ba.
Waxa ay xiriirro hoose la yeesheen qaar kamid ah madaxda ciidamada iyo siyaasiyiin galaangal siyaasadeed leh si ay saameyn togan u yeeshaan kaddib na qorshohoodu ugu meel maro.

Waxa ay dhaqaalihii ay ku bixin jireen gabi ahaan ba ka jarteen Sudaan iyaga oo Jeneral Maxamed Hamdan oo ahaa jeneraal awood leh si hoose wada-hadal ula yeeshay.
Ugu dambayn na waxaa rumoobay ujeedkii Imaaraatka iyo Sacuudiga, ee ahaa in Cumar Xasan Al-Bashiiroo dulleysan uu xilka ka tagi doono maalin uun, ay na suurtogeli doonto danaha ay ka leeyihiin Sudaan. Halkaas ayuuna ku dambeeyey xukunkii 30 jir ahaa ee Al-Bashiir.