Type to search

Xusuus qorkii Anne Frank

Waayahoodii

Xusuus qorkii Anne Frank

“Adduunka oo dhan saameyn ayaan ku yeelanayaa, haddii aan qalinka maalo; dhammaan jabka noloshu i dareensiisayna waa uu qarsoomayaa, waxaa na deris ila noqota dhiirranaan.” Sheekada Anne Frank waxa ay kamid tahay sheekooyin caan baxay ee lix malyan oo Yahuud ah oo ku nafwaayey xasuuqii ba’naa ee Halocaust, ee ahaa gumaadkii ugu darnaa ee taariikhda […]

“Adduunka oo dhan saameyn ayaan ku yeelanayaa, haddii aan qalinka maalo; dhammaan jabka noloshu i dareensiisayna waa uu qarsoomayaa, waxaa na deris ila noqota dhiirranaan.”

Sheekada Anne Frank waxa ay kamid tahay sheekooyin caan baxay ee lix malyan oo Yahuud ah oo ku nafwaayey xasuuqii ba’naa ee Halocaust, ee ahaa gumaadkii ugu darnaa ee taariikhda qoomiyadda Yuhuudda soo mara. Anne waxa ay lahayd buug xasuus-qor ah oo ahaa dhiganihii ugu horreeyey ee lagu xardho mahadhacooyinkii dagaalkii ciidamadii Naasiyiinta Jarmalku ay ku qaadeen Yahuuddii Yurub ku noolayd intii lagu gudajiray dagaalkii labaad ee adduunka.

Anne waxa ay ku dhalatay Frankfurt, Germany, bishii June 12, sannadkii 1929-kii, iyada oo la noolayd waalidkeed Otto iyo Erith Frank. Shantii sano ee ugu horreysay Anne waxa ay la noolayd labadeeda waalid iyo walaasheed ka weyn Margot, oo markaas degganaa dabaq ku yaal bannaanka hore ee magaalada Frankfurt ee dhacda bartamaha Jarmalka.

Anne Frank waxa ay kamid ahayd boqollaal carruur ah oo dhibbane u noqday dagaalkii labaad. Dhalashada Anne waxa ay kusoo beegantahay xilli aan la mahdin oo ay qalalaaso ba’an oo siyaasadeed ka jireen Jarmalka. Adolf Hitler oo ahaa kaligii-taliye mannaxaan ah ayaa xisbigiisu la wareegay talada dalka Jarmalka sannadkii 1933-dii, isaga oo billaabay Yuhuud nacayb iyo cabsi gelinta carruur iyo cirroole ba. Qoyska Anne oo xaalad cabsi ahi lasoo deristay ayaa u guuray magaalada Amsterdam ee dalka Netherland, iyaga oo kamid ahaa 300,000 (saddex boqol oo kun) oo Yuhuud ah oo kasoo cararay dagaalka isir-sooca ah ee ciidama Naasiyiinta Jarmal intii u dhexeysay sannadkii 1933-dii illa 1939-kii.

Otto Frank, Anne aabbeheed oo ahaa nin hawlkar ah, waxa uu billaabay shaqo. Waxa uu dhexda u xirtay sidii uu reerka baahidooda dhaqaale u dabooli lahaa. Waxa uu shaqo ka helay shirkad lagu magacaabo Opekta Works, oo ahayd shirkad khudaarta dhoofisa. Muddo ka dib na waxa uu billaabay ganacsi yar oo u gooni ah, oo ka madaxbannaan shirkaddii uu shaqeynayey. Anne waxa ay billowday iskuul lagu magacaabo Montessori maaddama aabbeheed shaqo helay, lacagta waxbarashada na ka bixin karay. Waxa ay ahayd qof fur-furan, aftahan ah, dadka na jecel. Gabi ahaan ba waa ay ka duwanayd ardayda jaalkeed ah, oo akhris iyo qoraalka indhaha kama aysan qaadi jirin. Balse waxyaalaha ay qorto qofna lama aysan wadaagi jirin xitaa saaxiibbadeeda gaarka ah oo qaab sir ah ayay wax ugu qori jirtay inta badan.

Duullaankii Jarmalka.

Kaddib markii ay nolol loo riyaaqo iskugu dubadhacday Anne qoyskeeda, ayaa Jarmalku dullaan kusoo qaaday Netherland, bishii May sannadkii 1940-kii, iyaga oo si safmareen ah ciidda ugu daray Yuhuuddii ku noolayd Netherland, kuna soo rogay sharciyo xaddidaya dhaqdhaqaaqooda. Anne iyo walaaleheed waxaa lagu qasbay in ay waddanka isaga tagaan, waxbarashadooda na joojiyaan. Waxa ay tageen magaalo ay koox Yuhuud ahi ku noolyihiin iyaga oo iska diiwaangeliyey iskuul, tacliintoodiina halkaas ka sii watay.

Bishii 12 June, sannadkii 1942-dii ayaa ay Anne ka heshay waalidkeed hadyad ku aaddanayd taariikh dhalashadeedii 13-aad. Kaddib waxa ay gudagashay in ay si kadis ah u qorto buuggeedii kowaad ee xusuus-qor ah. Inkasta oo ay jireen qoraallo ay horay u sameysay oo ka hadlayey noloshii kala duwanayd ee harjadka miiran ahayd ee ay soo mareen, buuggaani waa uu ka geddisnaa qoraalladaas oo idil.

Bishii Luuliyo dabayaaqadeedii, sannadkii 1942-dii, ayaa Anne walaasheed Margot lagu wargeliyey in Jarmalka laga furay xero Kaam ah, kaddib na waxa ay go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan, maaddama ay dhaqaalo xumo la soo deristay.
Waxa ay si qarsoodi ah ugu dhuumanayeen Jarmalka dhexdiisa in muddo si aan loo aqoonsan in ay Yuhuud yihiin.

Anne buuggeeda xusuus-qorka ah waxa ay kaga sheekeynaysaa dhacdooyinkii tixanaha ahaa ee ay usoo joogtay iyo jacayl dhexmaray Peter Van pels oo ay saaxiibbo ahaayeen. Waxaa kale oo ay buugga ku xusaysaa in aan baniiaadamku rejo dhigin oo aysan had iyo jeer isdhiibin, iyada oo tusaale u soo qaadaneysa nafteeda, waxa ay leedahay, “dhib kasta oo igu dhaca, marna ba isma aanan dhiibin, qorshaha ayay iigu jirtay in aan maalin uun qoraa noqon doono.”

Sannadkii 1945-tii, ayaa cudurro saf-mareen ah (epidemic) siiba Tiifowga ka dillaaceen xeradii Kaamka ahayd ee ay ku xareysnaayeen. Cudurradaas waxa ay saameeyeen dad badan. Sida la aaminsanyahay Anne iyo walaasheed Margot, waxa ay dhibbane u noqdeen cudurradii aafeeyey boqolaalka dadka ah. Waxaa sidoo kale la sheegaa, inkastoo aan la hubin, in ay Anne dhimatay bishii February ama March, sannadkii 1945-kii.

Dhimashadii Anne kaddib waxaa nolol ku baaqi noqday aabbeheed Otto Frank, isaga oo baahiyey buuggii xusuus-qorka ahaa ee gabadhiisu qortay.
Frank waxa uu akhriyey buugga kaddib na waxa uu ogaaday in ay gabadhiisu karti qoraal oo heersare ah lahayd score-na jabisay. Ugu dambeyn, waxa uu hoosta-ka xariiqayaa in uu daabaco buugga.

Waxa uu markii ugu horreysay kusoo baxay buuggu afka Dutch ee looga hadlo Holand, kaddib waxaa loo baddelay afka Ingiriiska sannadkii 1952-dii.
Dhowr sano kaddib na, waxaa loo rogay filimo iyo riwaayado kale duwan.

Xasuus-qorkii Anne waxa uu ahaa buuggii ugu hadal haynta badnaa, ugu na saameynta badnaa ee ka hadla jabkii soo gaaray qoomiyadda Yuhuudda, waxa uuna fursad u helay in ku dhawaad 60 luuqadood loo tarjumo.