Type to search

Basaasaddii Yahuudda ugu cimriga dheerayd.

Waayahoodii

Basaasaddii Yahuudda ugu cimriga dheerayd.

hawr todobaad ayeey naawishay wax uun jawaab ah oo uga timaadda dhanka MOSSAD, waxa ay sugtaba, waxaa subax iridda xaafaddeeda soo istaagay qof aysan horay u arag oo gacanta ku sida fariin uu ku sheegay in ay qoyskeeda uga timid, kolkay warqadda aqridayna waxaa u caddaatay jihada saxda ah ee ay ka socoto iyo waxa ku dhex xusanba, dhambaalka, waxa uu ka yimid Hay'adda sirdoonka yahuudda ee Mossad waxayna shuula ka codsanayeen in ay meel qarsoon oo lagu dhuumman karo u hesho nin Yahuudi ah oo lagu magacaabo Winkilar, iyudana waa ay kasoo dhalaashay, oo sidii laga filanayay ayay u gudatay hawgalkeedii ugu horeeyay.

Ma u bareeri laheyd khatar iyo halis kasta si loo helo dal aad adigu leedahay? Nafhurid iyo qar iska tuur soo ma ahan inaad u kacdo aasaaska qaran aan dunidaba ka jirin, xittaa aan heysanin dhul iyo shacab is leh oo wada jooga? Miyey geesinimo aheyn inaad dhiiggaaga u shubto qaddiyad kugu weyn, miyaadanna mudneyn in lagugu asteeyo magaca “Halyeey”? Adiguna aqristoow miyeynaan gar aheyn in aad aqriso taariikhda iyo waayaha qof aad u aragto inuu cadowgaaga yahay si aad ubarato tabaha, tusaalooyinka iyo tiirarka uu ku taagan yahay? Maalin kamid ah Sanadkii 1920-kii, ayeey Shuullamiit Macaayiir Koohin ku dhalatay...

Lost your password?
Sign Up