Type to search

Maxaan ka baran karnaa Maxamed Yuunis?

Waayahoodii

Maxaan ka baran karnaa Maxamed Yuunis?

Maxamed Yuunis waa dhaqaale-yahan Bangladeshi ah oo abaalmarin u helay Jaa’izada caalamiga ah ee Nobel Peace Prize sannadkii 2006-dii. Waxa uu sidoo kale ahaa aas aasihii iyo agaasimihii guud ee bankiga Grameen oo ah banki bixiya daymaha yaryar si loo caawiyo dadka danyarta ah ee saboolnimadu daashatay, fursad na loo siiyo si ay ganacsiyo yaryar […]

Maxamed Yuunis waa dhaqaale-yahan Bangladeshi ah oo abaalmarin u helay Jaa’izada caalamiga ah ee Nobel Peace Prize sannadkii 2006-dii. Waxa uu sidoo kale ahaa aas aasihii iyo agaasimihii guud ee bankiga Grameen oo ah banki bixiya daymaha yaryar si loo caawiyo dadka danyarta ah ee saboolnimadu daashatay, fursad na loo siiyo si ay ganacsiyo yaryar u abuurtaan, ugana xoroobaan gaajada iyo saboolnimada.

Maxamed Yuunis waxa uu ku dhashay Chittagong, Bangladesh bishii June 28, sannadkii 1940-kii. Waxa uu fursad u helay waxbarasho heersare ah. Kaddib markii uu dhammeeyay jaamacadda Dhaka, ayuu Yuunis fursad u helay Fulbright scholarship oo ah deeq waxbarasho taas oo u sahashay in uu u safro dalka Mareykanka. isaga oo jaamacadda Vanderbilt ka diyaariyey dhaqaalaha kana qaatay shahaaddada Ph.D-da. Intii lagu guda jiray dagaalkii xoraynta Bangladesh ee dhacay sannadkii 1971-dii, Yuunis, waxa uu dhidibbada u taagay guddi xuquuqda muwaadiniinta Bangladesh-ka ah ee Maraykanka ku nool u dooda , isaga oo sameeyey wargeys lagu magacaabi jiray Bangladesh Newsletter oo ay xog iyo macluumaad ku saabsan dowladda ka helaan dadka ku nool Maraykanka si ay xoraynta waddanka uga qeyb qaataan.

Xorriyaddii Bangladesh ee sannadkii 1971-dii, prof. Yuunis waxa uu kusoo laabtay waddankiisa sannadkii 1972-dii waxa uuna ku biiray qeybta dhaqaalaha ee jaamacadda Chittagong. Waxyar kaddib waxa uu la kulmay abaaro iyo gaajo daran oo dadka deegaanka lasoo gudboonaaday, waxa uuna aasaasay barnaamij sare loogu qaadayo dhaqaalaha reer-miyiga.

Waxa uu aaminsanaa in daymo yaryar la siiyo dadka danyarta ah ee waratada ah si ay noloshooda u kaafiyaan iyaga oo aan cidna gacanta u hoorsanayn, kaddib na ay si tartiib tartiib ah lacagta daynta ah isaga bixiyaan. Waxa uu jeebkiisa ka daymiyey $27.00 oo lacag ah isaga oo siiyey 42 qof oo deegaanka ku noolaa si ay dhaqaalohooda ugu kabaan.

Dadaal badan kaddib, waxa uu ku guuleystay in uu aasaaso Grameen Bank oo ah bangi daymo yaryar ku yabooha dadka saboolka ah- Dr. Maxamed Yuunis, fikradda garab-istaagga dadka faqiirka ah waxaa ku dhiirrageliyey hooyadiis oo had iyo jeer caawin jirtay dadka tuugsanaya ee albaabka guriga soo hor istaaga subaxii.

Bishii May 2008-dii, Grameen Bank(GB) waxa uu gaaray 7.5 milyan oo amaahdayaal ah (borrowers), 97% kamid ah waxa ay noqdeen dumar warato ah. Waxa uu leeyahay bankigu labo kun shan boqol iyo labaatan iyo shan) xarumood, waxa uu sidoo kale caawiyaa 82,072 xaafadood oo Bangladesh ku yaal. Yuunis waxa uu sidoo kale yagleeyay tiro shirkado ah si macluusha iyo saboolnimada loo yareeyo waxaa na kamid ah: Grameen phone, Grameen Shakti iyo kuwo kale oo badan. Maxamed Yuunis, bishii October, sannadkii 2006-dii, ayuu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, isaga oo ku muteystay dedaalkii iyo heerarkii kala duwanaa ee uu u galay la dagaallanka saboolnimada iyo horumarinta arrimaha bulshada. Waxa sidoo kale la guddoonsiiyey dhowr abaalmarinno oo kala duwan sida, abaalmarinta Romon Magsaysay, iyo abaalmarinta cuntada adduunka. Waxa uu kamid yahay dadka saameynta ugu badan ku leh adduunka isaga oo la galiyo mararka qaar booskii Nelson Mandela, inkastoo ay ku kala duwan yihiin halganka halka ay ka kala billaabeen.

Haddii aad timaado Bangaledesh oo ah waddan dadkiisa uu ka badan yahay xajmiga bad ee dhulkooda, heerka faqrigana uu joogo meeshii ugu darneyd, waxa ugu weyn ee aad ka fekeri karto waa sidii aad uga bixin lahayd dadkaaga saboolnimada heerkaas gaartay ee ku habsatay bulshadaas; Yoonis waddadaas ayuu qaatay, isaga oo ka dhabeeyay dardaarankii hooyadii ee ahayd in uu caawiyo masaakiinta iyo wax ma heysatada.

Wax badan ayeey ku qaadatay in uu ka fekero sidii loo gaarsiin lahaa adeeg lacagaha ama habka xawaaladaha iyo xitaa Bankiga casriga ah deegaannada baadiyaha ah ee dalkiisa, ugu dambeyn waxa uu ku guuleystay hirgelintiisa sannadkii 1976-kii.

Xilligii ugu saameynta badnaa ee Bankiga waxa uu ahaa intii u dhaxeysay 2003 illaa 2007, xilligaas oo uu Bankiga sameeyay deymihii ugu badnaa, islamarkaana uu dejiyay barnaamij dib u dejin dadka masaakiinta ah loo sameynaayo.

Sheekada Yoonis waxa aan ka baraneynnaa doorka hooyooyinka ay ku leeyihiin barbaarinta ubadka, waxa uu ka arkay saddaqada iyo wanaaggeeda hooyadiisa, se waxa uu gaarsiiyay heer caalami, taas waa cashar ka guud ee sheekada, si lamid ah cashirrada laga baran karo waxaa qeyb ka ah qofka in uu wanaagga ku raaxeysanayo haddii waxa uu sameynayo ay dhab ka yihiin

Max’ed waa uu guuleystay, hal abuurkiisiina waa uu guuleystay, waxa se guushooda qurxiyay in ay sabab u ahaayeen guusha kumannaan qofood oo saameyn weyn uu ku lahaa noloshiisa.

Soomaalida dadkeeda wax haysta inta badan wax waa ay bixiyaan umase bixiyaan si cilmiyeysan sida Prof Yuunis, dad badan ayaa caawiya Ardeyda, reer miyiga iyo masaakiinta qaab reernimo iyo qaraabo nimo ah laakin Sida Yuunis haddii maalqabeenada Soomaaliyeed qaab cilmiyeysan oo ay halmar ku caawiyaan dadka xoogsatada ah, kadibna ay deynta ka celiyaan, si ay u siiyaan xoogsato cusub waxey yareyn lahayd faqriga iyo rejo beelka dhaqaale.