Type to search

Taariikh Nololeedkii Danjire Maxamed Warsame Cali “Kiimiko”

Waayahoodii

Taariikh Nololeedkii Danjire Maxamed Warsame Cali “Kiimiko”

Waa silsilad dheer iyo sooyaal siddeetan sano dhirirsan taariikhda Danjire Maxamed Cali Warsame “Kiimiko”, intii uu ifka joogay wuxuu kulansaday magacyada iyo jagooyinka ugu milgaha iyo miisaanka badan ee uu qof aadami ah lahaan lahaa sida: Aqoonyahan, Qoraa, Halgame, Danjire, Siyaasi, U ololeeye Xuquuqda aadanaha, nabaddoon, iyo madaxweynihii ugu horreeyay maamul goboleedka Galmudug iyo la- […]

Waa silsilad dheer iyo sooyaal siddeetan sano dhirirsan taariikhda Danjire Maxamed Cali Warsame “Kiimiko”, intii uu ifka joogay wuxuu kulansaday magacyada iyo jagooyinka ugu milgaha iyo miisaanka badan ee uu qof aadami ah lahaan lahaa sida: Aqoonyahan, Qoraa, Halgame, Danjire, Siyaasi, U ololeeye Xuquuqda aadanaha, nabaddoon, iyo madaxweynihii ugu horreeyay maamul goboleedka Galmudug iyo la- aasaasaheeda.

Xilli ay ku beegneyd dagaalkii labaad ee xabashida iyo talyaaniga (Second Italo-Abyssinian War 1935-1937-kii1), ayuu ku dhashay carriga ay Soomaalidu degto ee imminka raacsan dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Wardheer. Farxad, alalaas iyo mashxarad ayaa lagu soo dhaweeyay dunida, waxaana loogu magacdaray Suubanaha NNKH, rajo laga qabo inuu sidiisoo kale halyeey, halgamaa iyo haldoor unoqdo darteed. Wuxuu kusoo barbaaray kuna hanaqaaday deegaanka Nogob ee isla dhulkaasi ka tirsan, halkaas uu dugsi Qur’aanka iyo culuumta diineed ee asaasiga ah kusoo xaabsaday.

Wixii intaasi kadambeeyay Magaalada Muqdisho ayuu usoo wareegay, halkaasi uu ka billaabay waxbarashadiisa maaddiga ah laga billaabo dugsiga hoose, dhexe illaa heerkiisa dugsiga sare, xilli uu markaasi socday dhaqdhaqaayadii xornimoddoonka ahaa oo ay horkacayeen dhallinyaradii SYL.

Waayihiisii ardeynimo waxaa aad loogu yaqiinnay inuu ahaa qoraa heersare ah oo wax ku qora Jaraa’id ay ardaydu soo saari jireen, oo isla iskuulkiisa kasoo bixi jiray. Waxa ay fasal iyo iskuulba wadaageen rag ay taariikhda Soomaaliya xusto uuna kamid yahay Madaxweynihii Labaad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Isla xilliyadaasi waxa uu ku biiray dhallinyaradii SYL, waxa uuna kala qeybqaatay howlihii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobonimodoonka ahaa, sida uu ku sheegay waraysi uu bixiyey intii uu noolaa2.

Kadib markii uu ka qalinjebiyay dugsiga sare, waxa ay durbaba tacliintiisa ku abaalmarisay inuu turjubaan ka noqdo golihii baarlamaanka ee 1950naadkii, maadaama xilligaasi uu baarlamaanka ka koobnaa xubno Soomaali ah iyo kuwa ajaanib ah. Intaa kadibna Aadan Cabdulle Cismaan oo marar kala duwan loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladdii Daakhiliga ahayd intii udhaxeysay 1954-1959-kii ayuu gacan yare u noqday3. Ugu dambeynna Dabayaaqadii kontomaadkii xilli ay ku beegneyd 1957-kii ayaa waxbarasho loogu diray dalka Talyaaniga, waxa uuna kamid noqday ardaydii Soomaaliyeed ee nasiibka uhelay inay jaamacadda Rome wax kusoo bartaan.

Soo laabashadiisii kaddib, markii ay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur xorriyadda kaqaateen Ingiriiska iyo Talyaaniga, iskuna biireen 1dii Luulyo 1960kii, Maxamed Warsame Cali Godane “Kiimiko” wuxuu dadaalkiisa, aqoontiisa iyo xooggiisa inta ugu badan galiyay ka shaqeynta dhinaca diblomaasiyadda ee dalka. Saddex sano ayuu qaranku jiray markii loo diray Caasimadda Maraykanka ee Waashitoon, isagoo kumagacaaban Qunsulka Soomaaliya ufadhin doona magaaladaasi. Muddo yar kadibna, waxaa loo dallacsiiyay Safiirka Soomaaliya ufadhiya guud ahaan dalka Maraykanka. Ugu dambeynna waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ku matala Qaramada midoobay intii udhaxeysay 1966-1969, wuxuuna Soomaaliya ku metelayey Ururka Qaramada Midoobay isagoo safiir ahaan halkaa ugu magacaaban4.

Kiimiko dadkii la shaqeeyay, iyo saaxiibbadiisa waxa ay ku tilmaamaan inuu ahaa qof leh shakhsiyad, karti iyo howlkarnimo ku summadan. Inuu ahaa qof laab xaaran oo aan aqoon naxliga iyo uurxumada, islamarkaana jecel wada-noolaasha iyo hishiiska dadka.

Waxa uu ugu duwanaa eynigiisa cabqarinnimada iyo aragti-dheerida, waxaana loo marqaati kacay dabeecad wanaagga iyo dhaqanka suubban. Waxa uuna ahaa qof dhaxal murti iyo aqoon ah ureeba qofkasta oo la shaaxa, ama mar uun la kulma.

Shakhsiyaddiisa sidaa u sameysneyd waxaa ku intifaacay dadkii ay wada shaqeeyeen, gaar ahaan sowraca Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyay kacaankii millatariga ee dalka ka curtay 1969-kii, kaddib afgambigii aan dhiigga ku daadan oo ay talada dalka kula wareegeen Ciidamadii Xoogga Dalka ee uu hoggaaminayay Jaalle Maxamed Siyaad Barre, kaddib markii dil qorsheysan loogu geystay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke magaalada Laascaanood, kacaanka waxa uu isugu yeeray aqoonyahankii iyo waayo-araggii Soomaaliyeed ee dalka ka maqnaa. Xilligaan Danjire Kiimiko wuxuu kamid ahaa masuuliyiintii loogu yeeray inay dalka kusoo noqdaan, wuxuuna la hawlgalay oo uu lashaqeeyey Militarigii dalka la wareegay.

Sannadkii 1970-kii waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta, sidoo kalena sannadihii udhaxeeyay 1972-1976-kii waxaa markale loo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda Ganacsiga5. Xilligaan waa markii ay Soomaaliya meeshii ugu sarreysay ka gaartay dhanka waxsoosaarka iyo ganacsiga caalamiga ah, dalku waxa uu dhoofinayay xoolo-nool (Geel, Lo’, iyo Ari), dalagga beeraha -haba ugu badnaado Muuska-, sidoo kale Kalluunka, iyo badeecada warshadeysan ayaa qeyb ka ahaa. Intaa kadib waxa uu danjire Kiimiko dib ugu laabtay shaqadiisii dibolaasiyadda ee uu hore uhayay, waxa uuna markale noqday safiirka Soomaaliya ufadhiya Qaramada Midoobay intii udhaxeysay sannadihii 1976-1979-kii, xilligaan waxaa aad loogu xusuustaa maamulkiisii diblomaasiyadeed ee dagaalkii 1977-kii, inkastoo uu sheego talooyinkiisa iyo dadaalladiisa inuusan tixgalinin madaxweyne Siyaad, taasoo keentay dagaalka in lagu jabo diblomaasiyad ahaan.

1979 ilaa 1980-kii, Danjire Kiimiko waxaa loo beddelay dalka Faransiiska si uu safiirka Soomaaliya ku metela Baariis unoqdo, muddo sannad ah uu hayay safaaraddaasi, xilli ay ku beegeneyd 29-kii Agoosto, 1980-kii, ayuu markale noqday safiirka Soomaaliya ufadhiya Maraykanka6.

Dhammaadkii 1980kii ayuu ka fadhiistay shaqadii Dowladda, wuxuuna jeerkan bilaabay inuu ku shaqo galo khibraddiisa iyo waayo aragnimadiisa ku aaddan howlaha dowladnimo iyo diblomaasiyadeed, markaas uu billaabay inuu noqdo lataliye, arrintaasi uu meelo kala duwan kaga hawlgalay, sida aqalka Qaramada midoobay, iyo kan madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed Warsame Cali “Kiimiko”, wuxuu ahaa waddani dalkiisa jecel daacadna u ah, aana ka gorgortamin Soomaalinimada, waxa uuna ku hadli jiray Luqado dhowr ah oo ay kamid yihiin Luuqaddiisa Hooyo Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriisiga iyo luqadda Faransiiska, shakhsiyaddiisana waxaa aad ugu muuqday ilbaxnimo iyo thaqaafo heer sare ah oo ay yartahay qof leh oo ku cammiran ilbaxnimadaasi.

Waayihii uu dalka ka dhacay burburkii gallaaftay qarannimada, dowladnimada iyo soomaalinimada, mudane Kiimiko wuxuu dhexda uxirtay sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda iyo xasilloonida Dalka, sidoo kale waxa uu la shaqeeynayay Qaramada midoobay. Dalal dhowr ah ayaa loo diray isaga iyo saraakiil kale oo Qaramada Midoobay katirsan, si ay udajiyaan islamarkaana xal ugu helaan xiisado iyo xaalado cakirnaa oo markaa jiray.

Sannadihii 1992-1993-kii, wuxuu ka mid ahaa saraakiil ay Qaramada Midoobay udirtay dajinta xiisadda dagaal ee Kaamboodiya (Cambodia), wuxuu kamid ahaa madaxda iyo masuuliyiinta barnaamijkii QM ee la dhihi jiray “United Nations Transitional Authority in Cambodia (UNTAC)”7, waxaana loo xilsaaray inay nabadayn iyo dib-udhis halkaasi ka sameeyaan. Sidoo kale 1994-1995-kii, ayuu markale, Danjire Kiimiko kamid noqday saraakiil sar sare oo ay Qaramada Midoobay udirtay waddanka Koonfur Afrika, si ay ula socdaan isbeddelkii xukunka looga wareejinayey xukuumaddii midab takoorka aheyd oo ay horkacayeen caddaankii laga tirada badnaa. Wixii markaa kadanbeeyeyna danjire Kiimiko wuxuu usoo wareegay Soomaaliya, waxa uuna noqday oday nabaddoon ah oo u dhaqdhaqaaqa xal uhelidda isdiidooyinka iyo khilaafaadka Soomaalida dhexdeeda ka jiray.

Shirarkii lagu qabtay Carta, Addis Ababa, Neyroobi iyo meelo kale ayuu ka qeybgalay. Dowladihii ku meelgaarka ahaa ee lagu dhisay Carta oo Jabuuti ah iyo tii Nayroobi oo Kenya ahi ayuu kasoo noqday Wasiirro. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayuu ka noqday dowladdii Carta, halka tii uu horkacayey Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf kasoo noqday Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada8.

2005-2006-dii, dadaalladii lagu dhisayey maamulka Galmudug ayuu kamid ahaa xubnihii ugu tunka weynaa ee horkacayey, waxa uuna ku tilmaamay ujeedka ugu weyn ee loo aasaasay maamlulkaasi inuu ahaa in ay nolol iyo maamul helaan shacabka soomaaliyeed ee deggan gobolladaasi, isaga qudhiisa ayaana loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug sannaddii 2006dii ilaa 2009kii. Wixii intaa kadanbeeyey wuxuu kunoolaa dalka Maraykanka isagoo joogitaankiisana ku sheegay duruufo u gaar ah9.

2011kii ayuu dib ugu soo laabtay Geeska Afrika, gaar ahaan magaalada Neyroobi isagoo qoray buug uu ugu magac daray “A Different Perspective: For Long Lasting Peace and Stability in Somalia”10, oo uu ugu warramay ittijaahyo iyo aragtiyo kala duwan oo xal waara loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya, sidoo kalena nabadeyn iyo dib-uhishiisiin dhab ah loogu abuuri karo shacabkeeda.

Ugu dambeyntii, Allaha uraxmadee isagoo 82sano jir ah ayuu ku geeriyooday dalka Kenya, magaalo Madaxda Nayroobi shantii bishii Shanaad 2019-ka, saddex maalmood kaddib ayaana aas qaran loogu sameeyay magaala madaxda dalka ee Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay kasoo qeyb galeen madax, masuuliyiin iyo dad magac iyo maamuus ku leh bulshada soomaaliyeed dhexdeeda.

Allaha naxriistiisa janno ha siiyo danjire Maxamed Warsame Cali, oo loo garan ogaa “Kiimiko”.