Type to search

Ardeyda ay ku adkaadaan kulyadaha jaamacaddu maxaa la gudboon?

Aragti

Ardeyda ay ku adkaadaan kulyadaha jaamacaddu maxaa la gudboon?

Ardayga inta uu tacliintiisa jaamacadeed ku howlan yahay waxaa lasoo darsa caqabado iyo mashaakil tira badan. Dhibaatooyinkaasi ma ahan kuwa soo booddo ah oo aan lasii fileynin, oo markasta nolosha jaamacadda waa mid si uun caqabadaheeda joogto u yihiin, malaha waaba loogu talagalay si uu ardaygu ugu tababarto habkii iyo hannaankii uu u maareyn lahaa […]

Ardayga inta uu tacliintiisa jaamacadeed ku howlan yahay waxaa lasoo darsa caqabado iyo mashaakil tira badan. Dhibaatooyinkaasi ma ahan kuwa soo booddo ah oo aan lasii fileynin, oo markasta nolosha jaamacadda waa mid si uun caqabadaheeda joogto u yihiin, malaha waaba loogu talagalay si uu ardaygu ugu tababarto habkii iyo hannaankii uu u maareyn lahaa noloshiisa dambe, una xallin lahaa dhibaatooyinkiisa iyo kuwa ay qabaan dadka ku xeeran ee hareerihiisa jooga.

Runta iyadaa is sheegi og, e marka dusha laga eego mashaakilka ugu warwarka iyo wareerka badan ee uu ardayga waxbarashadiisa ku wajaho waxaa ugu culeys badan mararka ay arrintu ku lug yeelato duruufo maaliyadeed oo ardayga usaamixi weysa inuu bixiyo qarashaadka waxbarashadiisa, sidoo kale xaajadu waxay cirka tagtaa marka ay la xiriirto ku qanacsanaan la’aanta amaba niyad la’aanta kasoo wajahda ardayga takhasuska uu baranayo.

Maqaalkani waxaan ugu jawaabi doonnaa su’aasha ah “Maxaa la gudboon ardayga haddii ay ku adkaato takhasuska ama kulliyadda uu barto?”, ugu horreyntii, waxaa xus iyo xusuusin mudan in xalka arrimahaan markastaba ay xukumaan kolba sida ay duruufuha yihiin, ayna suurragal tahay laba qof oo isku mushkilad ah inay ubaahan karaan laba xal oo kala duwan, haddaba waxaan xoogga saari doonnaa inaan taabanno sida guud ee xaajadu ufurfurmi karto, iyo duruufaha gaar ahaaneed ee midkastaba ku toosi ogtahay.

Sannadkii 2016-kii daraasad ay sameysay wargeys laga leeyahay dalka Ciraaq ayaa lagu wareystay 6304 arday oo dhigta jaamacadaha dalkaasi, su’aalihii ardeydaasi la weydiiyay waxaa kamid ahaa “Maka shallaysay doorashada takhasuskaaga jaamacadeed?” iyo su’aal kale oo aheyd “ Haddii fursad laguu siin lahaa ma baddali laheyd takhasuskaaga?”, waxaana layaab laheyd in 72.7% ay ‘Haa’ ku jawaabeen su’aashii aheyd inay ka shallaayeen takhasuskooda, dhanka kalena 59.3% ay ‘Haa’ ku jawaabeen su’aasha kale ee aheyd Inay baddalli lahaayeen haddii fursad loo siin lahaa.

Waa arrin waaqici ah in ardey badani ay mushkiladdaan oo kale qabsato kaddib markii ay jaamacadaha ku biiraan, sababaha ugu waaweyn ee ku dhalisa arrintaasina waa in ay marka hore ka fiirsanin kulliyadda iyo takhasuska ay doorteen ama ay saamen kulahaayeen doorashadooda cid kale sida waalid, walaal ama saaxib, dabadeedna filanwaa ay ku noqotay xaqiiqda dhabta ah iyo dabeecadda takhasuskaasi uu leeyahay, ama ay garteen inay iyagu lahayn kartida uu dalbnayo takhasuskaasi, sidoo kalena waxaa dhici karta inay ogaadeen in takhasuskaasi baahi badan looga qabin suuqa shaqada, sidaasna ay u doonayaan inay baddasjaan.

Haddaba, haddii ay mushkiladdaan oo kale ku heysato, khubarada iyo dadka ka talo bixiya majaalka waxbarashada waxa ay adkeynayaan inaan lagu degdagin isbaddel in la sameeyo, gaar ahaan haddii takhasuskaasi la baranayey in ka badan laba sano. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay sababtu tahay in takhasuskaaga suuqa shaqada baahi badan looga qabin, amaba adigu aadan lahayn kartida iyo awoodda barasho ee takhasuskaasi marnaba ha degdagin, waayo daraasaduhu waxay tilmaamayaan in ardayda jaamacadaha kasoo baxda ee shaqada hesha intooda badan ay ka shaqeeyaan shaqooyin aan la xiriirin takhasukooda jaamacadeed, tusaale ahaan cilmibaaris ay sameysay jariiradda Washington Post oo ay ugu kuurgaleysay masiirka ardeyda jaamacadaha ka qalinjabisa waxay ku ogaatay in kaliya 27.3% ardeyda jaamacadaha kasoo qalin jabisa ay helaan shaqooyin la xiriira takhasuskooda, taas oo ka dhigan inaan la hubin halkaad ka shaqeyn doonto iyo waxaad ku shaqeyn doonto.

Dhanka kale Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Waxaan loo dhibtoon, laguma dheefsado”, sidaa darteed waa inaad bixisaa dadaalka ugu badan, aadna qabataa shaqada ugu adag si aad uga gudubto caqabaddan. Balse haddii ay arrintu la xiriirto inaadan jecleyn oo aadan hammi u heynin barashada takhasuskaaga, xalka ugu habboon waxa uu noqon karaa inaad baddasho oo aad doorato takhasus kale oo aad jeceshahay, waa inta ay kula fogaan oo ay goori goor tahay.

Waxaan la iloobi karin doorka uu qaato habsami usocodka nolosha ardeyga, waxaan uga dan leenahay, ardayga marka ay noloshiisa nidaamsan tahay uu si fudud ugu tallaabi karo caqabad kasta oo noloshiisa lasoo gudboonaata, sidaa darteed ka sokow xalka mushkiladdan waxaa muhiim ah inuu ardayga dib uhabeeyo hab-socodka noloshiisa. Ugu dambeyn waxaan kusoo gabagabeynayaa in mushkilad kastaaba ay xal leedahay, kaliya ay ubaahan tahay in si xeeldheer loo darso dabeecadda, duruufaha iyo isirrada keenay dhacdada, laguna xisaabtamo caaqibada iyo saameynta ay lahaan karaan go’aammada laga qaadanayo, haddaba si daggan ufakar oo raadi xalka iyo xeesha aad ugu fakan karto isgoys-kaan aad taagan tahay.