Type to search

الإسلام بين الشرق والغرب

All Guudmar

الإسلام بين الشرق والغرب

الإسلام بين الشرق والغرب “Qaayaha ay leeyihiin diinta, fanka iyo falsafaddu waxaa kamid ah in ay aragtida insaanka ku jiheeyaan su’aallo, hal-xiraallo iyo raadinta siro qarsoon, taas oo ugu dambeyn gaarsiinaysa in wax uun la garto, inta badanna waxaa dhacda inay wacyi iyo ogaal ukeenaan jahligeenna, ama inay jahligeenna aan dareensaneyn ka dhigaan jahli aynu […]

الإسلام بين الشرق والغرب “Qaayaha ay leeyihiin diinta, fanka iyo falsafaddu waxaa kamid ah in ay aragtida insaanka ku jiheeyaan su’aallo, hal-xiraallo iyo raadinta siro qarsoon, taas oo ugu dambeyn gaarsiinaysa in wax uun la garto, inta badanna waxaa dhacda inay wacyi iyo ogaal ukeenaan jahligeenna, ama inay jahligeenna aan dareensaneyn ka dhigaan jahli aynu ognahay jahlinimadiisa”
-Cali Cizzat Bigofij

Qoraha buugga: ‘Islaamka bari iyo galbeed’.

Kitaabkan oo uu qoray madaxweynihii hore ee dalka Boosniya Cali Cizzat Bigofij waa buug xambaarsan Afkaar iyo aragtiyo waaweyn oo ay adagtahay in si dhaqso ah loogu fariisiyo caqliga iyo maanka, waa buug aan ku filneyn in dhowr bog oo laga aqriyo ama si guud oo loo dulmaro lagu fahmo afkaarta, fahamka iyo ujeeddooyinka ku keydsan gudihiisa laakiin ay tahay in la dul istaago sadarrada qormadiisa si loo dhugto loona dheehdo macnahooda, sidaa darteed waa buug falsafeed falanqeynaya gundhigga aragtiyaha casriga ah ee caalamku ku dirirsan yahay, isaga oo isku dayaya inuu iftiimiyo aragtiyo cusub oo iswaafajin karta is-diiddooyinka ruuxiga ah iyo kuwa maaddiga ah, islamarkaana istaagi karta mowqif dhexdhexaad ah oo hishiisiineysa diinta iyo duunyada, xilli aragtida nololeed ee islaamku xambaarsan yahay ay tahay midda kaliya ee soo gabagabeyn karta mushkiladda heysata dunida reer bariga iyo kuwa reer galbeedka ah, maadaama qoraagu uu yahay mid ka dharagsan thaqaafooyinka iyo ilbaxnimada labada dhinac (Bariga iyo Galbeedka), ee ah kuwa ugu waaweyn ee casrigaan cusub dunida isku hirdinaya, kuna loollamaya.

Kahor nuxurka buugga bal aan fiirino taarikh kooban oo ku saabsan qoraaga. Magaciisu waa Cali Cizzat Bigofij, waa mufakir iyo feylasuuf Muslim ah, sidoo kale waa siyaasi iyo Qareen ama abukaate isku hawla xuquuqda dadyowga dulman ee caalamka, waxa uu ku dhashay boqortooyadii ballaarneyd ee Yugoslaafiya taariikhdu markay aheyd 28- Agoosto sannadkii 1925-kii, jinsiyad ahaan waxa uu kasoo jeedaa dalka Muslimka ah ee dhaca bariga Yurub ee Boosniya-Hirsogafin, ka tirsanaa dowladdii weyneed ee la isku dhihi jiray Yugoslaafiya, kaddib dagaalkii Boosniya iyo Seerbiya waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Boosniya intii udhaxeysay 1990-1996-kii, guulo wax-ku-ool ah ayuu xaqiijiyay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kadib, ayna ugu muhiimsan yihiin kaalintii uu ka ciyaaray dagaalkii Boosniya iyo Seerbiya oo markoodii hore ahaa dowlad-hoosaadyo ku mideysnaan jiray boqortooyadii Yugoslaafiya, iyo go’aannadii adkaa ee uu qaatay, taas oo dalka ka saartay dhibaatadii dhaqaale iyo tii kala daadsanaanta ee dalku ku jiray.

Waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta caalamiga ah ee Boqor Feysal ee lagu bixiyo u adeegidda Islaamka iyo kuwa kale oo badan, waxa uuna geeriyooday sannadkii 2003-dii , xilli da’diisu ay cagacageeneysay 78-sano, kadib xanuun uu ka sheeganayay dhanka wadnaha muddo bil ah, buugaagtiisa waxaa kamid ah: عوائق النهضة الإسلامية، الإعلان الإسلامى، هروبى إلى الحرية، الإسلام بين الشرق والغرب.

Haddii aan daaha ka qaadno jaldiga buugga, oo aan soo rogno baalashiisa, durbaba qoraaga waxa uu ku lafagurayaa tiro fikirro caalami ah oo bani’aadamka maanta nool ubaahanyahay in ka badan kuwiii horraan teen noolaa, waxa uuna kusoo bandhigayaa aragtiyahaasi iyada oo uu adeegsanayo daraasado iyo tijaabooyin taariikheed oo uu insaanku goobjoog usoo ahaa, si uu uxaqiijiyo dhuuxa afkaartaasna qoraaga waxa uu cuskanayaa ilo-taariikeed iyo tixraacyo sugan, sida uu ku sheegayo buuggiisa, waxa uu leeyahay “Si aan ufahanno caalamka faham sax ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan ogaanno tixraacyada dhabta ah ee ay leeyihiin afkaarta dunidaan xukumeysa, aana si qotodheer ugaranno macaanidooda”, sidaa darteed ayuu markasta qoraagu xoogga usaarayaa tixraacyada ay leeyihiin aragtiyaha is diiddan ee dunida ku loollamaya.

Xaqiiqdii buugga sida dadka qaar ay ku tilmaameen waa mowsuuco ama insaykolobiidiya aqooneed, si kale haddii loo yiraahdana waa dhowr buug oo waaweyn oo hal buug isku ah, hadduu Eebo noo saamaxana waxaan diiradda saari doonnaa qaar kamid ah arrimaha uu qoraagu uga faallooday gudihiisa.

Ugu horreyn waxa uu uqeybiyay buugga 11-cutub oo laba qeyb kala ah. Qeyb waxa ay ka hadleysaa aragtiyaha ku xeeran diinta, -marka uu diin ka hadlayana kalama jeedo islaamka, balse waxa uu kala jeedaa sida ay galbeedku u arkaan diinta, oo ah xiriirka qofka uu la leeyahay ilaahay SW oo kaliya, oo aan shuqul iyo shaqo midna ku laheyn duunyo iyo nolol kale toona-, qeybtaanna waxa uu ku sharraxayaa qoraagu dabeecadda iyo asalka aadanaha, thaqaafada iyo ilbaxnimada, fanka iyo riwaayadda, falsafadda iyo suufiyaddii Giriiggii hore, iyo arrimo kale oo taariikheed iyo bulsheed.

Qeybta labaad ee buugga waxa ay gaar u tahay islaamka iyo aragtiyihiisa nololeed, sida uu qoraagu qabana Islaamku ma ahan kaliya diin, balse marka loo eego si aasaasi ah waa nidaam dhammeystiran oo loogu talagalay kownka oo idil, islamarkaana sida uu Insaanku ugu sameysan yahay ruux iyo oogo jireed ayuu Islaamkuna uyahay diin iyo nidaam bulsheed oo isku sargo’an, taasoo siineysa astaanta ugu weyn ee uu uga soocan yahay diimaha kale.

Aragtiyaha uu falanqeynayo buugga waxaa kamid ah Asalka aadanaha iyo waxa ay tahay nolosha, waxa uuna tilmaamayaa tani inay tahay xagasha iyo barta asalka u ah guud ahaan muranka afkaarta caalamka ka jirta, sababtoo ah dood kasta oo ku aaddan sidee haboon inuu insaanku unoolaado? Waxa ay dib noogu celinaysaa su’aasha ah halkee buu ka yimid insaanka? taas oo jawaabo kala gaddisan ka imaanayaan, marka loo kala eego dhanka diinta iyo dhanka cilmiga.

Maaddiyiinta diinta fogeeyay waxa ay insaanku ku qeexayaan inuu yahay noole kaamil ah, farqiga isaga iyo xayawaanka udhaxeeyana uu yahay farqi heereed, balse uusan aheyn farqi nooceed, taas macnaheeda, insaanku waa ku nooc ka mida xayawaanka laakiin kaliya waa uu ka heer sarreeyaa maadaama uu leeyahay xubno heersare ah oo dhanka ogaanshaha, oo caqliga iyo kalasooca la xiriira, sida uu Daarwiin ku tilmaamayna insaanku waa noole kusoo hanaqaaday horumar dheer oo hadba heer lahaa “Evolution”, waxa uuna qoraagu Daarwiin iyo culimada Bayoolajiga kula doodayaa sababta uu bani’aadamka ujoojiyay horumarkiisa qaabeed kaddib markii uu noqday bani’aadam dammeystiran! Intaa waxa uu raacinayaa, Culuumta Arkiyoolajiga, Cilmu nafsiga, iyo culuumta baarta raadadka aadanaha dhammaantood inay yihiin culuum bani’aadamka sharraxda kaliya dhankiisa aaladeed “Jireed”, taas oo micno buuran lahayn, iyagoo iska indhatira dhankiisa ruuxeed oo ah midda uu ku yahay bani’aadam karaameysan, oo ka soocaysa noolaha intiisa kale.

Dhanka kale kitaabka waxa uu daraasad ku sameynayaa farqiga udhaxeeya dhaqanka ama waxa loo yaqaanno ‘Thaqaafada’ iyo ilbaxnimada oo iyana ah ‘Xadaaradda’, waxa uu tilmaamayaa inay jirto iska hor imaad udhaxeeya labada macno, gaar ahaan xadaarada hantiwadaagga ku dhisan iyo tan hantigoosadka ku dhisanba inay colaad toos ah kala hortagayaan thaqaafada aadanaha, sababtoo ah thaqaafada waxaa asal u ah diin, waxa ayna ku soo barbaartay horumar dhaqan oo ku saleysan go-goldhig samaawi ah, sidaa darteed marka uu qeexayo labada macno ee thaqaafada iyo xadaaradda waxa uu ku sheegayaa in thaqaaafadu ay tahay: saameynta ay diintu ku leedahay bani’aadamka ama saameynta uu bani’aadamka ku leeyahay bani’aadamka kale, halka xadaaraduna ay tahay: saameynta uu caqligu ku yeesho dabeecadda iyo caalamka dibadeed, sidaa darteed thaqaafadu waa fanka insaanka uu insaan ku yahay, waxa ayna ku kobacdaa ufiirsashada iyo in la daymoodo kownka, halka xadaaraduna ay ka dhigan tahay horumarka ku yimaada tiknoolajiga iyo waxyaabaha uu insaanka adeegsado iyo fududeynta howlaha uu qabto hadba waqtiga ugu yar, waxa ayna ku kobacdaa barasho iyo baaris.

Sidaa darteed Cali Cizzat waxa uu leeyahay xadaarada casriga ah ee aadanahu waxay ku guuldarreysatay inay bani’aadamka gaarsiiso baraaraha iyo sacaadada uu u baahnaa, iyada oo ku hubeysan aqoon, awood iyo hanti aad ufarabadan, arrintaas sababteedna waxa uu ku tilmaamayaa in ilbaxnimada casriga ah ay colaadisay dhinaca ruuxiga ah ee aadanaha, maadaama ay fogeysay diinta.

Waxaa kamid ah afkaarta uu shiilayo buuggu, Masiixiyadda iyo Masiix (Ciise CS), sidoo kale waxa uu falanqeynayaa Maarkisiyadda iyo Maarkis, maadaama labada aragtiyood ay kala matalayaan diin kaligeed ah iyo maaddiyad kaligeed ah, labadoodana -sida uu buuggu qabo- waxa ay xaqiijiyeen fashal, iyo inay la jaanqaadi waayaan waaqaca dhabta ah ee insaanku ku noolyahay, sidaa darteed ayuu kitaabku si guud isku weydiinayaa sababta ay u guuldarreysteen aragtiyaha waaweyn ee caalamka ee isugu jira maaddiyad Allediid ah iyo Katoolig cilmi-xoor ah, waxa uuna caddeynayaa labadooduba inay istaagi kari waayeen mowqif dhexdhexaad ah oo la jaanqaadi karta fidrada iyo abuurka aadanaha, islamarkaana ay si miisaaman u haqabtiri weysay baahiyihiisa ruuxeed iyo jireed, sidaa darteed ayuu Cali Cizzat mushkiladdaan xal uga dhigayaa islaamka oo uu ku tilmaamayo inuu yahay: xarriiq-bar isku dheellitireysa cilmiga iyo iimaanka, ruuxda iyo maaddada, samaawiga iyo arlaawiga, diinta iyo duunyada; waxa uuna ifinayaa markastaba inuu Islaamku wato xadaaraddiisa maaddiyeed ee hishiiska la ah dalabaadka ruuxeed ee bani’aadamka.

Sidaa darteed markii ay muslimiinta diintooda ku keliyeeyeen dhinac diineed oo mutuxan, oo ay ka tageen dhinaciisa xaddaaradeed iyo bulsheed ayay ka dib-dhaceen caalamka intiisa kale, sidoo kale Cali Cizzat waxa uu is warsanayaa sababta uu galbeedku cadow ula noqday Islaamka

Waxa uuna kala soo baxayaa natiijada falanqeyntiisa laba sababood oo waaweyn oo kala ah: in ay Islaamka u arkaan kaliya diin, oo nolosha dibadeed aan shaqo ku laheyn, iyo midda labaad oo ah luqadaha reer yurubka oo ku guuldarreystay inay ereybixinno sax ah ku cabbiraan mafhuumka guud ee Islaamku xambaarsan yahay, isagoo tusmo ahaan usoo qaadanaya ereybixinnada Salaadda, Sakada, Weysada, Khilaafada, iyo Ummadda, oo aan ereyo baddal ah ku laheyn luqadaha reer Yurub iyo guud ahaan galbeedka.

Ugu dambeyntii Cali Cizzat markii uu ku fogaaday falanqeynta iyo isbarbardhigga afkaarta bariga iyo kuwa galbeedka, iyo sida uu Islaamku dhexdhexaad ugu yahay dhan walba, ayaa waxa uu kusoo gunaanuday buuggiisa ciwaan yar oo ugu magac daray “u hoggaansamidda ilaahay”, oo ah kadib markii uu Islaamka ku dadaalay nidaaminta caalamkan, isaga oo u adeegsanaya waddooyin kala duwan sida barbaarin, waxbarid iyo dhaqan galinta xeerar sharciyeysan, haddana dhanka kale waxa uu farriin usidaa basharka dhamaantood, taas oo baaqeedu yahay inay uwada hoggaansamaan iskuna dhiibaan Allah SW, sidoo kale inay rumeeyaan qeybka iyo qaddarka, sidaa darteed ayaana magaca ‘Islaam’ loogu soo dhambalay baaqa uu Islaamku udirayo qofkasta oo bani’aadam ah, oo ah inuu doonistiisa u khuduuciyo Ilaaha weyn ee mudan kaligiisa in la caabudo.