Type to search

Dagaalkii Biafra.

All Aragti

Dagaalkii Biafra.

Dhaxalkii gumeystuhu Afrika kaga tagay waxaa qeyb ka ahaa, kala qeybinta iyo qolo qoleysiga; si gaar ah waxaa farta loogu godaa maxmiyadihii boqortooyada Ingiriiska, taas oo ilbaxnimo fog u lahayd kala qeybinta iyo kala qob qobka ummadaha. Teer iyo jeerkii gumeystuhu uu ka baxay qaaradda Afrika, waxaa haray eelkii uu beeray, taas oo laga dhex […]

Dhaxalkii gumeystuhu Afrika kaga tagay waxaa qeyb ka ahaa, kala qeybinta iyo qolo qoleysiga; si gaar ah waxaa farta loogu godaa maxmiyadihii boqortooyada Ingiriiska, taas oo ilbaxnimo fog u lahayd kala qeybinta iyo kala qob qobka ummadaha. Teer iyo jeerkii gumeystuhu uu ka baxay qaaradda Afrika, waxaa haray eelkii uu beeray, taas oo laga dhex arkay maamulladii curdunka ahaa ee la wareegay dalalkii xorroobay ee ay ka tageen.

Durba isku dayo iyo af gambiyo ayaa hareeyay oo ay la kulmeen, halka waddamada qaar ay ka qarxeen dagaallo sokeeye oo u dhaxeeya qowmiyadihii ku wada noolaa dalalkaas. Nigeria waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii sadka loogu helay qeybsigii reer Yurub ay u geysatay dhulka dihan ee dahabku ceegaago ee Afrika, Waddankan waxaa ku nool qowmiyado kala duwan, ha yeeshee sannadkii 1968, waxaa ka qarxay dagaalkii Biafra War, kaas oo u dhaxeeyay qowmiyadda Igbo iyo Nigeria inteeda kale. Dagaal faraha looga gubtay oo gallaaftay nolosha boqollaal reer Nigeriya ah, dagaal sokeeye kii ugu xumaa ee ebed soo mara taariikhda qaarad weynta Afrika, marka laga tago kii dhacay Rwanda 1994, si gaar ah dhinacyadii dagaalku ka dhex aloosnaa. Dagaal carruur iyo cirroola ba naafeeyay, si lamid ahna sababay burbur hantiyadeed iyo mid deegaan ba.

Muddo ku siman 2 sano, 6 bilood, 1 toddobaad iyo laba maalin ayuu socday, waxaana naftooda ku waayey kumannaan kun oo labada dhinac ah. Xasuuqii qabiilka Igbos ee Ka dhacay dalka Nigeria intii u dhexeysay 1966-dii ilaa 1970-kii waxa uu galaaftay tiro dad ah oo laga dareemay guri kasta oo looga hoydo Nigeria. Waxa ay gaartay heer dadka ka faallooda arrimaha la xariira xasuuqaan ay ku tilmaamaan Holocaust. Bishii Jannaayo sanadkii 1933-dii ayaa waxaa dhacay xasuuq loogu magac daray Holocaust; maamulkii Naasiyiinta ee dalka Jarmalka oo u arkayey qoomiyadda Yuhuudda kuwo liita asal iyo farac ahaan ba, iyaguna (Jarmalka) ay isku arkayeen kuwo sarreeya dhalasho iyo qoomiyad ahaan ba, waxa ayna qudha ka jareen lix milyan oo Yuhuud ah.

Xasuuqyada aan loo aabbayeelin ee ka dhacay Nigeria loona geystay qabiilka Igbos iyo qabiillada kale ee ku noolaa bariga caasimadda Abuja waxa ay sababeen dhimashada iyo qaxa kummanaan dad ah. Waxaa intaas sii dheeraa in qabiilladii degganaa daanta bari ay dalbadaan in ay ka go’aan Nigeria, madaxbannaanina helaan. Sidoo kale waxaa jiray gobolka Biafra oo gobonnimo doon ahaa, waxa uuna si’ ka fiirsi la’aan ah ugu dhawaaqay madaxbannaani ay ka qaataan dalka intiisa kale bishii May sanadkii 1967-dii.

Dawladda dhexe oo la socotay dhaqdhaqaaqa gobolka ayaa ku qaadday dagaal muddo qaatay qoomiyadda Biafra bishii July isla sanadkii 1967-dii. Dagaal socday soddon bilood in ka badan hal milyan na ay ku dhimatay. Dawladdii fedaraalka ahayd waxa ay ku soo rogtay Biafra cunno-qabatayn sababtay dhimashada ku dhawaad saddex milyan oo dad rayid ah. Ugu dambeyn waxaa suurtogashay in ay isi soo dhiibaan Biafra sanadkii 1970-kii. Waxa jiray qoraallo iyo gabayo tiro beel ah oo laga qoray gaboodfallada uu geystay xasuuqaas, sidoo kale waxaa loo sameeyey taallooyin lagu xasuusto dhacdooyinkii ba’naa sida: goobta dalxiisayaashu booqdaan ee ku taal magaalada caasimadda ah ee Abuja ee lagu magacaabo Unity fountain iyo xabaale-wadareedyo kale.

Dowlado kala duwan ayey taageero ka helayeen garbihii is herdinayay, gaar ahaan Nigerian ku waxa ay caawinaad dhan walba ah ka heysteen dalalka:-

  1. USA
  2. United Kingdom
  3. Soviet Union
  4. Bulgaria
  5. Masar
  6. Siiriya
  7. Al-jeriya

Halka Biafrans ka (Igbos) ay hiil iyo hooba ka helayeen dalalka:-

  1. France

2.Israel

  1. Portugal
  2. Spain
  3. Koonfur Afrika
  4. Rhodesia
  5. Tanzania.

Suuq fiican ayey heleen warshadihii hubka ee reer Yurub, maaddaama dagaalku uu daba dheeraaday hubka na si’ xisaab la’aan ah loo isticmaalayey, Faransiiska si uu u taakuleeyo Igbos wuxuu u marsiin jiray hubka dhanka dalka ay deriska yihiin ee Gabon, halka xulufada kalena ay si toos ah iyo si aan ahaynba u garab taagnaayeen Maamulkii Abosanjo, door culus ayuu ka ciyaaray Mohamaddou Buhari dagaalkaas dadka badan ku waxyeeloobeen, sinnaba taariikhdu uma hilmaami doonto madaxweynaha haatan ka taliya dalka Nigeria, kaas oo ka qeyb galay dagaalkaas.

Magaalooyinka Owerri oo ka tirsan gobolka (imo state) iyo Uli oo iyana hoos tagta gobolka (Anambra state) ayaa ahaa goobihii ugu dambeyay ee ay isku foodsaaraan Dowladda Nigeria iyo dagaalyahannadii Biafrians ka, waxaana soo dedejiyay gaba gabada dagaalka dhiigga badan ku daatay ee uu gumeystuhu maalgelinayey, baxsashadii Jeneraal Odumegwu Ojukwu kaas oo magan galyo weyddiistay dalka Ivory Cost.

Wixii intaas ka dambeeyay madaxweynihii maamulkii Biafra Philip Effiong ayaa isu dhiibay Olusegun Obasanjo oo ahaa madaxweynihii Nigeria ee xilligaas, waxaana lagu dhawaaqay in uu dagaalka soo gaba gaboobay, kaddib 14 January 1970-kii, xilligaas oo la saxiixay warqaddii is dhiibidda ee Phlip Effiong. Waxaa baryey waa cusub oo filashadiisu muddo qaadatay. Waa mid kamid ah xasuusaha xasuuqyadii ugu waa weynaa ee ka dhacay qaaradda Afrika, taas oo afrika dhexdeed is yeesho, ha yeeshee Nigeria maanta waa ay ka kabatay jabkaas iyo jugtaas soo gaaray ee uu gumeystuhu hurinayey dharaar iyo habeen ba.

Maxaa sababay dagaalkii Braifra?

Inkastoo ay adagtahay jawaab u helidda su’aashaan maaddama taariikh-yahannadu ay ku kala aragti duwan yihiin dhigaallada laga diwaan geliyey dagaalka, haddana waxa aan isku dayi doonaa in aan xeerinno boggoga ugu macquulsan diwaannada dagaalka. Dagaalkaan sokeeye ee Nigeria ( Biafran war) ee dhacay( 6 July 1967- 15 January 1970 ), una dhexeeyay dowladda Nigeria iyo Briafran waxaa shidaal u ahaa gumeystaha oo labada dhinac ba maalgelinayey hubkana saad uga dhigayey. Biafran waxa ay mataleysay aragtidii waddaniyadda ku dhisnayd ee dadka Igbo-ga, Biafran waxa ay u arkayeen jiritaanka dowladda fedaraalka ah ee ka dhisan daanta waqooyi ee Nigeria mid aan lagu qanci karin. Khilaafyada dagaalku ka qarxay waxa ay ahaayeen kuwo siyaasadeed, dhaqaale, qoomiyadeed, dhaqameed iyo diimeed ba ku waasoo soo dedejiyey fursad na siiyey siyaasaddii Ingiriiska ee gumeysiga ku dhisnayd in ay saaxada dhulweynaha Nigeria ka abuurto colaado daba dheeraaday oo dad iyo duunyaba ku nafwaayaan . Waxaa sidoo kale kamid ahaa waxyaalaha soo dedejiyey dagaalkii 1960-kii Afgambi millatari, kasoo martilmaameedkiisu ahaa dadka Igbo ee ku nool wuqooyiga dalka Nigeria. sidoo kale Afgambigu waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa xarumaha dhuumaha saliidda ee gobolka Niger delta, arrintaani waxa ay kaalin mug leh ka ciyaartay billowga gadaalka sokeeye ee dowladda iyo Igbo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan, in sababaha ugu weyn ee dagaalka dhaliyey ay ahaayeen; kala duwanaanshaha diimaha, dhaqaalaha iyo isir-sooca qoomiyadeed ee ku dhexeeyay qabiiladda Igbo iyo Hausas oo kasoo jeeday qeybta waqooyi ee Nigeria. intii lagu guda jiray waqtiga dagaalka, waxaa dhulka daadsanaa kumannaan shacab ah oo dagaalka ka sokow, ay gaajo iyo harraad noloshoodii godka u diyaariyeen. Nigeria waxa ay ka baratay dagaalka casharro dhaxal gal ah, waana ay ka faa’iideysatay oo waa ta maanta adduunka wax la qeybsaneysa dhankasta.

Dadka darsa arrimaha la xiriira dagaalkaan waxa ay tilmaamaan in uu yahay mid kamid ah xasuuqyadii ugu xumaa ee ebed soo mara taariikhda Afrika gaar ahaan Nigeria, waxa ay sidoo kale dhigaal-yahannadu farta ku fiiqaan in uu yahay mid kamid ah casharrada ay qaarad weynta dagaallada sokeeye ragaadiyeen ee Afrika, ay wax ka baran karto, intaas waxaa sii dheer, in uu xasuuqaani yahay tusaale wax ku ool ah oo ay bini’aadamka dhami wax ka kororsan karaan.