Type to search

Hoygii Caruuska

Turjumid

Hoygii Caruuska

Waxa soo baxay caruuskii iyo weliba caruusaddii iyada oo ay daba socdaan ehelladii oo faraxsan, waxaa lala daba socdaa faynuusyo iftiimaya, waxaa hareeraha kaga jira caruurtii oo ubaxyo qurxoon, uduguna kasoo baxayo la hareer ordaya, halka ay gabdhaha yar-yari isu jiibinayaan hees farxadeed. Ugu dambayntii geedigii waxaa lagu soo hor furay aqalkii ay u jeedeen, […]

Waxa soo baxay caruuskii iyo weliba caruusaddii iyada oo ay daba socdaan ehelladii oo faraxsan, waxaa lala daba socdaa faynuusyo iftiimaya, waxaa hareeraha kaga jira caruurtii oo ubaxyo qurxoon, uduguna kasoo baxayo la hareer ordaya, halka ay gabdhaha yar-yari isu jiibinayaan hees farxadeed.

Ugu dambayntii geedigii waxaa lagu soo hor furay aqalkii ay u jeedeen, waa aqqal sharraxan oo baal gorroyo iyo wixii ugu qurxoonaa ay ku xardhan yihiin. Caruuskii wuxuu ku dul fariistay kursi halkaas yaalley oo kawada sarreeya dadka oo idil. Caruuskii kor madaxa u qaad, dadkiina hoos fariiste, weliba roog ama dermoooyin ay ku gedaaman yihiin xariir noocii ugu raaxada badnaa uguna jilicsanaa.

Caruuska hortiisa waxaa soo buuxiyey dadyaw kala gedisan, isla ilbiriqsigii waxaa ka dambeeyey oo darka soo jabsaday shaqaalihii oo koobab cad-cad daf lasoo dhex yidhi dadkii, illaa qalaw-qalawda bakeeriyadu ay isgaadheen, waxaa kadaba yimi fanaaniintii oo dhawaqa muusiga iyo laxankoodu uu qalbiga dadka hal-hal ugu duxayo.

Waxa kor u istaagay hablihii curdinka ahaa, iyagoo hadba isku qalloocinaya hadba dhinaca uu laxanku tilmaamayo, waxaabad moodaa inay yihiin laamo hadba dhinac u raacaya neecawda amase dabaysha guga, waxaabad moodaa faraqyada maryohooda cad-cad inay yihiin daruuro cidhifyada uu dayaxu ka meermeerinayo, kadibna indhaha lala raacay oo inamadii joogey ay quruxdooda u adkaysan waayeen, kadibna ay hab inta siiyeen laabta ku qabteen.

Odayaashii joogeyna ay ku qalbi jabeen, waxaa kordhay dalabkii sharaabka, weliba dhinaca khamriga wuxuu qalbigu u liicay laxankii, dhaq-dhaqaaqiina wuu yaraaday codkiina kor ayuu noqday, halkaas wiilbaa inan ku shukaansan oo laabtiisa jacaylka ku jira tusaya, dhinacaas kalena waxaa jooga wiil u heesaya gabadh weliba laxankii ugu macaanaa ugu tumaya, halkaasna odaybaa koob koob ugu ceshanaya sharaab oo wuxuu kacodsanayaa in loogu cesho hees uu yaraantiisii ku xasuustay, halkanna waxaa dangiigsan gabadh u iljebinaysa nin isaguna aan ka fogayn oo ku eegaya ilnaxriis leh, waxaa meel aan ka durugsanayn fadhida islaan timuhu ay cadaadeen cirro darteed oo daymo gaara ku eegaysa caruusadda ay siisay wiil keeda keliga ah, daaqad tallaabooyin u jirta waxaa taagan haweenay iyo ninkeedii oo inta macaanka khamrigu ka tan badiyey ku cel-ceshanaya, tahniyadbaa ishooda ka bidhaamaysa, shukaansi xad leh iyo dhunkashooyinbaa raacsan, waxaabad moodaa inaysan rabin berri inay dhibkeeda xasuustaan laakiin ka faa’idaysanayaan maanta iyo daqiiqadaha xaadirka u ah.

Waxaasoo dhami intay dhacayeen caruusaddu waxay il daallan ku eegaysay caruuska, waxaabad moodaa maxbuus ku dhex raagay jeelka oo afarta gidaar daawanaya, iyadoo saasa waxaa meel dhow fadhiya wiil labaataneeyo da’diisu aysan ka waynayn isagu kumaba jiro jewiga ay ku jiraan umadaha ku xeeran hareerihiisa, waa keligii labadiisa gacmoodna wuu isdhaafsaday, laabtuuna kuhayaa waxaabad moodaysaa inuu qalbigiisa ka ilaalinayo inuu baxsado, waxbuu bidhaaminayaa sidii in dujaha amase madawoga habeenka baadi ay kaga luntay.

Habeenkii wuu kala barmay oo dadkiina inta sakhraddii ka badatay ayuu carrabkii cuslaaday, caruuskii ayaa inta istaagay waaba nin oday ah oo aad uweyne la dhexqaaday dadkii hadal weliba si yaroo dabacsanaani ku dheehan tahay.

Daqiiqdahaas gudohooda waxay aroosaddii u gacan haadisey gabadh aan saa uga sii fogayn, way u timid, dhineceedayna soo fariisatay, kadib aroosaddii waxay dhammaan jaleecday hareeraha markii ay xaqiiqsatay inaan laga ag dhowayn ayay dhagta gabadha afka inta saartay sidii qof sir weyn oo lagu kala guurayo u sheegeysa amase akhbaari ay ka soo gaartay sirdoon laba dhan oo quwad leh ku tidhi kelmado kooban waxaana kamid ahaa “ Waxaan kugu dhaarin waxkastoo agtaada qaali ka ah, waxaan kugu dhaarinayaa jacaylkii iyo bar-baarnimadii aynu soo wada qaadanay, u tag Saliim oo ku dheh hoos ugu soo deg beerta gadaal ku taal oo ag istaag geedka saf-saafka, la joog illaa inta uu kasoo jawaabayo, soo xasuusi maalmihii jacaylkeenna, u tala saaro magaca jacaylka, ku dheh waa indhool aan iftiin arag, ku dheh waxay rabtaa inay qalbigeeda kugu hor furto intuusan mugdigu hareyn, ku dheh halaag bay qarka u saaran tahay, waxayna rabtaa inay hesho ilays intuusan mugdiga naartu ku habsan, ku dheh waan khaladamay oo waxaan rabaa inaan cafiskaaga halmar uun taabto amase aan haabto, haka baqan oo doofaaradaasi way cabsan yihiin, sakhraddii baa indhahooda iyo dhegahoodaba wada tirtee”

Suusaan way kacday oo waxay u dhaqaaqday dhankii Saliim, way dhinac fariisatay waxayna ku tidhi weedhihii ay ka keentay caruusadda, waxay ku dul akhridoba Saliim hal jawaab uma asoo celin illaa ay ka dhammaysay hadalkii, kadib inta madaxa kor u soo qaaday ayuu u eegay sidii qof haraad kaw ka siinayo oo arka koob biyo ah oo fig sare dulsaaran wuxuuna ku yidhi “Waayahay waan ku sugayaa”

Saliim fadhigii kabood oo u dhaqaaq dhankii ballantu ahayd, daqiiqado kama soo wareegin oo waxaaba ka daba kacday caruusaddii iyadoo tallaabada dhawraysa oo dhex socota nimankii cabsanaa ee ay habluhu ku dhex mukhuureen, markii ay timi beertii oo faraqyada habeenku hadheeyeen dib soo eegtay oo sidii deero bahal fara wayn ka cararaysa u oroday dhanka geedaha oo ay ka arkaysey wiilkii ay la ballantay, markii ay hubsatay inay la joogto oo ay dhiniciisa fadhido ayay ilmo is hayn waydey oo laabtiisa hab ku soo tidhi, ay dhaygag tay oo ka jeesan waydey waxayna dhegtiisa inta bushmaha u soo dhowaysay ku tidhi “ I maqal Saliim, I maqal waan ka qoomameeyey garawsho la’aantaydii waxaanan ka qoomamayn doonaa weligay, deg degaygii iyo weliba hubsiimo la’aantaydii, waan qoomameeyey illaa uu beerkaygu go’o, waan ku jeclahay weligayna waan ku jeclaan doonaa, waxay ii sheegeen inaad baxday oo aad qayrkay calmatay oo aad jacaylkaygii bedelatay, beenbay ii sheegeen oo qalbigayga ayay hadaladooda ku jar jareen, Najiiba waxay ii sheegtay inaad iga daldoorsatay oo aad jajcaylkeeda dabaalanasyo, way i dulmisay oo weliba si xad aan lahayn, si aan u raaco oo aan u ilaawo jacaylkaaga raacay ninkale oo aanan rabin, Saliim adaan ku jecelahay oo gurigaas waan ka soo baxay mana rabo inaan dib ugu laabto, kalxamahaaga ayaan ku dhegayaa awoodna umalahaan doonto cid aduunkan ku sugani inay iga kaa fujiso, kasoo tegey ninkii xaas been-beenaadka aan u ahaa, kasoo tegey qaddarka iyo nasiibku qofkay iiga dhigeen weliga amase masuulka, kasoo tegey oo tuuray ubaxyadii uu kaahinku ii sudhay, jebshey oo horaan u soo daadshey xargihii dhaqanka xumaa, ka tegey oo kuma laaban doono gurigii qaawanaanta iyo khamriga, kuu imi oo kuu imi si aan uwada aadno banaanadaas iyo meelo aysan wuxuushtani ka ag dhowayn, kasoo tegey oo waxaanu u wada baqoolaynaa godadka jinka, inakeen aan tagnee inta habeenka daahiisu faydmin, ina keen xeeliga badda aadnee dooniyaha tuban aan mid raacnee, ina keen aan tagnee kana baxsannee gacanta cadawga waaguna yuusan noogu dillaacin, dahabka iyo kuulaha laabta iyo luqunta ii sudhan waxay kafaalo qaadi karaan nolosheena iyo mustaqbalkeena.

Maxaadan iila hadlayn Saliim? Maxaadan ii dhunkanayn? Maxaad ii eegaysaa oo keliya? Miyaadan maqlayn yeedhmada qalbigayga iyo oohintiisa? Miyaadan rumaysanayn inaan ka soo tegey ninkii I guursaday, hooyaday iyo aabahay oo aan kuu soo gashtay taajkii arooska si aanu u wada cararno? Soo bax aan tagnee daqiiqadahani ka qaalisan oo ka qiimo badan taajajka boqorada.

Caruusadu way hadlaysay weliba codkeedu wuxuu ka macaanaa codka laxamada heesaha ugu wanaagsan, wuxuu ahaa mid isku dhex jira oo farxad, rejo, macaan, murugo intaba lagama waayeyn.
Wiilkii oo isagaba laabtiisa ay isku hayaan cadowyo badan, dhinac jacaylkii mugdiga kadhigi jirey iftiin duruufta kakanna ka dhigi jirey mid fudud iyo sharaftiisa iyo doonitaanka qalbigu uu rabo. Jacaylkaas uu ilaahay ku dhaliyo quluubta.
Iyadoo aad moodo inuu qalbigiisu yahay mid ka soo baxay wakhtiyadii mugdiga inta madixiisa kor uqaaday sharftiisuna kala waynaatay gabadhii lugihiisa ku ooyaysey wuxuuna ku yihdi “Boqoraddaay hurdadii way dhammaatay ee ka kacoo aad ninkaagii yaanan lagu arag oo la odhan caruuskeedii ayay khiyaantay sidii ay shalayba u khiyaantay saaxiibkeedii hore”

Inta ay gariirtay gabadhii oo ay sidii ubax dar baxay oo kale jiilaalkuna kadaba yimi u kala dhacday ayay tidhi ”ku noqon maayoo gurigaas waan ka soobaxay noloshayduu turqay oo uu ku noqday oof aan weli iga hadhayn, waan ka soo tegey oo sidii maxbuus laga furay silsiladii oo aan hawaysanayn inuu dib ugu laabto meeshii lagu xidhay, ha iska kay fogayn oo ha I odhan khiyaanalaybaa tahay; waayo gacantii isku dhaftay oo is dhex gelisay way ka weyn tahay oo way ka mudan tahay gacanta kaahinkii isku keen xidhay ninkii isaga ahaa, waataas oo naftayda ayaad yeelatay awood nakala geyn kartaana ma jrto geerida mooyaane”

Wiilkii wuxuu isku deyey inuu iska jaro oo uu iska riixo isagoo muujinayo quus iyo inuu dareemayo yaqyaqsi buu ku yidhi “ iga leexo gabadh yahay waanku nacay waanan ku karahsaday waxaanan raacay hawo kale iyo qofkale waxaad dadka ka maqashayna waa wax runa oo aan ahayn been ee ma maqashay waxaan ku leeyahay? Waan ku nacay illaa aan doortay inaan ku ilaawo inaadba jirto illaa ay naftu doonto inay kaa tallawdo, aad waddo kuu gaara anna tayda ii daa, aad ninkaagii oo u noqo xaas wanaagsan oo aa aamina.”

Waxay gabadhii tidhi iyadoo yaaban “ waad I jeceshahay oo waad I rabtaa, indhahaaga ayaan ka akhriyey jacaylku wuxuu yahay, adigaan kaa bartay farxadda, waad I jeceshahay waanana ku jecelahay kaama tegayo meel kalena ma aadayo, I dil gacanna ii qaad dhiigaygana daadi. Wiilkii ayaa kor u qaaday hadalkiisa isagoo weliba kii hore ka kululeeyey wuxuuna yidhi “ gabadh yahay Iga dheerow haddii kale inta aan qayliyo oo aan iskugu yeedho dadka oo idil ayay sidii xanjo oo kale dhexda ku gashan doonaan, amase inta tusaale xun ayay afkooda kuugu soo qaadan doonaan kabadaran oo Najiiba ayaa kugu jees-jeesi doonta oo faraxd iyo qosol caawa u dhamaanaysaa guusha ay gaartay awgeed”
Intaas ayuu yidhi kadibna inta iska riixay garabkeeda qabtay, wejigeedii intuu guduutay oo uu isbedelay ayay ku tidhi “ waatuma taas bedeshay jacaylkaygii waatuma tan ay sarkhaamisay qalbigeeda dhunkashadaadu”

Kelmadahaan intay ku hadlaysey waxay gacanteeda dhex gelisay maryeheeda dhexdooda waxayna kasoo saartay mindi yar kadibna iyada oo xawaaraha hillaaca oo kale u lalminaysa dhex dartay kuna dooxday laabtiisa, dhulkuu ku dhacay isagoo aad moodo suuf ka soo dhacay geed sare, dul tagtay oo ku foorarsatay isna ku qayli oo yidhi “ kaalay kaalay oo soodhowoow hayga tegin layla, noloshu ka daciifsan geerida oo geeriduna ka jilicsan jacaylka, maqal maqal qosolka dadka arooskaaga jooga iyo siday yihiin, keen aan dhunkadee gacmihii dabarada iga jebiyey, dhunko oo dhunko bishmihii beenta sheegayey ee runta qalbiga ku duugan qarinayey, qabo oo fartaada saar halka ka daloosha bogayga, Kadib marka ay duusho ruuxdaydu oo ay hawda heehaabto mindida I ag dhig oo dheh wuu isdiley xaasidnimo iyo masayr dartii, waan ku jeclahay layla balse waxaan kuu quuri waayey inaan habeenka arooskaaga kula cararo, farxaddaydana waan kuu huray, I dhunko layla I dhunko oo iska bax”

Gacantiisa ayuu laabtiisa dul saaray sidaas ayayna kaga haaday ruuxdiisu!
Caruusaddii inta madax kor u soo hinjisay ayay ku dhawaaqday kelmedo oo ay tidhi “kaalaya kaalaya dadoow, waakan caruuskii iyo caruusaddii, kaalaya oo arka dangiigsi-gayaga sharafta leh, kaalaya dadoow kakaca sakhradda oo kaalaya aan idin tusnee sirta jacaylka iyo geerida”

Lawada yaab oo kelmeduhu dhegaha hal hal ugu soo dhece, waxay dadkoo idili u tafa xayteen si ay dibadda waxa ka dhacay u soo eegaan, garbaha la day oo dhinacyada lawada eeg, waxay si kedisa ugu soo wada baxeen maydkii Saliim iyo Layla oo mindi hillaacaysa gacanta ku wadata, lawada yaab oo dadkii u soo dhowaan waaye.

Layla intii tabarteeda ah qaylisay oo soo jeedisay si ay dadku ugu yimaadaan waxayna tidhi “kaalaya dadyohow fuleynimadu ka badatay, haka biqina mindidan waayo waa mid barakaysan oo aan loogu tala gelin inay dhex gasho idinkoo kale, kani waa ninkaygii, jacaylkaygii, caruus isaga ayaan u ahay isaguna aniguu Ii yahay, waan diley waayo waa jacaylkaygii, waxaanu damacnay inaanu laabta is gelinno balse kawayney meel aduunkan ka tirsan oo aannu tagno waayo waxaad cidhiidhi kaga dhigteen caadooyinkiina xumaa oo waxaanu doorbidnay inaanu aadno daruuraha gadaashooda.

Kaalaya dadyohow oo aaway tii isku dayday inay nakala fogayso, aaway tii beenta sheegtay ee tidhi aniguu I jeclaaday oo hammigiisaan noqday si aan u ilaawo indhahana uga xidho, aaway abeesadii jahanamaad? Meeday ha aragtee inaysan farxad guur siinin ninkii aad ila rabteen balse ay nasiib igu siisay kaan weligay jeclaa, ima fahmaysaan oo nin dhega la’aani maba maqlo laxan, waad I habaari doontaan oo carabkiina sunta iyo dembiga badan ayaad igu dhaleecayn doontaan, balse caruurtiina ayaa isoo barakayn doonta waayo xaqqa ruuxdu waa berri ee maaha maanta, adiga ninkan weyn ee xeelad ka dhigtay inuu gabdhaha hanti ku xero geliyo adigan u ah madaxda bulshadan raadinaysa nuurka ee uu ka dayran yahay, bulshadan ka raadinaysa biyaha inay dhagax kasoo dillaacaan amase ka soo baxaan oo ay kasoo burqadaan, bulshadan ubaxa ka sugaya inuu bacaadka engegay kasoo baxo”

Intaas kadib waxay kor u qaaday mindidii oo ay ku dooxday laabteeda waxayna ku dul dhacday ninkii ay isjeclaayeen, dumarkii qayliye oo is dhex qaade, qaarkoodna miyir doorsoome, nimankiina usoo dhaqaaqe dhankii maydku yiilay.

Caruusaddii eegtay dadkii oo damcay inay kor uqaadaan waxayna ku tidhi “iskadaaya ha taabanina dhiigaygu ha dhamaadee, hana kala geynina labadayada ruux dhulkuna haka dhigto dhiigayaga quud iyo waraab, ciiduna hana geliso laabteeda sida ay ugu qabato xabadaha iniinyaha ah ee ay uga ilaaliso qabowga guga”

Caruusaddii inta bishmeheeda qabowga ah dul saartay bishimihiisa ayay kelmedihii nolosheeda u dambeeyey tidhi “eeg Saliimow sida ay noo dul gedaaman yihiin xaasidiintu, eeg sida ay u eegayaan oo ay ilkohoodu iskugu dhacayaan, eeg sida ay feedhohoodu u jabayaan, inbadan I sugtey Saliimow ee hada waa ikan, jebiyey silsiladihii nagu xidhnaa oo waxaan u diyaar ahay inaanu israacno oo tagno meelaysan kuwani ka dhowayn, ma arko qofaan adiga ahayn, kaalay Saliim jacaylku wuu kala qaaday baalashiisii wuuna duuli rabaa”

Ku dul dhacday laabtiisa dhiigooduna isku Milan isheeduna ishiisa kamay libiqsan intii kadib. Kaahinkii inta uu soo dhaqaaqay ayuu cod hoose ku yidhi intuu dadka eegay “way nacladan yihiin, way nacladan yihiinn indhihiina, ilin dartood u daadiya, mar horay ibliisyadu lakala haadeen ruuxdoodii, oo ay geeyeen jahannama daaya jidhkooda oo yaan la qaadin eydu ha cuntee, ka taga oo yaysan idin soo gaadhin urtoodu, kala taga oo guryihiina tuugta ka difaacda”

Suusaan oo ah gabadhii farriimaha u kala qaadeysay, oo is-hayn waydey ayaa intay hor timi ku tidhi si geesinimo leh “iskaga tag meesha anaa waardiyayn gaalyohow indhaha beelay, waagu markuu beryo anaa qabri uga qodaya geedaha hoostooda, haddaad ii diidaan, anigaa gacmahayga ku qodanaya haddii aad garbaha iga xirtaanna anaa ilkaha ku qodaya, ka tag meeshan cadarku ka soo carfayo waayo doofaarku ma garto uduga, iskaga laabta guryihiina waayo ma maqlaysaan laxanka malaa’igtu shuhadadaan ku dul qaadayso”
Dadkii kala tage oo dhamnaan ku laabte hoygoodii waxaana goobtii ku soo haray gabadhii keligeed markay ka libdheenna oohin qabsatay iyadoo ka il iyo calool xun.

*Qoraaga sheekada: Jubraan Khaliil Jubraan. Wuxuu leeyahay “Tani waa dhacdo ka dhacday waqooyiga dalka Lubnaan, dabayaaqadii sanadkii toban iyo sagaalaad. Waxaana dhacdadaan iigaga sheekaysay marwo ku noolayd deegaankaas.