Type to search

Yaa ka mid ahaa ardeydii Midowgii Soviet ka waxbarashada ka helay 1960-1978?

Aragti

Yaa ka mid ahaa ardeydii Midowgii Soviet ka waxbarashada ka helay 1960-1978?

Qormadaani waxa ay bidhaamineysaa billowgii xiriir dhexmaray dowladdii Soomaaliya ee kacaanka iyo Midowgii Soviet. Xiriirradaas oo gundhiggiisu ahaa in xal loo helo dhibaatooyin ay la kulmi jireen ardaydii Soomaaliyeed ee waxka baran jiray dalalkii hoostagi jiray maamulkii Soviet ka, laga billaabo sannadkii 1960-meeyadii. In laga guul gaaro ama lagu guuldarreystaa nidaamkii waxbarasho ee Midowgii Soviet […]

Qormadaani waxa ay bidhaamineysaa billowgii xiriir dhexmaray dowladdii Soomaaliya ee kacaanka iyo Midowgii Soviet. Xiriirradaas oo gundhiggiisu ahaa in xal loo helo dhibaatooyin ay la kulmi jireen ardaydii Soomaaliyeed ee waxka baran jiray dalalkii hoostagi jiray maamulkii Soviet ka, laga billaabo sannadkii 1960-meeyadii. In laga guul gaaro ama lagu guuldarreystaa nidaamkii waxbarasho ee Midowgii Soviet xilligaas waxa ay ahayd arrin aad u adag oo aan suurtogal u ahayn cidwaliba iney fursad u hesho. Sidoo kale in lagu noolaado dhulka Midowgaas waxa ay caqabad ku ahayd arday kasta oo Soomaali ah, oo halkaas tagay, maaddaama ay ka yimaadeen dhulka ka cimilo iyo nolol geddisan dalalkan.

Jeerkii ba waxaa abuurmay qilaaf dhaqan, iswaafaqid la’aan iyo mid cunsuriyad ku dhisan oo dhexmartay labada bulsho ee kulantay, waa ardeydii Soomaaliyeed iyo qowmiyadihii Soviet ka ee ay u yimaadeene. Si guud waxaa jiray dhibaatooyin ay la derseen ardayda Afrikaanka ah ee waxbarashada u yimaada dalalka Midowga Soviet, iyada oo ay jireen doodo heer caalami ah oo lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinkaas sidii looga bixi lahaa inkastoo aan laga gaarin xal kama dambays ah.

Markasta oo lasoo hadal qaadayo waxbarashadii Midowgii Soviet ka iyo Ardeydii waxka baran jirtay guud ahaan Ardeydii Afrikaanka, gaar ahaana kuwii Soomaalida, waxaa muhiim ah in seddex arrimood aan madaxa ku hayno tan kowaad waa xiriir kii u dhexeeyay xukunkii Siyaad Barre iyo Midowgii Soviet ee ku aadana imaanshihii kowaad ee ardayda Soomaalida, tan labaadna waa dhibaatooyinkii ay ardayda Soomaaliyeed kala kulmi jireen nidaamkii hanti-wadaagga ee Maxamed Siyaad Barre, waayo waxaa qasab ahayd in ardeygu marka la dirayo iyo inta uu xagga joogaba taagersanyahay labada xisbi iyo labada maamulba, arrinta ugu dambeysa uguna xasaasin waa in Ardeydii joogtay Ruushka laga dhaadhicin jiray qadiyadda la xariirta dhulkii markaas qilaafku ka taagnaa ee Ogaadeeniya ee sababay dagaalka, ayna ku kala tageen labadii Awoodood tii Midowgii Soviet iyo xukunkii Kacaanku.

kahor xilligii Kacaanka(1960-1969).

Ardayda Soomaalidu waxa ay markii ugu horreysay fursad waxbarasho ka heleen Miyowgii Soviet sannadkii 1961-dii, iyaga oo ka faa’iideysanayey barnaamij  deeq waxbarasho haa oo bilaash ah, oo Midowga Soviet ku suntanaa oo ay siinayeen waddamo dhowr ah oo dhaca qaaradaha Aasiya iyo Afrika.
Ololaha waxbarasho siinta ee Midowga Soviet ku, ka waday Aasiya iyo Afrika ba, waxa ay u sahashay in uu afkaartiisa ku dhisan shuuciyadda gaarsiiyo daafaha adduunka gaar ahaan Aasiya iyo Afrika isaga oo dagaal kula jiray habfekerka ardayda soo koreysa.

Horraantii sannadkii 1960-kii ayaa waxaa billowday loollan siyaasaddeed oo u dhexeyeey Midowgii Ruushka iyo dalalka Mareykan ka, Taliyaaniga iyo Ingiriiska. Waxa ay tartan ugu jireen sidii cid walbaa ay saameyn ugu yeelan lahayd geeska Afrika isla markaas na ay awooddooda siyaasaddeed iyo middooda mabaadi’ba u muujin lahaayeen. Sidaas darteed, waxbarashada ay ardayda Soomaaliyeed hesho waa ay xaddidneed oo ay dadbanayd. Illaa iyo qarnigii 19-aad waxaa jiray loollan loogu jiray Geeska Afrika oo ay dowlado kala duwan isku hardinayeen.

Dowladaas waxaa kamid ahaa Ruushka oo lafdhabar u ahaa Midowga Soviet oo xiriir qotodheer la lahaa Ethiopia iyo Jabuuti oo Faransiis ku lammaanaa. Hardankii ka socday Geesku waxa uu sababay in madmadow soo kala dhexgalo xiriirkii ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Midowgii Soviet meel xun na uu gaaro, hase ahaatee, bishii September 11, sannadkii 1960-kii ayaa dib-loo billaabay xiriirkii labada dal.

Intii lagu gudajiray sannadkii 1960-kii, ayaa ardaydii ugu horreysay ee Aasiya iyo Afrika ka timid waxbarasho u fariisteen iskuulladii Midowga. Jaamacadda Lumumba oo ahayd xarunta loogu talagalay ardayda ajanabiga ah, ardayda Soomaaliyeed aad bay ugu yarayd tiro ahaan markii loo fiiriyo ardayda kale ee waddamada kale ka socotay.  Waxaa sidoo kale jiray Machadyo, kulleejyo, iyo iskuullo kala jaad ah oo meel walba baahsanaa si ay uga faa’iideystaan ardayda waxbarasho doonka ah, baddelkeed afkaarta iyo caqiidooyinka shuuciyadda la dhadhansiiyo sidii ujeedku ahaa.

Sannadkii 1965-tii waxaa yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho koox macallimiin iyo dhakhaatiir isugu jira oo ka socday Midowga Soviet iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay caawimaad iyo mid waxbarasho ba ku taageeraan Soomaalida. Ardaydu waxa ay inta badan xiiseyn jireen culuumta Fiisikiska (physics) iyo nuucyada kiimikooyinka balse suurtogal uma aysan ahayn, waayo badanaa waddanka waxaa lagu shaqeyn jiray caafimaadka iyo farsamooyinka faryaamada, intaas uun la barto ayaana qasab ahayd.

Sidoo kale waxaa jiray dhibaatooyin dhanka luuqadda ah oo lasoo dersay ardayda Soomaaliyeed, taas oo keentay in ay macallimiintii Sovietku, ku taliyaan in la aasaaso iskuullo lagu barto luuqadda Ruushka si loo helo arday tayo leh oo garaad sarreysa. Ardeydu waxey ku qasbanaayeen iney sharaf leh u dhammeystaan waxbarashada, kadibna dalkooda kusoo noqdaan, kadibna guda galaan hawla qaran oo ay ku qasbanaayeen, Ruushku si dad ban iyo si toos ahba wuxuu ka shaqeynayey iney ardeydaas marka ay dalka yimaadaan ay qabtaan xafiisyo sare, kadibna ay ku hawl galaan mabaad’dii shuuciyadda, gaar ahaan ardeyda baratay ciidanka iyo sirdoonku marnaba kama baxsan karin Ruushka. Halkaan waxaad ka arki kartaa 13 ka mida ardeydii Soviet ka iney waxka bartaan fursadda u helay, kadibna soo noqday, qabtayna xilal sare inkastoo waqtiyadu kala duwanaayeen, haddana badankood waa isku dhawaayeen.

1- Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxweynihii Soomaaliya (2000-2004), sidoo kale ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo maaliyadda ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu ka qalinjabiyey qeybta (Biology) ee jaamacadda Moscow.
2- Cabdullaahi Axmed Cirro- oo ahaa jenaraal ku taqasusay arrimaha difaaca ciidanka. Waxa uu ka qalinjabiyey kulliyadda Frunze Military Academy.
3-  Cabdullaahi Yuusuf Axmed (1934-2012)- oo ahaa siyaasi rugcadaa ah, madaxweynihii ugu horreeyey ee dowlad goboleedka Puntland sidoo kalana ahaa madaxweynihii Soomaaliya (2004- 2008). Waxa uu ka qalinjabiyey Kulliyadda Frunze Military Academy.
4- Cali Mataan Xaashi (1927- 1978)- oo ahaa hoggaamiye ciidan, siyaasi, xubin kamid ah dowladdii kacaanka, sidoo kalana ahaa duuliyihii Soomaaliya ugu horreyey. Waxaa ka qalinjabiyey kulliyada Frunze Military Academy.
5- Aamina Maxamed Jibriil, oo soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, haddana ah wasiirka ciyaaraha iyo dhaqanka. Waxa ay ka baxday (University  of Kieve)
6- Xaawo Cabdi- oo ahayd u dhaqdhaqaaqe arrimaha xuquuqda aadanaha, sidoo kale la guddoonsiiyey abaalmarinta Nobel Prize sannadkii 2002-da. Waxa ay wax ku baratay Moscow  sannadkii 1964-dii ilaa 1971-dii.
7-Jaamac Cali Jaamac- oo ahaa kornayl iyo madaxweynihii Puntland. Waxa uu wax ku bartay Moscow.
8- Maxamed Aaden Axmed oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya sannadkii 2015-tii. Waxa uu ka qalibjabiyey kulliyada Frunze  Military Academy.

9- Maxamed Faarax Xasan Caydiid (1934-1996)- oo ahaa lataliye dowladdii kacaanka, safiirkii Hindiya ee Soomaaliya sidoo kalena noqday madaxii ciidamada sirdoonka Soomaaliya, Waxa uu ka baxay kulliyada Frunze Military Academy.
10-  Maxamed Cali Samatar (1931-2016)- waxa uu ahaa jenaraal darajo sare ka gaaray dhanka ciidamada, wasiirkii gaashaandhigga ee ugu waqtiga dheera, sidoo kale waxa uu noqday raysalwasaare. Waxa uu ka baxay kulliyadda Frunze Military Academy.
11- Mustafa Maxamed Macallim (1943-2009)- waxa uu ahaa duuliye aas-aasay iskuulkii ugu horreeyey ee Aviation lagu bartay Soomaaliya. Waxa uu ka baxay Kiev Air forces.
12- Salaad Gabeyre Kediye (1933-1972)- waxa uu ahaa mid kamid hoggaamiyayaashii kacaanka, taliyihii guud ee ciidanka qaranka Soomaaliya. Waxa uu ka baxay kulliyada Frunze Military Academy.