Type to search

Tusbaxu xaggee Soomaalida kasoo galay?

Aragti

Tusbaxu xaggee Soomaalida kasoo galay?

Tusbaxu wuxuu uga dhignaa dadyowgii rumaysnaa diimaha samaawiga agab ay eebbe ugu dhawaadan iyo waddo kamid ah waddooyinka ay alle ugu cudur daartaan, kuna muujiyaan in ay dembi galeen, waxay taariikhyahannadu sheegaan in ruhbaanta ama wadaaddada diinta Kirishtaanka uu tusbaxu u ahaa hab ay ku cibaadaystaan halka ay muslimiintana u adeegsadaan xisaabinta tirada wardiyada tasbiixda […]

Tusbaxu wuxuu uga dhignaa dadyowgii rumaysnaa diimaha samaawiga agab ay eebbe ugu dhawaadan iyo waddo kamid ah waddooyinka ay alle ugu cudur daartaan, kuna muujiyaan in ay dembi galeen, waxay taariikhyahannadu sheegaan in ruhbaanta ama wadaaddada diinta Kirishtaanka uu tusbaxu u ahaa hab ay ku cibaadaystaan halka ay muslimiintana u adeegsadaan xisaabinta tirada wardiyada tasbiixda iyo digriga.

Shucuubta diimaha Hinduuska iyo Buudiga haystana waxay gacan ku hayntiisa uga dhignayd xirsi xir ay gabaad iyo gaashaan kaga dhigtaan sharta iyo shar wadahaba, waxaa sidoo kale soo maray dunida sida ay taariikhyahannadu xusaan umado rumaysnaa barakada tusbaxa kuwaas oo la sheego inay tusbaxyada maydhi jireen dabadeedna biyaha lagu maydho dawo ahaan u cabi jireen, iyaga oo u arkayay in uu yahay sheey diini ah oo barakeysan.

Sida ay kusoo aroortay qaar kamid ah buugtii ay qoreen taariikhyahannada islaamka, sabankii uu tusbaxu soo gaaray dhulka carbeed ee Muslimiinta deegaanka u ahaa, waxaa lagu qiyaasayaa inuu ahaa bartamihii qarnigii saddexaad ee hijrada arrintaasna waxaa sii xaqiijiyay Cilmi-baarayaal uu ka mid yahay Gold Zeher oo u dhashay dalka Jarmalka kaasoo ku caddeeyay qoraaladiisa qaar ka mid ah in Masar ay ahayd bartii uu tusabaxu uga soo talaabay jasiiradda carabta xilli uu ku sheegay qarnigii saddexaad ee hijrida.

Waxaa la xusaa in isticmaalka tusbaxa ugu horayntiisaba ay ku caan baxeen dariiqqda Suufiyada, iyaga oo u adeegsan jiray ku xasuusashada digriga alle; halka ay isla xilliyadasna soo banbaxday fatwo ay wadaaddada muslimiinta qaar kamid ah ku xaaraantimeeyeen adeegsiga tusbaxa, iyagoo ku sababeynaya tusbaxa inuu yahay shay bidco ku ah diinta halka wadaaddo kalena ay baneeyeen isticmaalkiisa, iyaga oo ku difaacaya in ay u arkaan in uu yahay aalad si dhow uga shaqeysa addoonka iyo xusidda abuurihiisa; kala ra’yi duwanaanta noocaas ah markii danbe waxa ay ku biya shubatay khilaaf fiqhi ah, oo xukunnada xalaaltinimada iyo xaarantinima tusbaxa lagu kala baydhay.

Facweynida tusbaxa waxa aanu sii garan karnaa marka aynu dul istaagno walxaha uu asal ahaan ka kasameysan yahay, si guud, kuulasha tusbaxa, waxaa laga sameyn jiray walxo kala duwan, waxaa ugu door roonaa, ama aad looga sameyn jiray kuusha lafaha Timirta, oo ahaa midda ugu cansanaa ee laga sameey; sidoo kale waxaa iyaguna la adeegsan jiray dhagxaaanta ilqabadka leh ee laga helo badaha iyo goobaha gaarka ah.
Tusbaxyada muslimiintu ku cibaadaystaan baa iyagana kala lahaa martabado taas oo salka ku haysay tusbax walba iyo tirada kuul ee ku jirta, tusbaxyada qaar waxay ka koobnaayeen saddex iyo soddon kuul, waxaana lagu magacaabi jiray “seddexlay” halka ay jiraan nooc kale oo kuulashiisu yihiin sagaal iyo sagaashan xabbo kuwaas oo soddon iyo sadexdii xababa ay kala soocanayeen, ayna u dhaxeeyso kuul yar oo ka duwan kuulasha kale ee Tusbaxa uu ka kooban yahay.

Isla jeerkaas waxaa kala duwanaa tusbaxyada ragga iyo dumarka ay isticmaalaan, sida ay taariikhyannadu xusaanna dumarka waxa ay adeegsan jireen tusbaxyo faro qabashada ku wacan, oo aad u dabacsan, kuwaas oo ku midbaysnaa midabo indho qabad leh halka uu ragguna kaga soocnaa tusbax leh kuulal dhumuc waaweyn oo dhawaqna sameeya kolka la la isticmaalayo, waxaana noocan lagu magacaabi jiray tusbaxa golayaasha.

Turkida ayaa kamid ah bulshooyinka dunida ugu isticmaalka badan Tusbaxa, agtoodana aadka looga qaddariyo, waxaa la sheegaa in Khulafadii Cusmaaniyiintu ay iyagu ka danbeeyeen tusbaxa faafiddiisa, arrintaana waxaa ka marag kacaya oo aynu tusaale usoo qaadan karnaa in waagii dowladda Cusmaaniyadu jirtay ay caado ahayd salaad walba oo Jimce lagu qeybsho masaajidyada tusbaxyo lagu sheegayo inay khaliifka muslimiinta ka yimaadeen, dabcan haddiyadaha masaajidda laga bixiyo ayuu ugu sharaf badnaa marka laga tago musxafka barakeysan.

Ka sokow ujeeddada ugu weyn ee tusbaxa loo adeegsado oo cibaadada ah, waxay Turkidu u adeegsadaan ujeedooyinka kala duwan, waxaa jira qaar rumaysan in uu tusbaxu nasiib u keenayo halka qaar kalena u isticmaalaan sidii uu uga yareeyn lahaa muragada iyo cadaadiska.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in dadka adeegsada tusbaxa ay bulshooyinka muslinka dhexdooda ka heli jireen ixtiraam iyo makaanad qaddarin leh, waxaana arrintan inoo sii caddaynaya dhacdooyinka kusoo aroorray buugta ee la xidhiidha arrintan, oo ay kamid tahay, dhacdo maad ah oo uu Abu al-Faraj al-Asfahani ku xusay buuggiisa caanka ah ee “Heesaha” – “الأغاني” waxa uu Abuu Faraj warinayaa qiso ka dhacday Madiina oo ahayd in nin lagu magacaabo Ibnu Abii Catiiq uu gabar xaajo ka lahayd badhsaabkii Madiina xukumayay ee Cusmaan ibn Xayaan al-Marri kula taliyay inay tusbax usii qaadato badhsaabka, si ay ugu muujiso dhowrsanaan iyo taqwo; sheekooyinkan iyo sheekooyinka lamidka ah ahba waxa ay si saani ah u muujinayaan halka uu Tusbaxa ka joogay bulshadii Muslimka.

Qarniyo badan ka hor ayuu Tusbaxa soo gaaray Soomaaliya, inkastoo taariikh rasmi ah aan laga heyn, haddana waxaa la aaminsan yahay in laba waddo uu Tusbaxa kusoo gaaray Soomaaliya, waddada koobaad Ganacsatadii qarniyadii dhexe Xeebaha Soomaaliya usoo safar tegi jiray, gaar ahaan dadkii ka kala imanayay Dalalka Yeman, Masar, Iiraan iyo Carabta inteeda kale, kuwaas oo si hufan diinta ugu faafiyay Soomaaliya. sidoo kale waddada xigta waa Soomaalidii Xajka inta aadday dib ula soo noqotay dhaqamadii Diiniga ahaa, ee uu Tusbaxa kowga ka ahaa.
Qiimo aan lasoo koobi karin ayuu bulshada Soomaalida ku dhex lahaa weligiis, illaa mar dambe kooxo Islaamiyiin ah ay isku dayeen in ay dadka nacsiiyaan Tusbaxa iyo shacaa’irta nabadda muujineysa ee diinta.

Waxa aan dib u xusuusan karnaa tuduc kamid ah tuducyada AUN Abwaan Max’ed Xaashi Dhamac Gaariye, ee ay kamid ahaayeen
Ruuxaan salaada u tabcayn, waa la tabayaaye
Tusbax haybe iyo waysaday, talo ku dheehnayde
Waa taajir ruuxii janada, lagu taxaabaaye
tubtii nabiga eebow na mari waa la tagayaaye
Oo towbadana noo rumee, tabacu waa meele
Oo noogu taageer aday, taada noqotaaye.

Sidoo kale Tusbaxa Soomaalida waxa uu uga dhignaa calaamad kheyr iyo wanaag muujisa, sida uu Abwaankan ku leeyahay tuducdan
Tusbax qaadataa iyo Iblays tiisa fulisaabaNinka ila tartamayoow adaa seegay taladiiye.
Si kstaba ummadda Soomaalida Tusbaxa qiimo ayuu weligiisa u lahaa, balse dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay Tusbaxa waxa uu ku dambeeyay gacmaha dadka da’da weyn, oo jiilka dambe kuma badna isticmaalka Tusbaxa, taasna waxaa sabab u ah kacaankii Islaamiyiinta ee dalka ka dilaacay bilowga qarnigan.

Maaddaama adduunku maaddi ahaan u horumarayo, Tusbaxu waxa uu kujiraa walxaha horumarka gaarka ah sameeyay, oo waxaa soo baxay nooc Tusbax ah oo qaab Electronic ah loogu tirsado, kaas xitaa Soomaaliya aad looga isticmaalayay wixii ka dambeeyay 2014-kii.
Si guud Tusbaxa waa astaan muujineysa dhowrsanaan iyo u hoggaansanaan illaahi ah, isticmaalkiisana waxa uu ku badan yahay bulshada islaamka tan iyo taariikhdaa fog ee aan kasoo sheekeynay.
Tixraacyo:

https://www.hafryat.com/ar/blog/المسبحة-عُرفت-قبل-الإسلام-فكيف-اقترنت-بالتديّن؟

https://www.dlilturkey.com/rosary-industry-in-turkey.html تعرف على تاريخ صناعة السبحة في تركيا
HAGARLAAWE: Diiwaanka Maansooyinka Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaariye’