Type to search

Maxaa dib u dhigay dunida Saddexaad?

Aragti

Maxaa dib u dhigay dunida Saddexaad?

Shucuubta iyo dowladaha caalamka ka jira waa ay kala duwan yihiin, hadba iyada oo loo eegayo tiro ahaan dadkooda, bed ahaan dhulkooda, hufnaan ahaan siyaasaddooda, kobac ahaan dhaqaalahooda, dhaqan ahaan bulshadooda, tayo ahaan dadkooda, iyo horumar ahaan dalkooda, sidaas awgeed waxaa loogu yeeraa magacyo iyo naanneysyo kala duwan sida: Dowladaha horumaray, Waddamada barwaaqo sooranka, Dowladaha […]

Shucuubta iyo dowladaha caalamka ka jira waa ay kala duwan yihiin, hadba iyada oo loo eegayo tiro ahaan dadkooda, bed ahaan dhulkooda, hufnaan ahaan siyaasaddooda, kobac ahaan dhaqaalahooda, dhaqan ahaan bulshadooda, tayo ahaan dadkooda, iyo horumar ahaan dalkooda, sidaas awgeed waxaa loogu yeeraa magacyo iyo naanneysyo kala duwan sida: Dowladaha horumaray, Waddamada barwaaqo sooranka, Dowladaha dib-dhacay iyo erey-bixinta aadka loo adeegsado ee ‘Dowladaha soo koraya’ ama ‘Dunida saddexaad’, maqaalkaan waxaan ku falanqeyn doonnaa mashaakilka, caqabadaha iyo duruufaha ku gadaaman qeybtan ka hartay asaaggeeda ee loo yaqaanno ‘Dunida Saddexaad’ iyo xalalka loo soo jeediyey leh ee la tacaali kara dhibaatooyinka heysta.

Marka la tilmaamayo dowladahaan waa dowlado iyo quruumo aan si qumman uga faa’ideysan kheyraadka basharkooda iyo kheraadka dabiiciga ah ee barrigooda iyo baddoodaba ku dihan, sidoo kale waa dowlado ku liita bixinta iyo dhameystirka baahiyaha aasaasiga ah ee muwaadiniintooda, sida quudka, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan baahiyaha ruuxiga ah sida amniga iyo caddaaladda.

Tiradooda waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 125 dowladood oo kamid ah kuwa caalamka, dadkoodana waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 70% dadyowga caalamka, wax soosaarkooda dhanka dalagga iyo miraha waxaa lagu qiyaasaa 53% dalag beereedka caalamka, halka wax soosaarkooda dhanka warshadahana lagu tilmaamo in kayar 10% wax soosaarka guud ee caalamka.

Mushkiladaha ugu waaweyn ee hor gudban shucuubtaan -annagana aan qeybta ka nahay- waxaa kamid ah:

1m) Maamul iyo talo xumi: talisyada ka jira dowladahaan intooda badan waa kuwa aan cago badan ku taagneyn, sidoo kale maamulkooda waa mid aad uliita marka loo eego hey’adahooda howl galineed, hadday ahaan laheyd hey’adaha amniga iyo sirdoonka, maaliyadda iyo wax soosaarka, iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo xiriirka caalmiga ah, sidaa darteed waa dowlado aan kaafin karin baahiyaha shacabkooda, islamarkaana aan fulin karin danta guud ee dalka. Isbarbar-yaac siyaasadeed iyo kala sooc la’aan howlaha ay kala leeyihiin hey’adahooda ayaa ah sababta ugu weyn ee horseedday in meesha ay joogaan ay hore uga dhaqaaqi kari waayaan, waxaana ucaado ah axsaabta iyo ururrada siyaasaddeed ee dowlaahaan ka jira inay had iyo jeer shaaciyaan xilliyada doorashooyinka qorshayaal iyo qodobbo aad uqurux badan iyo ballan qaadyo waalli ah oo midna ka fulin markii ay kursiga salka la helaan.

2) Musuqmaasuq: musuqa waxa uu noqday qodax ku taagan jirka dowlado badan oo soo koraya muddo aad ufog, laaluushka, wax isdaba-marinta, nin jecleysiga iyo xatooyada xoolaha dadweynaha ayaa noqotay dhaqan caadi ka ah xafiisyada iyo xarumaha maamul ee dowladahaan, heer uu kusii tashto qofka masuulka noqon doona inuu wax musuqmaasuqo, isaga oo aan ka cabsameynin sharci iyo xudduud kale toona, sidaa darteed dhaqankaasi foosha xun waxa uu dhalay in xuquuqda muwaadiniinta iyo kheyraadkooda lagu tunto, gaar ahaan kooxaha laga tirada badan yahay; waxaana ay sababtay dib udhac dhanwalba ah iyo inay hawl gabaan shaqooyin badan oo horumarka dalka qeyb libaax ka qaadan lahaa.

3: Dagaallada sokeeye: dalalka horumaray dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba marna ma galaan dagaal aysan ku qasbaneyn, mana door bidaan xal xoog iyo millatari ku saleysan inta ay heli karaan waddooyin iyo habab kale oo xaajada lagu wajihi karo, taa baddalkeedse dowladaha lagu sheego dunida saddexaad waxa ay ubanbaxaan dagaallo shisheeye iyo kuwa sokeeyaba sababta ugu fudud, taas oo ciribtirtay dhamaan rajooyinka iyo hiigsiyada uu dalka lahaa, sidoo kalena burbur iyo baaba’ u keentay waddooyinka, dhismayaasha, isbitaallada iyo guud ahaan goobaha danta guud; islamarkaana waxa ay sababtay inay la’daan dadkii bulshada haldoorka u ahaa, ama ay haajiraan oo caqligooda iyo cilmigoodaba ay ku dheefsadaan quruumo kale, sidaa darteed dagaallada sokeeye waa dilaaga horumarka iyo horusocodka ummadaha, marna dhici meyso in laga guulgaaro dagaal, iyo dhiig la daadiyay, waase suuroggal in qasaaraha dhinacyada ay kala bataaan.

4. Jahliga: waxbarashadu waa tiir aasaasi ah si ay bulsho uhorumarto, si ay ha-labuur ugu yeelato caalamka fikirka, si ay waxsoosaar ugu yeelato caalamka warshadaha, islamarkaana uga dhex muuqato caalamka loollanka iyo isriixriixa siyaasadeed, nasiibdarro se jahliga waa summad iyo astaan ay ku soocan yihiin dowladaha soo koraya waana mid halis ku ah mustaqbalkooda, waxaa intaasi dheer dadka fursadda uhelay inay waxbartaan inay ka shaqeeyaan, ayna ka muuqanin dhinacyada shaqo iyo jago ay ku haboon yihiin, taasoo dumin iyo dibjirnimo ukeeneysa sharafkooda iyo sumcaddooda.

5. Qabyaalladda: waa mid kamid ah tilmaamaha ay jaad-gooniga la yihiin dowladaha dibdhacay, isbiirsiga, is taageeridda iyo isku codeynta kuma dhisna afkaar iyo aragtiyo lawada rumeysan yahay, waxa ayna dadyowga dowladahaani ku nool isu bahaystaan hadba sida ay isugu aabe iyo abtirsi dhowyihiin, sidaa darteed qabiilkasta waxa uu qasab ka dhigayaa in ay ku daba-feelaan kuwa kale, uuna isaga utaliyo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, taas oo dagaal ka dhex oogaysa qabaa’ilka dhexdooda illaa lagaaro heer awood qeybsi aan xaq iyo xalaal ku dhisneyn lagu xalliyo dhinacyadii diriray, halka qabaailka kale ee rabshadda iyo fowdada aan qeybta ka aheyn ay xaqooda halkaasi ku waayaan si jujuub ah, taasoo sinnaan la’aan iyo in laga sarreeyo sharciga uhorseedda dowladahan lagu magacaabo dunida saddexaad.

6. Faqriga, gaajada iyo cudurrada: Aasiya, Afrika iyo qeybo kamid ah Ameerikada koonfureed ayay ubadan yihiin dowladaha soo koraya, waxa ayna dhammaantood wadaagaan saboolnimo iyo cayrnimo xad-dhaaf ah illaa ay gaarto saboolnimada heer cuntada iyo quud maalmeedka lawaayo, kadibna gaajo darteed ay dadkii ubaaba’aan, ayna cudurrada sida dhaqsaha ah ufaafa ugu banbaxaan, sidaa darteed waa caqabadda ugu daran ee heysta dadyowga dunida saddexaad iyo ubadkooda, waxaana sababay qeybsiga aan caddaaladda aheyn ee kheyraadka, ku filnaan la’aanta dhanka caafimaadka iyo inaysan jirin siyaasado cadcad oo wax ka qabta shaqo la’aanta, hoos udhaca dhaqaale iyo dhameystirka baahiyaha aasaasiga ah.

7. Ku tiirsanaanta shisheeyaha: wali waxa ay aaminsan yihiin dowladahan inaysan ka maarmin dunida horumartay iyo beesha caalamka, si haddii loo eego qeyb ahaan waa arrin ay wax ka jiri karaan, balse waxaa haboon in lagu dadaalo laguna talagalo sidii looga kaaftoomi lahaa gacanta shisheeyaha, islamarkaana loogu tiirsanaan lahaa ilaha dhaqaale ee gudaha, ma jiro waddan dunida saddexaad ka tirsanaa oo ka baxay, islamarkaana xalliyay mushkiladdiisa dibudhac haddana ku tiirsanaa gacmo shisheeye iyo kaalmo dibadeed, sidaa darteed waa inay jirtaa iskuxirnaan iyo wada shaqeyn udhaxeysa hey’adaha dowladda si ay ugu yaraan u maamuli karaan kheyraadkooda dabiiciga ah iyo bani’aadamka ay hoggaamiyaan, islamarkaana si danahooda waafaqsan ula falgali karaan maalgashiga shisheeye iyo kaalmadoodaba.

Ugu dambeyn waxaa jira dowlado dhowr ah oo ka gudbay mashaakilkaan, islamarkaana ku biiray caalamka horumaray sida Kuuriyada koonfureed, Singabuur, Malaysiya iyo Baraaziil, dhamaantoodna waxa ay ka mideysnaayeen ladagaallanka jahliga, ilaalinta xuquuqda madaniga ah, ka tashiga aayaha iyo arrimaha masiiriga ah, dhisidda kaabayaash dhaqaale ee dalka, iyo la dagaallanka musuqa iyo dambiyada iyada oo loo marayo hey’adaha sharciga dhaqan galiya (booliis) iyo garsoor loo siman yahay.