Type to search

Khaliil kii Gaalka ahaa.

Arrimaha Turjumid

Khaliil kii Gaalka ahaa.

Sheekh Cabbaas, wuxuu ahaa mid dhex degan tuulo ku taalla Lubnaan, isaga oo aad moodo inuu yahay Amiir raaciyaddiisii dhex jooga, gurigiisu wuxuu ahaa mid ka sarreeya guryohooda, waxaabad moodaa inuu yahay laan dhebi ah oo ku dhex taal kurtimmo. Maciishadiisuna waxay ahayd mid ka gedisan iyaga, akhlaaqdiisa iyo dhaqamadiisuna waxay ahaayeen kuwo aan lahayn […]

Sheekh Cabbaas, wuxuu ahaa mid dhex degan tuulo ku taalla Lubnaan, isaga oo aad moodo inuu yahay Amiir raaciyaddiisii dhex jooga, gurigiisu wuxuu ahaa mid ka sarreeya guryohooda, waxaabad moodaa inuu yahay laan dhebi ah oo ku dhex taal kurtimmo.

Maciishadiisuna waxay ahayd mid ka gedisan iyaga, akhlaaqdiisa iyo dhaqamadiisuna waxay ahaayeen kuwo aan lahayn sifada goobta uu ku sugan yahay.
Markuu sheekh cabbaas ka dhex hadlo beeralayda, madaxooda hoos ayay geyn jireen, waxayna la yaabanaayeen awood caqliyeedkiisa jiidanaysa, kana yeelatay carrabkiisa tarjumaan.

Haddii uu xanaaqo mid kastaaba wuxuu u roori jirey meel, waxaabad moodaa caleemo dabayl jiilaali ay kala haadisay, haddii uu nin dhabankiis dhirbaaxo ninkaasi wuxuu ahaan jirey midaan ka dhaqaaqin meeshaas, waxaanad moodaa in ay dhirbaaxadaasi samada ka timi, waxaana kufri ahayd inaad eegtid kan soodejiyey amase keenay. Haddii uu qof u dhoolla-cadeeyo waxay odhan jireen “Maxaa ka nasiib badan ninuu kaa raalli ahaaday Sheekh cabbaas.”

Ma ahayn isdhiibitaankaas ka yimi beeralayda iyo qallaafsanaantaasi ka cabsasho awood amase daciifnimo ku xiran balse waxaa wehelinaysey baahida ay isaga u qabaan, maxaa yeelay dhulka iyo beeraha ay tacbadaan iyo dhamaan milkiyadduba waxay u leexatay isaga isagaana leh, wuxuu ka dhaxlay aabihiis iyo awoowyaashiis sida ay iyagu uga dhaxleen awoowayaashood, waxay soo saareen ee ay ka tabcadaan beeraha waa wax uu isagu maamulo, waxay ka heli jireen wax yar oo aan kafayn karin baahidooda, balse ay ku noolaadaan dhawr maalmood, marmarka qaarkooda ayaamaha jiilaalka iyo abaarta midkood hadii uu u baahdo rooti wuxuu u doonan jirey isaga, jeer uu lugaha qabsado oo uu ku hoos ooyo Sheekh Cabbaas muusan ka heli jirin wuxuu ka rabo, waxay ahaan jireen kuwo ay ku laba jibaar meen halka diinnaar ee ay ka qaataan isaga, waxay ahaayeen kuwo dayntiisu culayasisey oo aan hadli karin kana baqaya oona dalbaya raalli ahaanshihiisa.

Waxaa yimi Wabaylihii Guga Barafkuna dhulka ayuu wada ceegaaagaa, bulshadii beeralayda ahayd Webiyadii iyo Dooxyadiiba waxaa u harreeyey biyo noloshuna meelkasta way ka Nimacaysan tahay, waxaa la is xasuusinayaa oo lagawada sheekaysanayaa waa ayyaamihii lasoo dhaafay iyo sidii ay wax ahaayeen waayo-waayona waa la isku sheegi.

Bishii ayaa dhamaatay {December} waxaa sii galbanaya sannadkii dheeraa ee daahay, waxaa isbedeli doona oo madaxa isu rogi doona wiil iyo Gugiis, Dabayshu waxay soo qaadday barafkii oo ay ku soo daadisay meelkasta oo ay ku qarin kartey amase ay ku dabooli kartey, Beerkasta iyo Doox walba barafbaa hadheeyey, subaxdii hadaad soo kacdid waxaadba moodaa in lagu dul tubay suuf cad-cad meel-walba, ceeryaamuhu waxay kala qariyeen guryihii yaalley labada daamood waxaa lakala garan waayey qof iyo Geed, nuurkii iyo iftiinkii ka bidhaami jirey goobahaas waxaad moodaa inuu densan yahay, baqdin iyo argagaxbaa qalbiyada beeralayda garaacaya, Xoolihii midkastaaba xeradiisii buu ku foofay oo wuu is qariyey, Eydiina Dooxyada iyo godadkay galeen, wax socdaa ma jiraan keliya Dabaylo keliyaa fooraynaya, Buuraha iyo godadka ka daloolaa isla qaylinaya, waxaanad moodaa inay dabiicadu ka xanaaqsan tahay dhammaadka sannadka, waxayna la dagaalamaysaa nolosha ku dhex qarsoon.

Iyadoo ay xaaladu sidaas tahay, waxaa wadada dhex marayey habeenkaas ay Cimaladu xanaaqsanayd wiil dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 28 sano, dhammaan awoodiisii waxa la kala haaddey baqdintii iyo qabawgii, waxaad moodaa dharkiisii madowga ahaa inay doonayaan inay kafan u noqdaan, kolkastuu horay u dhaqaaqoba waxaa dib u soo celiya dabaylihii quwadda badnaa, wuu qayla dhaansadaa oo afkuu kala qaadaa qaylo, waaqla weeye meeshu waxaana si jees jeesle ugu jawaab celiya banaha daran markaas ayuu isagoo quustay rajana dhigay u ekaaday sida qof yoolkii ka lumay amase shimbir inta baalkii uu ka go’ay oo webiga quustay, oo hadba dhinac ay u jiidayaan mawjadaha caraysani.

Wuxuu sii socdo wiilkii, oo tallaabo walba uu horay u hinjiyoba mawdukuna uu la qaado, waxaa engegey quruuqihii oo waxaa istaagey xubnihii, wuxuuna ku dul habsadey barafka dushiisa.

Koonfurta tuulada, waxaa degan oo yaalla, gabadh la yidhaahdo Raaxiil, waa carmal amase garoob shan sano kahor ninkeedii dhegta dhiiga loo daray, sidoo kale waxaa la nool gabadheeda oon markaas dhaafin 18-sano.

Raaxiil waxay ahayd sida garoobada kale, waxay la dagaalami jirtey gaajada iyadoo ka baqaysa geerida iyo macaluusha, ayaamaha guga waxay guran jirtey midhaha iyo khudradaha lagu illaawo beeraha, xagaagana waxay dhaqi jirtey maryaha iyo suufka dadyowga si ay uga qaadato shilimaan amase daraahim. Maryan oo ahayd gabadheeda waxay ahayd mid qurxoon midaan lahayn turxaan oo hooyadeed kala shaqaysa lana qaybsata dhibka.

Raaxiil iyo Maryan waxay fadhiyeen habeenkaas aannu soo xusnay dibada qolkooda yar, waxay kulaalayeen burjiko yar oo meel halkaasa tiilley, qabow dartiisna ilkahay isku garaacayeen, habeenkii wuxuu kala barmay iyagoo dhegaysanaya alalaaska dabaysha iyo sawaxankeeda, Maryan waxay u kackacaysey si ay uhubiso jewiga iyo isbedelkiisa waxayna marwalba ku laabasaneysay iyadoo rabta inay eegto Xidigaha iyo iftiinkooda hadii la arki karo.

Daqiiqdahaas gudohooda, Maryan inta soo boodey sidii qof hadda hurdo dheer kasoo kacay ayay tidhi “Hooyo ma maqashay cod qaylinaya oo dalbaya caawimo” Hooyadeed madaxa ayay kor u qaaday dhegtana taagtey waxyna ugu jawaabtey “maya Hooyo waxba ma maqal”

Maryan waxay tidhi “waan maqlay Hooyo weliba waa cod gaaban” way istaagtey waxayna dhegta u dhowaysey daaqadda kadibna furtay, waxay cabbaar dhegayasatoba waxay tidhi markale “haa waan maqlay Hooyo marlabaad weliba”
Hooyadeeda inta ay soo boodey ayay ku tidhi “haa anna haddaan maqlay, ee soo bax aannu soo eegnee daaqadahana xir si dabayshu aysan faynuuska u demin”

Raxiil way baxday albaabakana furtay iyadoo weliba taxaddir ku jirta, Maryanna waxay taagan tahay albaabka waxayna sugaysaa inay waxa aragto iyadoo dabayshu ay timeheeda hadba dhinac u duulinayso.

Dhawr tallaabo ayay Raxiil horay u qaaday waxayna tidhi “yaa jooga?, yaa caawimo dalbaday?” cidina umaysan jawaabin keliya waxay maqlaysaa dhawaqa iyo foorida guryaha oo keliya, dhawr jeer ku celisay isla intii iyo kelmedihii balse wax jawaaba kamaysan helin, Raxiil si geesinimo ku jirto ayay horay ugu dhaqaaqday, waa juuq iyo jaaqla, meeshana cidi ma joogto, iyada iyo fooraha habeenkaas dhacaya ayuunbaa isu jawaab celiya. Raxiil oo isleh laabo oo rejo dhigtay ayaa waxay aragtay raad iyo tallaabooyin uu Barafku qarin gaarey, daba roortay illaa ay ka gaareysey meel uu yaalley qof ay dhaxani ka tanbadisay oo meel iska yaalla, shafkiisa amase laabta ayay ka saartay gacanta si ay u dhagaysato ama u dareento una hubiso dhaq-dhaqaaqa wadnihiisa, wuu shaqaynayay oo weli naf waa ku qoyan tahay, waxay u yeertay gabadheedii Maryan si ay u caawiso.

Maryan way soo baxday iyadoo raadinaysa meesha uu ka yimi codku, baqdin iyo argagax waxaa udheeraa qabowgii darnaa, waxay soo raacday raadkii ay heshay hooyadeed oo qof dul fadhida waxayna hooyadeed u sheegtay inuu noolyahay balse uu halis ku jiro oo uu dhaxamaysan yahay gurigana loo qaado.

Soo qaade oo keene gurigii buushka ahaa, waxay dhinac seexsheen dabkii ay kulaalayeen oo ay islahaayeen diirimaad uun haka helo, Maryan waxay qallajinayasey timaha wiilka, faraha, cidiyaha iyo dhamaan meelkasta oo uu ka qoyan yahay, wax yar kadib waxaa wiilkii ku soo noqotay noloshii oo wuxuu dhaqaajiyey faraha, Maryan oo aragtay maryihiisa qayb kamida ayaa ku tidhi hooyadeed “eeg Hooyo maryihiisu waa kuwii qaalliyada amase kaahinnada” Raaxiil intay soo jalleecday ayay ku tidhi :”oo Hooyo xilliyadan oo kale kaahinnadu uma soo baxaan bannaankee wiilkani muxuu naftiisa halista u gelinayaa”

Gabadhii ayaa tidhi “Hooyo gar kuma yaallo wadaadaduna gar ayay leeyihiin” Hooyadii ayaa ugu jawaabtey “lugihiisa qallaji wadaad iyo tuug kuu rabo ha ahaadee.”

Raxiil waxay furtay khasnad halkaan tiilley waxayna ka soo saartay dhalo khamriya waxayna tidhi “Maryaneey Hooyo soo toosi bal aan afka ugu dhibciyee waa intaas oo uu diirimaad ka helaaye”

Afka ayay dhaladii u saartay wayna ugu shubtay, wiilkii ayaa si kedisa u kala qaaday indhaha oo arkay Raxiil oo ilin mahad celineed iyo mid farxadeed ay halmar shax kasoo tidhi, waxaana uu dareemay inuu ka badbaadey geeri iyo halaag uu laabta ugu jirey, wuxuuna yidhi ‘ilaahay ha idin barakeeyo” Raxiil waxay garabkiisa saartay gacanteeda oo ay ku tidhi “ha is dhibin oo ha hadlin iska naso intay awoodaadu kuu soo laabanayso”

Maryan baa waxay tidhi “isasoo qalooci una soo dhowoow dabka” Raxiil waxay u tilmaantay gabadheeda inay u dul saarto jaakadiisii meel u dhow dabka si ay u qallasho, Maryan oo dhega fudud markiiba way ku dhaqaaqday hawshii, waxay fadhiisatay wiilka agtiisa waxayna u eegtay si naxariis leh, waxaadba moodaa inay rabto inay ku qaboojiso eegmadeeda jidhkiisa xumadaysan.

Raaxiil waxay wiilka u soo qabatay jab rooti ah iyo weel yaroo ay ku jiraan biyo iyo xeedho yar oo ay ku jiraan midho engagan, Raxiil waxay afka u gelgelisay wiilkii sida ay Hooyadu afka ugu geliso ilmeheeda, luqmo luqmo. Wiilkii awood yar iyo xoog buu dareemay, inta uu soo fadhiistay oo madaxa ruxay ayuu yidhi “naxariista iyo ad-adaygu qalbiga noolaha way isku dhex dagaalaan, sidaa darteed waxaa markasta xoog badanaya naxariista waayo waa mid rabbaani ah oo xag allay ka socotaa, cimilada caawa waxaa eryi doona oo meesha ka saari doona caddada beri” Daqiiqado ayuu aamusnaa kadib ayuu hadal hoose ku yidhi “Gacani way isoo tuurtay oo way isoo riixday Gacanina way isoo dhoweysey oo way isoo qabatay, aadmigu kala duwanaa”

Gabadhii oo la kaftamaysa wiilkii ayaa tidhi “oo maxaa dayrka kaasoo saaray habeenkan ay yeyda iyo habeenalaydu {xayawaanka habeenka socda} ay isqarsheen?”

Wiilkii oo raba inuu ilintiisa qariyo oo uu laabtiisa ku duugo ayaa yidhi “dawacadu waxay leedahay god, shimbiruhuna samada ayay heehaabaan, balse aadmigu ma haboona inuu madaxiisa hoos geeyo.”
Raxiil waxay tidhi “sidaas oo kale ayuu yiri Yuusac markii uu qof ka dalbaday inuu raaco”

Raxiil cabbaar intay fikirtay ayay ku tidhi wiilkii “dayrka waxaa dhex yaalla dahab, macdan iyo waxkastoo qaaliya, hilib nooc walba leh iyo weelal ay khamri iyo sharaabba tif ka yihiin, maxaad intaas oo idil uga soo tagtay habeenimadan oo ku soo saaray?”

Wiilkii ayaa ugu jawaabay “anigoo intaas oo dhan arkaya ayaan kasoo tegey weliba nacayb aan u qabo”

Raxiil intay yaabtay ayay ku celisay “oo sawtaan maqli jirney in dayrku uu yahay sida masraxa dagaalka iyo askarta oo kale, amar qaadashada iyo kala dambaynta haddii la waydiiyo shay iyo siduu uga jawaab celinayo, oo qofku ma noqonayo raahib illaa uu ka tanaasulo doonitaankiisa iyo waxay naftiisu rabto, sidaas oo kale ayaan ka maqlay sheekha jooga in wax wanaagsan uun dadka faree ma caqli galbaa inuu ku soo eryo oo dibadana kuu soo saaro habeennimadan?”

Wiilkii ayaa yidhi “ninku wuxuu raahib noqdaa marka uu yahay aalad aan waxba maqlayn waxabana arkayn, aniguna sidaas ma ihi oo qof baan ahay wax maqla, waxna arka.”

Raxiil oo si u eegaysa wejigiisa oo aad moodo inuu weji qarsoonaa uu isku deyayo inuu sii qariyo ayaa ku tidhi “ma qof wax maqla oo wax arka ayaa soobixi lahaa iyadoo indhuhu ay ka dhacayaan dheguhuna ay awdmayaan?”

Wiilkii qoortiisa ayuu hoos geeyey wuxuuna yidhi “waa la iga soo eryey dayrka”
Raaxiil ayaa inta yaabtay markiiba ku tidhi “la iga soo eryey aa!”

Wiilkii madixiisa ayuu kor u qaaday wuxuuna ka baqday inuu tusay oo uu soo saaray xaqiiqdii, wuxuna mooday in wanaagii uu isu bedelayo in laga soo eryo oo uu dhib muto, balse wuxuu arkay indhaha labadii dumar wuxuuna dareemay il naxariis inay u hayaan.

Wuxuu wiilkii ku yidhi “Haa waa la iga soo eryey, waayo waxaan gacantayda ku qodi waayey qabrigayga qalbigayguna wuxuu u dulqaadan waayey inuu beentaas sii daawado, xoolaha masaakiinta iyo cunidooda naftaydu way u adkaysan waydey, dahahbka, macdanaha iyo qolalka waaweyn ee ay dhiseen masaakiinta buulasha ku jirana hurdo way iigaga iman waydey, waxaan cuni waayey rootiga ilinta masaakiinta, agoomaha iyo garoobaha lagu sameeyey, carrabkaygu wuu ku tukan waayey been inaan u sheego masaakiinta.

Intaas iyo inkale waxaan u sheegay oo aan ku dul akhriyey kitaabkii iyo aayadihii ay ku noqdeen raahibada, sidaa darteedna waa la iga soo eryey.”

Wiilkii wuu aammusay, Raxiil iyo Maryanna waxay is eegaanba oo aad moodo inay qalbiga iskala hadlayaan oo ay isleeyihiin waa maxay sababta idinku soo leexisay oo uu nasiibku idiin kulmiyey. Raxiil ayaa qalbigeeda naxariisi u gashay wiilkii waxayna ku tidhi “meeday Hooyadaa? Aabahaa iyo walaalahaa?

Wiilkii isagoo ishiisu aysan fiicnayn ayuu ku yidhi “malihi Hooyo, Aabbe, Walaal iyo meel aan ku dhashay.”

Raxiil iyo Maryan aadbay ula yaabeen, Maryan ayaa sii jeedisay wejigeeda iyadoo ilin gubasho iyo naxariisi ku ladhan tahay qubaysa, wiilkii ayaa inta uu isaguna sidii dhagax uu ubax kasoo dhex baxay oo dhedo qalbigiisa dhex gashay, madaxa kor uqaaday ku yidhi “ Aabbe iyo Hooyo ma lihi waxayna dhinteen anigoo dhalaan ah, waxaana iqaaday nin raahib ahaa oo tuuladayada joogay, isagoo ii geeyey ruhbaan kale wayna igu farxeen waxayna iga dhigteen lo’ la jire, markii aan gaadhey 15-sano, waxay ii xidheen dharkan madow ee uraya waxayna i hor istaajiyeen meesha wax lagu gawraco waxayna igu yidhaahdeen “ugu dhaaro ilaahay inaad ugu nidartay gaajo iyo faqri” hadalkooda ayaan ku soo celcelinayey anigoon fahmin wax loola jeedo.

Waxay iigu yeedhi jireen “walaalka barakeysan” magacayguna wuxuu ahaa Khaliil, igama aysan dhigan jirin siday sheegtaan walaal oo waxay cuni jireen hilib nooca ugu macaan, anigana waxay isiin jireen rooti qallalan, sharaab iyo khamri ayay cabi jireen, waxayna isiin jireen biyo ay ilin ku qasan tahay, waxay ku seexan jireen furaashyo xariir lagu tolay, anigana waxay iseexin jireen qol qabow oo mugdi ah, kuna dhinac yaalla xerada doofaarka, marmarka qaar waxaan ku fikiri jirey markii aan gaari doono oo aan u noolaan doono sida ay u noolyihiin.

Been iyo dembi bay ahayd inaan intaaba ku riyoodaa, waayo waxaan ahay nin lo’o uun raaca oo aan wax kale aqoon, waxaan ahay nin u qoda dhulka oo dhabarkiisa uun kusoo qaada dhagxaanta culus, ma aqaanno meel aan ahayn dayrka waayo waxaanba aaminsanaa meelaan isaga ahayn in aysanba jirin, waxaan aaminsanaa in dayrku uu yahay xiligii farxada adduunka inta kalena ay tahay badihii murugada iyo calool xumada.

Khaliil wuu nefisay, wuxuu dareemay nuur ka dhex bilig leh buulkii uu ku dhex jirey. Maryan iyo Raxiil il uun baa kasoo hartay wayna yaaban yihiin, Khaliil wuxuu yidhi “Samadii doontay inay iga qaado aabahay iyo hooyaday ee iga dhigtay agoonka, ma doonin inaan sii ahaado indhool ku sii dhex nool aduunka, dhegool aan kala saari karin codadka, addoonka inaan sii ahaado ilama doonin, ugu dambaynna waxaa la ii fiiqay indhihii oo waxaa la i tusay nuur baxaya iyo ilays dariiqa igu hagaajinaya.”

Raxiil oo madaxa ruxaysa ayaa tidhi “ma waxaa jira nuur aan ahayn kan cadceeda ama qoraxda? Oo ma caqli galbaa in xaqiiqda la ogaado?”

Raxiil oo hadalkii sii wadata ayaa ku sii dartay oo hadana ku celisay “Badanaa dadka la nool caadifad ku lammaan qalbigooda, badanaa oo badanaa inta aan ogayn oo aan u noolayn sida ay tahay inay u noolaadaan balse aamisan oo ay maamusho hadhka ismoodsiiska naamuuska sunnada ilaahay. Way noolyihiin oo waxay u noolyihiin si dullinimo ay ku dheehan tahay.”

Khaliil ayaa ugu jawaabay “Xumaa oo xumaa caqiidooyinka iyo aqoonta qofka ka dhiga inuu lugta iska xiro oo uu daal noloshiisa ku lamaansho, beenaale weeye caadifadaha qofka ku riixa madluun nimada.

Waajibka noolaha saaran dhamaantiis oo ah inay u noolaadaan si naxariis iyo farxad leh, kan aan arkin nolosha intuu ku sugan yahay weynida abuurka iyo samaawaadka waxay xaaraan ka tahay inuu ku arko aakhiro iyo wixii ka dambeeya, adduunkan waxaynu nimi inagoo aan waxba aqoon u lahayn oo caruur ah oo raba inay bartaan wax kasta oo cusub oo ay la kulmeen, wax kasta oo wanaagsan. Waxaas oo dhan ayaan bartay intaan akhrinayey sunnadii Yuusac binu Nuun, waana nuurkaygii igasoo dhex baxay xilli ay dadku dhex sugnaayeen baadi iyo indho beel.

Waxaad moodaa qol mugdi ah oo ay ku jiraan bahalo dad cun ah iyo kuwo kaleba, waataas sirta ay noloshu i bartay markii aan gaajaysnaa ee aan hoos jiifay geedaha, maalin anigoo ku sakhradaysan doonitaankaa samaawiga ah iyo waynidii ayaan is dhiiri geliyey oo aan dhex istaagay kaahinnadii oo dhan waxaanan usheegay xaqiiqda aan aaminsanahay iyo inay baadil tahay waxay ku dhaqmayaan, inay cunaan rootiga ay masaakiinta iyo fuqaradu dhidadkooda ku keenaan, inay hoos jiifsdaan oo ay ku raaxaystaan qolalka dahabku hadheeyey halkay masaakiintu dibadaha jiifsadaan.

Yuusac wuxuu idinka dhigay sidii wanan ku dhex jira yey idinkuna waxaad iska dhigteen yey ku dhex jirta wanan? Maxaad basharka iskaga fogaynaysaan tiiyoo aad basher tihiin? Haddii aad tihiin kuwo ka fadli badan waa inaad wax soo bartaan dadkaas nolosha ku wareersan, haddii ay idinka aqoon iyo maskax fiican yihiinna iyaga wax ka soo barta.

Maxaad u nidarteen baahida iyo gaajada oo aad sida boqorrada ugu nooshihiin? Maxaad u nidarteen daacada iyo cibaadada oo aad uga dheeraateen Injiilka? Waxaad is tusaysaan inaad naftiina dilaysaan balse waxaad dilaysaan waa qayrkiin, waxaad is tusaysaan inaad ka dheeraateen adduun iyo raaxadii balse idinkaaba dadka uga horreeya. Kaalaya aan u celinee shacabka waxaannu ka cunnay, kaalaya aannu masaakiinta dahabadooda iyo macdanahooda aannu u celinee, kaalaya aannu u adeegno oo aannu shacabka naga dhigay boqorrada iyagana taakulaynee.”

Khaliil kor ayuu eegay wuxuuna hadalkiisa ku daray “intaas ayaan ka dhex idhi nimankii, ma aysan filayn in wiil yar oo anigoo kale ahi uu wax u sheegi doono.”
Markii uu dhameeyey Khaliil ayaa waxa soo istaagey nin kamid ah nimankii oo yidhi “ma adigoo daciifa ayaa ku dhiiranaya inaad annaga wax noo sheegtid?”

Mid kalaa isagoo jees-jeesaya isna ku yidhi “Xikmadahaas oo dhan ma waxaad kasoo baratay lo’o da iyo doofaarada aad raacdo?”

Midkale ayaa ii yimi isagoo igu dacweeyey ninkii madaxda meesha ka ahaa, waxaa gabbal dhacii la ii keenay goob ay ku wada dhan yihiin odayaashii, waa la i canaantay waxaana la igu xukumay jeedal iyo in aan bil kaamila xidhnaado, waa lay qabtay qol mugdiya ayaana la i geeyey. Makala saari karo Habeenka bilawgiisa iyo Maalinta dhamaadkeeda, makala saari karo Mugdiga iyo Caddada, muddo ayaan ku jirey qabrigaas Madow.

Waxaa la iga soo saaray godkii aan ku jirey, waxay arkeen wejigayga iyo siduu isu badalay, waxay arkeen sidaan u dhuubtay oo in niyadayda iyo go’aankaygii uu isbedelay ayay moodeen. Waxaan iswaydiin jirey oo aan fursad u helay sababta ay saas u noqdeen, sababta ay dhegaha iskaga xidheen oo ay shahwada iyo rabitaanka u furteen.”

Aammus yar kadib, Maryan waxay eegtay Hooyadeed oo aad moodo inay rabtay idan si ay u hadasho waxayna tidhi “Markale maku noqotay oo mala soo hadashay odayaasha?”

Khaliil ayaa yidhi “habeenkaas waxay fadhiyeen daarada dayrka waxayna kulaalayeen dabka, sheeko iyo isxusuusinno hore ayay galeen, sheeko baralay aan sal iyo raad lahayn ayay isku maaweelinayeen.

Waxaan fadhiyey meel iyaga u dhow waxaanan ka fikirayey waxay leeyihiin, waxaan mardambe lasoo baxay injiilka oo aan hadba baal u rog-rogey, keli nimadayda ayay shar u arkeen waxayna isku dayeen inay igu dheel-dheelaan. Jees-jees dheer kadib, waxaan ka kacay meeshii waxaanan tegey daaqad halkii udhaweyd, waxaan akhriyo oo aan ku noq-noqdoba waxaan arkay kelmado i anfaca oo i deeqay waxaan isha la raacay aayad oo aan dhameeyey; “ilaahay wuxuu awoodaa inuu dhagxaantaa ibraahiim uga dhigo carruur, waxaan godinta idiinku yeelay daab oo lama jaro geed oo lama gubo illaa uu isagu weheliyo godinta”.

Intaas ayaan ka dul idhi nimankii i agtaagnaa, waxayna iigu jawaabeen “waxaas boqollaal jeer ayaan maqalnaa maalinkii.” Yaab!, dhibka iyo Barafka habeenkan caawa ah jira ayaan u sheegay, sida iyo xaalada ay ku jiraan carruurta iyo masaakiinta ayaan u sheegay, balse mid iyaga kamida ayaa inta uu iisoo kacay i dhirbaaxay markii uu maqlay kelmadahaas.”

Odaygii madaxda ahaa ee u weynaa ayaa loo yeedhay, waxaana loo sheegay waxaan sameeyey oo idil iyo weedhahaygii, ma hubsan mana i waydiin waxbee isla markiiba wuxuu yidhi “halla qabto dayrkana hallaga saaro, ha u bannaan baxo oo ha ila soo arko cadhada dabiicada iyo siday caawa tahay.

Haddii uu soo noqdo oo uu caawimo dalbo albaabka yaan laga furin abaal malehee.”

Madaxaa la i sooqabtay oo dayrka bannaankiisa ayaa la i keenay waxaanan maqlayey mid kamida iyag oo leh kelmado weliba iyagoo qosol dhacaya waxaana kamid ahaa “shalay boqor baad ahayd oo xoolaha ayaad noo raaci jirtey, balse adaa iska xayuubshey oo iska qaaday, orod oo adduunka soo arag yeyda iyo tukayaashana bar siday ugu noolaan lahaayeen godadka.”

Khaliil oo neef xoogle jiitey oo dabka baxaya eegaya ayaa yidhi “sidaas ayaa la iiga soo eryey dayrka la iigana soo saaray. Sidaas ayaan habeenkaas xun ugu qaatay bannaanka tiiyoo dabayshu i dilayso dhaxantuna ay curuuqaha istaajinayso, waan qaylo dhaansaday si aad moodo qof dhimasho gacanta ugu jira cabsiduna ay ka tanbadisay, rajo iyo wel-wel labadaba qalbigeyga way isku cidhiidhsheen, awood iyo taag qaylaa iga noqotay, balse nasiib badan iyo waxaan leeyahayba waxaan la kulmay oo naxariis ii noqday idinka, ma doonin inaan dhinto illaa aan ka ogaado waxa ka dambeeya noloshan iyo waxa ay qarinayso.”

Wiilkii wuu aamusay, labadii haweenna way ag fadhiyaan oo way aamusan yihiin iyaguna, waxay arkeen inuu la wadaagay wax isaga gubayey iyo wuxuu qarinayey oo aqoon ah, Raxiil iyadoo ilmaynaysa ayay gacantiisa si debacsan u qabatay oo ay tidhi “qofkay samadu u hiiliso marnaba ma dayacmo dulmi kastoo dhacana wuu ka guulaystaa baraf iyo qabowna wax uma dhimaan.”

Maryan ayaa iyaduna tidhi “qabowga iyo dabayshu waxay jaraan ubaxa balse wax uma dhimaan iniinyaha.” Khaliil ayaa isagoo aad moodo wejigiisu inuu midab doorsoomay oo sida oogu markuu dillaaco mina subaxdii oo kale noqday ayuu yidhi “Haddii aydan ii malaynayn gaal iyo faajir sida ay ii haystaan odayaashan kaahinnada ah waxaan hubaa inay jirtey oo ay sii saan qaadayso xorriyad iyo aqoon dadka ka maqnayd balse ay goordambe soo hillaacday, haddii ay dumarku saas u ogyihiin waa wax lagu farxo waayo dumarkuu ka bilawdaa wanaagu.”
Sidaas ayuu Khaliil yidhi wuxuuna ku jiqilsaday barkimo u dhowayd wuuna seexday.

Raxiil iyo gabadheedii Maryan way fahmi kareen dhibka iyo daalka wejigiisa iyo indhihiisa hadheeyey.
Raxiil waxay tagtay furaashkii waxayna dhinac fadhiisatay gabadheedii, waxayna tidhi “Indhihiisa waxaa ku jirta awood iyo xasilooni ammuur leh.”

Maryan ayaa ugu jawaabtay Hooyadeed “Gacmihiisa waxaad moodaa kuwii Yuusac ee kaniisada surnaa.”

Habeenkii mugdiga iyo dhaxanta badnaa, waxaa bakhtiyey dabkii ay kulaalayeen, cimiladu waa sidii oo waxba iskama bedelin, barafkii bartisii ayuu rukun rukun ugu soo dhacaa midig iyo bidixna isagaa kaa xiga.

Laba isbuuc ayaa ka soo wareegay habeenkii xumaa, laba isbuuc ayaa ka soo wareegay Khaliilna wuxuu damcay saddex jeer inuu wadadii qabsado oo uu baxo balse Raxiil ayaa kadiiday oo tidhi “Nala joog oo dib dambe ha ugu noqon bahalahaas, ha u dhiibin naftaada markale, rootiga laba qof dherjiya saddex wuu deeqaa wuuna kafeeyaa, dabka aannu kulaalnona sidiisii ayuu u sii shidnaan doonaa.”

Waa maxay noloshan maalinna hab nasiinaysa maalinna na iska kaaya fogaynaysa? Shalay miyaanan ahayn mid dayrka laga soo tuuray? Miyaanan u aqbalin oo aan ugu adkaysan cay iyo jees-jees xaqiiqda maanta samadu ay laabtayda gelisay? Miyaanan kaahinnadii u sheegin in farxaddu ay ku jirto doonitaanka ilaahay?

Maxaan u baqayaa oo aan uga xishoonayaa xaqiiqda iyo nuurka gabadhaas indheheeda ka burqanaysa? Aniga waa la isoo cayriyey iyaduna waa faqiir balse rootigaa dadkaa nooleeya? Noloshu miyaysan dayn iyo celis ahayn? Miyaanay ahayn adayg iyo fudayd noloshu, sida geeduhu ay u helaan guga iyo jiilaalka? Maxay Raxiil odhanaysaa haddii ay ogaato ruuxda gabadheeda iyo tan wiilkan dayrka laga soo eryey ay iscalmadeen oo nuurka sare isla arkeen? Maxay samayn doontaa haddii ay ogaato wiilkay miciyaha geerida ka badbaadisay in uu rabo gabadheeda? Maxayna samayn doonaan dadka tuulada degan haday ogaadaan in wiil lagu tarbiyeeyey dayrka dhexdiisa uu tuuladadooda kula nool yahay gabadh yar oo qurux badan? Dhegaha sow kama qabsan doonaan haddii ay maqlaan dayrka nin kasoo baxay oo iyaga ku dhex nool uu ka dhigan yahay sida shimbir xorriyad helay? Muxuu samayn Sheekh Cabbaas hadduu ogaado amase ninka kaahinka tuulada ka ahi erayadii dayrka la iiga soo eryey?”

Khaliil dabkuu dhinac fadhiyey, wuxuuna indhaha la raacayey carrabkiisa u eg dareemihiisa hoose, Maryanna sidoo kale waxay u gun dhacaysey fikirkiisa iyo riyooyinkiisa waxayna ku kulmeen xiddigo eegis iyo suurayn.

Maryan oo isdhiiri gelinaysa ayaa tidhi “Halkeebaad aadi doontaa markay wadooyinku furmaan ee barafku uu qaado?”
Khaliil oo indhaha galka kasaaray ayaa yidhi “Meelaan ogayn iyo dariiq aanan garanayn”

Maryan ayaa ku tidhi markale “Maad iska joogtid oo aad nala noolaatid, oo miyaynan ka fiicnayn cidlada iyo fogaanshaha?”

Khaliil ayaa ugu jawaabay “Dadka tuulada ku nool ma aqbalayaan oo ma yeelayaan nin dayrka laga soo eryey inuu u haado jaarkooda oo waxay u arkaan inuu yahay cadow ilaahay iyo kaahinnadaba.”
Maryan xaqiiqda iyo runtaa aamusisey.

Khaliil ayaa sii watay hadalkiisii oo yidhi “Dadka tuulada degan waxay wax ka qaateen oo ay ka aamineen kaahinnada, ma ka leexan karaan waddo ay jideeyeen iyagu waayo ma yaqaaanan dadaan iyaga ahayn. Haddii aan ku idhaahdo way khaldan yihiin anaa naftayda khatar geliyey. Haddii aan ku idhaahdo kaalaya aannu nafteena daacad u ahaannee oo afkaarteenna aan dhegaysannee yeeli maayaan, kaalaya aannu alle u caabudnee si ka duwan siday noo bareen kaahinnadu waxay kugu tilmaamayaan gaal ilaahay ka furtay.

Inatuba waxay odhanayaan ilaahay ayuu naga jeedin oo wadaduu naga weecinayaa.”
Khaliil oo hadal hoose ku leh kelmado ayaa dhegta Maryan ku riday oo yidhi “Tuuladan markaan imi waxbaan dareemay, waxaan dareemay wax iga fogaa oo ii soo dhowaaday, waxaan dareemay ruuxdayda iyo tan alle inay kulmeen, geeridaan weji ka weji u kulanay, waxaan fasirtay oo aan arkay riyooyin badan oo ku dhex jira qodxo badan, ma aqaanno midaan raaco ma riyooyinkaygaan aasaa oo qabri ku dhex adkeeyaa mise go’aanadii iyo mabaadi’dii ayaan sii haystaa?”

Maryan oo xishoonaysa islamarkaana jiririco ay ku jabantahay ayaa tidhi “Labadeenaba waxaannu gacanta ugu jirnaa awood qarsoon oo naxariis badan iyadaynu u daynaynaa waxay rabto ha yeeshee.”

Hadda iyo illaa bilawgii adduunka waxaa heshiin jirey oday diimeedyada iyo kuwa sheegta inay sharafta leeyihiin si ay u xukumaan dadkoo idil, waxaasi kama suulayaan dunida ilaa uu ninkastaa boqor noqdo qalbi kastoo gabadhi leedahayna uu noqdo kaahin.

Inanka odayga sharafta lihi qasri haka dhisto fuqarada jidhkooda, oday diimeed kastaana qabriyada kuwa mu’miniinta ah. Boqorku wuxuu garba duubaa kan beerta leh halka uu oday diimeedku gacantiisa soo fidiyo. Sidaa darteed dhoolla cadaynta yeyga iyo cabuusnimada shabeelka xaynta ariga ah ayaa ku dhex dhimata, boqorku metelidda sharciguu ugu yeedhaa halka oday Diimeedku ugu yeedho diin, labadaas dhexdoodana waxaa ka dhasha dhamaanshaha ruuxda.

Tuuladaas buuraha Lubnaan ku taalla ee ka faqiirka ah aqoonta balse leh cad-ceedda, waxaa midoobay Sheekhii iyo Amiirkii waxayna gafane ku yihiin masaakiintii.

Wiilka sharafta dhaxlay intuu garab istaago qasrigiisa ayuu ku odhanayaa Lubnaaniyiinta “Suldaanku jidhkiinuu iiga dhigay weli.” Oday diimeedkuna wuxuu leeyahay intuu meesha wax lagu gawraco istaago “Ilaahay ruuxdiinuu igala dardaarmay.” Sidaas darteed Lubnaaniyiintu way aamusan yihiin, waayo qalbiyada ciidda lagu rafiyey ma jabaan, dadka dhintayna ma ooyaan.

Sheekh Cabbaas wuxuu ahaa Amiir wuxuuna garab la lahaa odayaashii kaahinnada ahaa, wuu jeclaa wuxuuna la wadaagi jirey waxay waanaga u arkaan waxayna aasi jireen xaqqa oo ay duugi jireen.

Galabkaas ay Maryan iyo Khaliil ay iskugu soo dhowaanayeen carshigii jacaylka oo ay Raxiil daawanaysey weliba si kalgacal leh. Kaahinkii tuulada ayaa isla galabkaas baxay oo aaday Sheekh Cabbaas una sheegay inuu joogo wiil dayrka ay ka soo eryeen kaahinnadii, gaal aan waxba iskula hadhin oo ilaahay ka furtay ayaa yimi laba isbuuc kahor tuulada wuxuuna la joogaa garoobtii Raxiil ee Samcaan Raamii. Intaas kumuusan ekayn ee wuxuu ku daray “Shaydaanka dayrka lagasoo tuuray xaq uma laha inuu tuulada kusii noolaado, geedka laga soo tuuray beerta ee uu jaray ninka beerta lihi dabkana ku tuuray midho dhali mayo, ee waa inaanu ka tuurnaa tuuladana ka erinaa.”

Oday cabbaas ayaa ku yidhi ninkii “Maxaad ka ogtahay inuu yahay cudur nagu soo kordhay, haddii aannu taas faa’ido uga waynay waxaannu ka dhigi karnaa ari jir noo raaca ariga ee iska fogayn mayno.”

Kaahinkii oo qoslaya miciyihiisuna ay muuqdaan ayaa yidhi “Haddii uu khayr lahaan lahaa dayrka waxaa jooga xoolo badan oo la iskama soo saareen, ee waxaan maqlay inuu aayado kufri nimo ah ku dul akhrinayey oo uu isku deyayey inuu kiciyo dadka iyo shacabka, wuxuuna lahaa: “U celiya xoolaha iyo hantida dadka leh kana daaya dhacooda.”

Oday Cabbaas ayaa gadaal u laabtay wuxuuna istaagey daaqad wuxuuna u yeedhay shaqalihiisii, waxaa u yimi saddex wiil wuxuuna ku yidhi “Aada guriga Raxiil, waxaa jooga nin dhar madow xidhan oo kaahin ah, soo kexeeya garbahana kasoo xira haddii ay Raxiil idin qabsatana dhulka ku jiida waayo ninka sharwade caawiya waa sharwade!.”

Wiilashii waxay aadeen shaqadii uu u diray. Kaahinkii iyo Cabbaas waxay meel isla dhigayeen waxay ku samayn lahaayeen wiilka iyo Raxiil.

Lasoco qeybta labaad……