Type to search

Maxaa lagu xasuusan doona kaligi taliskii Carbeed?

Aragti

Maxaa lagu xasuusan doona kaligi taliskii Carbeed?

Natiijadii Kalitalisyadii Carabta, Qarannimo mise Qar katuuris? Markii aad u kuurgasho taariikhda talisyada iyo maamulladii soo maray caalamka carabta illaa laga soo gaaro kuwa casrigaan aan noolnahay jira, dhaqsaba wuxuu fikirkaagu la fiigayaa sida nidaamkooda maamul uu sinnaba uga marneyn kalitalisnimada, oo ay la jirtay ku xadgudubka xuquuqda rayidka, xatooyada hantida dadweynaha, iyo ku noolaashaha […]

Natiijadii Kalitalisyadii Carabta, Qarannimo mise Qar katuuris?

Markii aad u kuurgasho taariikhda talisyada iyo maamulladii soo maray caalamka carabta illaa laga soo gaaro kuwa casrigaan aan noolnahay jira, dhaqsaba wuxuu fikirkaagu la fiigayaa sida nidaamkooda maamul uu sinnaba uga marneyn kalitalisnimada, oo ay la jirtay ku xadgudubka xuquuqda rayidka, xatooyada hantida dadweynaha, iyo ku noolaashaha xaqa inta tabarta yar.

Dhanka kale wuxuu caqligaagu la caroonayaa sida ay madaxdaasi u caadeysteen dilka haldoorka ka fakarka duwan, xabiska halyeyga xaqqa ku dhawaaqa, xasuuqa shacabka ka dhiidhiya, iyo xaalufunta iyo xaraashka kheyraadka ay ummaddu wada leedahay.

Waxaa ka sii daran markaad ufiirsato maamulladaasi kalitalisnimada ku caan baxay, wuxuu qalbigaaga la ilmeynayaa sida ay u banneysteen dhiigga masaakiinta, u qarribeen aayahooda mustaqbalka, ugu ciyaareen masiirka danyarta , islamarkaana ay ufogeeyeen indheergaradkii iyo aqoonyahankii u hadli lahaa dulmanayaashaas aan jabaqdooda la maqlin.

Madaxdaas xadgudbay waxay giddigood -inyar ma ahane- kursiga qabsadeen iyaga oo afgambi iyo xoog ku maroorsaday sida Albashiirka Suudaan iyo Siisiga Masar, ama awooyaal iyo aabbayaal si xaqdarro ah ku dhaxlay sida Bin Salmaanka Sucuudiga iyo Bishaarka Suuriya oo doorahadiisu xor iyo xalaal ka fogtahay. Sikastaba ha ahaatee taariikhda xukunka Carabta waa mid casharro badan laga baran karo, laga soo billaabo dhicitaankii Khilaafada Cusmaaniyiinta illaa xilligaan la joogo.

Markasta madaxdaasi iyo guud ahaan ururradii uhanqal taagayay hanashada hoggaanka dalalkooda waxa ay ciirsanayeen adeegsiga diinta, difaaca dalka iyo qarannimada iyo beer laxawsiga qowmiyadeed oo ay dadka u sawirayeen inay carabnimadu ugu mudan tahay wax la dhowrto oo loo dhinto. Geeskaad ka eegtaba waxa ay ku caan baxeen sasabashada iyo sirsiridda shacabka inta aysan xukunka fuulin, iyo cabburinta, cadaadinta iyo cadaabka shacabka kaddib markii ay kursiga yimaadaan.

Natiijadii ka dhalatay arrintaasi waxay isugu jirtaa quruumo duugmay oo dabarjarmay horumarkoodii sida Ciraaq, Suuriya, Yaman, iyo Liibiya, iyo kuwa taagdarnaaday sida Masar, Tuunis, Suudaan, iyo Falastiin, iyo kuwa kale oo horumaray horumar maaddi ah oo ay daaduftay damiirka iyo dadnimada, sida Sucuudiga, Qadar Imaaraadka, iyo Baxreyn; waayo gudahooda shacabku waa kuwa cabbursan, xuquuq madani ah iyo mid aadane midna u dhameystirneyn, cadaaladda iyo sinnaantana maqal mooyee macnaheeda dhabta ah aysan dhadhaminin.

Tusaale ahaan haddii aan milicsanno taariikhda siyaasiga ah ee dalka Ciraaq kaddib dagaalkii 2-aad ee dunida waxa uu ahaa boqortooyo ay maamulaan qoys reer Haashim la oran jiray, balse nidaamkaasi waxa ay qorraxdiisu dhacday kaddib afgambigii guuleystay oo ay Milatarigu xukunka uga tuureen boqor Feysalkii labaad ee boqortooyadaasi sannadkii 1958-kii, markaas oo uu dalka ka curtay nidaam Jamhuuri ah oo ay askartu horkacayeen.

Madaxweynihii ugu horreeyay waxaa noqday Muxammed Najiib Rabiici oo ahaa janaraal iyo siyaasi rugcadaa ah, isagaana ahaa daadihiyahii jamhuuriyadda. Waxaa ugu dambeeyay saddex madaxweyne kahor inta uusan imanin kalitaliskii iyo macangaggii weynaa ee Sadaam Xuseyn Almajiid oo noqonaya madaxweynihii shanaad ee Baqdaad ka arrimiya.

Sadaam 16-ka Luulyo, 1979 ayuu si rasmi ah ula wareegay talada dalkaasi, lama nasan ee durbaba waxa uu gudagalay cabburinta, cadaabidda iyo colleynta dadkii uu u arkayay inay caqabad iyo khatar ku yihiin kursigiisa. Waxa uu ku furfurtay laynta iyo xasuuqa 17 kamid ah saaxiibadiisa kula jiray xisbiga Bacath ee talada haya isagana uu hoggaamiyo, isaga oo ku eedeeynaya inay shirqool la maaggan yihiin maamulkiisa curdanka ah. Waxa uu noqday xasuuq ay si weyn uga argagaxeen shacab weynaha Ciraaq, gaar ahaan intii ka aragtida duwaneyd oo isugu jiray siyaasiyiin mucaarad ah, shiico diin ahaan iyo siyaasad ahaan ka biya-diidsaneyd maamulkiisa iyo qofkasta oo dhaliil uhayay, wuxuu se kasii dartay markii uu dagaal ku qaaday Iiraan isaga oo sannad ku nagaanin xukunka sannadkii 1988-kii, waxaana dhexmaray mid kamid ah dagaalladii ugu qaraaraa uguna cimriga dheeraa ee dunida ka dhaca qarnigii 20-aad, kaas oo socday muddo siddeed sano ah. Waxa uu soo dhamaaday iyada oo aan la gaarin natiijo wax ku’ool ah, oo aan ka aheyn dhimashada dad kor udhaafaya 200 oo kuj oo rayid ah oo ka kala tirsan labada dhinac, la’shada ciidammo aan cadadkooda yareyn iyo khasaaraha 35-40 bilyan oo dollarka Mareykanka ah oo dagaalka lagu bixiyay.

Kama soo kabanin dagaalkii uu Iiraan la galay, markuu haddana dagaal ku qaaday Kuweyt sannadkii 1990-kii. Markaan sidii hore waa ay ka gaddisan tahay xaajadu, haddii uu dagaalkii Iiraan ku galay hanti iyo lacag ay leeyihiin Carabta Khaliijiyiinta ah, siyaasad ahaanna Mareykanka ku taageersanaa in lala diriro Iiraan, si guud ahaaneedna dadyowgii sunniga ahaa uu ka helay magac iyo sumcad ay weyn maadaama uu shiico la diriray, heer ay ugu wan qalaan “Libaaxii Sunnada”, dagaalkan Kuweyt sidaa waa uu ka duwan yahay.

Carabtii Khaliijiyiinta ayna Sucuudiga iyo Imaaraadka ugu tun weyn yihiin, iyo si guud Carabta kale waa ay kasoo horjeedaan oo kuma taageersana, Mareykanka oo ahaa quwadda ugu weyn dunidana dan uma arkin in Kuweyt la weeraro, dadyowgii sunnniga ahaana kuma faraxsana inuu sunniyiin kale laayo. Nasiib darradaasi weyn oo saaxiibadii shalay u rogtay cadowga maanta ayaa Sadaam ku dhacday.

Waxa uu adeegsaday waxkasta oo uu heystay xitaa gaaska iyo kiimikada sunta ah, isaga oo ku madax adkaanaya inay Kuweyt ka tirsan tahay Ciraaq, kaddib waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn dhaqaale oo ay Ciraaq si dagdag ah udareentay, illaa ugu dambeyntii Kuweyt looga soo saaro cadaadis ay ku mideysnaayeen Mareykanka iyo Carabta oo idil. Dhanka kale Sadaam waxaa lagu eedeeyaa xasuuqa qabaa’il fara badan oo reer Ciraaq ah, dilka kummanaan aan waxba galabsan iyo qar ka tuurista dalkii taariikhda weyn lahaa ee Ciraaq. Wadar ahaan dadkii sababtiisa udhintay waxaa lagu qiyaasaa in kabadan laba Milyan oo sokeeye iyo shisheeyaba isugu jira.

Sannadkii 2003-dii ayaa la weeraray Ciraaq, xoogag carab iyo ree galbeed isugu jiray ayaa umidoobay, kaddib markii lagu tuhmay inuu heysto hubka wax gumaada ee Nugliyeerka, ugu dambeynna waxaa gacanta lagu soo dhigay isaga oo beer yar oo magaalada Kibriit ku taalla ku dhuumaaleysanaya.

Waxaa lagu soo oogay dambiyo dagaal, xasuuq dadweyne, adeegsiga hubka Kiimikada ah iyo dambiyo kale, waxaana ay ku xukumeen dil daldalaad ah, taas oo lagu fuliyay maalin ciid ah, taariikhdu markey ahayd 30-kii Diisambar 2006-dii. Waxa ayna taariikh ahaan uga dhigneyd kufitaankii saddexaad oo ay Baqdaad afka u dhacdo, si daran oo soo kabsashadeedu adag tahay, illaa maantana ay la daalaa dhaceyso sidii ay usoo laaban laheyd.

Sidaa oo kale ayay faleen guud ahaan kaligii talis kii Carbeed sida Jamaal Cabdinaasir oo ahaa madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Masar, waxa uu geystay xasuuq iyo leynta shacab badan oo Masaari ah, si gaar ah beegsiga jaamacadda Ikhwaanka oo Masar ugu ololeeya dowlad Islaami ah.

Waxa uu Masar galiyay dagaallo aysan ubaahneyn inay gasho sida dagaalkii Yaman oo ay dad iyo duunyaba ay uga lumeen, waxaana la sheegaa dhamaan dagaalladii uu galay inuusan mid koodna ku guuleysan, sidoo kalena waxaa si weyn loogu xusuustaa cabburinta saxaafadda xorta ah iyo guud ahaan dib udhicii Masar ay dhex jibaaxday waayihii Jamaal Cabdinaasir.

Waxaa kaloo la tilmaami karaa Bishaar Al-asad oo ah madaxweynaha Suuriya laga soo billaabo sannadkii 2002-dii illaa hadda (2019), waxa uu hoggaanka Suuriya qabtay kaddib markii uu geeriyooday aabbihiisa Xaafid Al-asad. Waxa uu geystay xasuuqyadii ugu xanuunka badnaa Caalamka Carabta, waxa uuna adeegsaday hubkasta oo uu heli karay, si uu ujoojiyo kacdoonnadii shacbiga ee nidaamkiisa lidka ku ahaa ee ka dillaacay Suuriya sannadkii 2011-ka, taasoo keentay inuu dalkaasi ka qarxo dagaal sokeeye oo isaga iyo mucaaradka udhaxeeya, waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 300kun oo qof, kana dhigtay malaayiin Suuriyaan ah kuwa qaxooti ah oo buux dhaafiya xeryaha barakacayaasha caalamka iyo xuduudaha reer Yurub. Dalkii quruxda badnaana ka yeeshay meel ay ku lagdamaan quwadaha waaweyn ee caalamka.

Mucammar Al-qadaafigii Liibiya, Zeynudiin Al-caabidiinkii Tuunis, Xusni Mubaarak-gii Masar, Cali C. Saalixii Yaman ayaa iyaguna casharro badan lahaa taariikhdooda xukun. Xilligaan la joogana Cabdifataax Alsiisi, Muxamed Bin Salmaan iyo kuwa kale ayaa wali ku taagan dhabbihii kalitalisnimada iyo dhiig miirashada masaakiinta. Haddaba illaa goorma ayey carabtu hoos joogi doonta maamul markuu joogo xun, markuu tagayana ku reeba dhiig iyo foolxumo dalka iyo dadkana salfada.