Type to search

Geesigii Galoofiska

Waayahoodii

Geesigii Galoofiska

Dadku kala duwan, nin baa yaqaan dowrkiisa, udadaala dalkiisa, una shuba dhiigiisa iyo dhuuxiisa, uquba dhidid iyo dheecaanba. Dalalkuna kala duwan, qaar baa nasiibku u hiiliiyey, dadkooduna caawiyey oo nimco iyo naruurro ku nagaaday, qaar kalaa nabad iyo nolol seegay, naxli iyo nabar calfaday, ku noogay oo ku naafoobay, se midkastaa waxa uu ku faanaa qaar ka soocmay dadkiisa, ku gaar noqday damiirka iyo dadnimada, danqashada iyo dareenka, ku dhafray oo udhintayba ka dhabeynta qaddiyadaha iyo mabaadi'da dalkiisa.

Dadku kala duwan, nin baa yaqaan dowrkiisa, udadaala dalkiisa, una shuba dhiigiisa iyo dhuuxiisa, uquba dhidid iyo dheecaanba. Dalalkuna kala duwan, qaar baa nasiibku u hiiliiyey, dadkooduna caawiyey oo nimco iyo naruurro ku nagaaday, qaar kalaa nabad iyo nolol seegay, naxli iyo nabar calfaday, ku noogay oo ku naafoobay, se midkastaa waxa uu ku faanaa qaar ka soocmay dadkiisa, ku gaar noqday damiirka iyo dadnimada, danqashada iyo dareenka, ku dhafray oo udhintayba ka dhabeynta qaddiyadaha iyo mabaadi’da dalkiisa. Markay xaajo halkaa tolan tahay Axmad Cabdalla Macallin oo ahaa Goolhayihii qaranka iyo kooxdii Elman ayaa mida geesiyada sida gaarka ah ay Soomaaliya ugu faanto, kuwa ay u hillowdo oo dib ugu hammiso adeegooda markale, u ilmeysoo, u xiista oo ay xusta xilli walba iyo xaalad kasta, waayo waxa uu ahaa mabda’le ku howlgala qaddiyad iyo hadaf uu jeclaa inuu ka dhabeeyo, qaddiyadduna waa sharaf u raadin, arrin aad u aragto inay kugu weyn tahay.

Si guud dhaqanka Soomaaliga ah waa mid fogeeya oo ka arradan aaminaadda Ciyaaraha (Sports), waalidka Soomaaliga ahi aad ayuu uga ilaalliyaa ubadkiisa in ay ehel sports noqdaan, isaga oo u arka in Ciyaaruha lagu ayaan darroobo, ayniga iyo asaaggana looga haro, lagu gablamo oo nolosha looga gadoodo, aakhirana khaatumada lagu seego, cadaab iyo caro allena lagu muteysto! Waa feker khaldan oo ciyaaraha laga qaatay, waa fatwo aan loo fiirsan oo lagu fududaaday, islamarkaana fahamka iyo micnaha ciyaaraha uun kusoo koobtay wakhti lumis iyo maalaayacni, taas oo sideeda u khaldan. Boosaska ciyaarahaa kala ahee Goolhaye in la noqdaa waa midda ugu fog oo maba jiro ama waa dhif iyo naadir qof Soomaali ah oo xiiseeya, Markale Axmad waa halyeyga ka gudbay dhammaan caqabadahan iyo jidgooyooyinkaan, waayo gudihiisa waxaa isku baheystay rabitaan xad dhaaf ah, go’aan qaadasho geesinnimo leh iyo qaddiyad daljaceyl leh.

Axmad Cabdalla waxa uu kamid yahay ubadkii dhashay kadib burburkii dowladnimo ee dalka, 8-dii Maarso 1993-kii ayuu ku dhashay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Hooyo iyo aabe, ehel iyo qaraabo, daris iyo xigaal intaba waa lagu wada farxay curashadiisa, sida caadiga ah marka reer cunug u dhasho ay waalidkiis wada dhaqan yihiin, waxaana lagu soo dhaweeyay mashxarad iyo muusood, hamuun iyo hambalyo, sidaas ayaana lagu barbaariyay illaa hanaqaadkiisii, waxa uu lasoo baxay dabeecado cajiib ah, astaamo hoggaamineed iyo akhlaaq heersare ah, waayihiisii markii uu yaraa waxa uu aad uxiiseyn jiray inuu kubbadda cagta ciyaaro, illaa ay naftiisu ujeclaato, isbiirad iyo xamaasad badanna siiso. Kooxo xaafadeedkiisa waxa uu ahaa xiddig muhiim ah, oo daafaca iyo goolka ilaalintiisa loogu kalsooni badan yahay cidwalba, illaa uu kusoo biiray kooxda degmada Dharkiinleey oo markaas tababare u ahaa AUN Maxamuud Axmad Sataar oo ku caan ahaa Musaaya, waxa uu ku dhiirrigaliyay inuu Goolhaye noqdo markii uu arkay xirfadda cajiibka ah uu leeyahay.

Kooxda kubbadda cagta ee Daallo oo ka ciyaaraysay horyaalka heerka labaad ayuu ku biiray sannadkii 2008-dii, halkaas uu wacdaro cajiib ah kusoo bandhigay, magac iyo caannimo koobanna uu ka helay, illaa ay soo codsatay naadiga Elman oo ka ciyaareysay heerka koobaad ee horyaalka Soomaaliya dabayaaqadii sannadkii 2009-ka. Macallin Yuusuf Cali bahda Isboortiska utaqaanno Yuu Cali ayaa durbaba ku aaminay waardiyeynta shabaqa, iyada oo markaas ay naadiga joogeen goolhayeyaal da’ iyo waaya aragnimo dheeraa, nasiib wanaag se Axmad muddo gaaban oo saddex sano gudahooda ah ayaa waxa uu ka caawiyay Elman inay ku guuleysato labo Horyaal oo xiriir ah iyo SuperCup-ka iyo Jeneraal Daa’uud, wareysi uu bixiyay 2018-kii ayuu Macallin Yuu waxa uu yiri “Wuxuu ahaa Axmed mid kamid ah goolhayayaashii ugu wanaagsanaa Soomaaliya, waxaan wada shaqeyneynay tan iyo 2009-kii xilligaas oo aan macallin u ahaa Kooxda Elman”.

Kaliya Axmed ma aheyn ciyaartooy, ee waxaa udheereyd inuu ahaa mid aad ugu firfircoon dhanka waxbarashada, dugsigiisa sare waxa uu ku qaatay Iskuulka Almathal ee magaalada muqdisho, halka waxbarashadiisa heerka jaamacadeed uu ku bartay jaamacadda Soomaaliya, wuxuuna ka diyaariyay shahaaddada heerka koobaad kulliyadda Maamulka.

Aan dib ugu noqonno noloshiisa ciyaaraha ee, Markii ay bannaanka soo baxeen kartiyaha iyo awoodaha Axmad u leeyahay ilaalinta goolka ayaa loogu yeeray inuu kamid noqdo xiddigaha Xulka Qaranka soomaaliya qeybtooda kayar 17-jirka sannaddii 2010-ka, isagoo ugu tallaabay kuwa da’dooda ka yar tahay 20ka sano, illaa uu si dhameystiran uga xirtay maaliyadda qaranka waa weyn, waxa uu kala qeyb qaatay xulka tartamo iyo ciyaaro farabadan oo markasta ay kaalintiisa ka muuqatay, ma aheyn mid niyad jaba oo is dhiiba, waxaana suuroggal aheyd axmed halis kasta inuu ugalo si uu xulka guul ugaaro, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay goolhayihii ugu wanaagsanaa ee Xulka soo mara kaddib burburkii dalka.

Kooxaha kale uu u saftay Axmed waxaa kamid ahaa naadiga kubadda cagta Jeenyo uu ku biiray 2015-kii, kadib markii ay dadaal dheer galisay sidii ay ku heli laheyd goolhayan cajiibka ah, kulamo badan uu guulo lagaaray kadib, Axmad waxaa haleelay musiibo wareegto ah, oo waxa uu la kulmay qarax iyo weerar ka dhacay maqaayad ku taallay xeebta Liido sannadkii 2016, saddex jeer ayaa la toogtay oo rasaas jirkiisa galeen, dhaawac halis ah ayuu noqday, jirkiisa oo dhan ayaa isbaddalay sababo ay dhaqaatiirta ku sheegeen in jirkiisa oo dhan ay ku faaftay sunta baaruudda, dhib ayeey ku noqotay in uu durba helo caafimaad deg deg ah, waxaana sabab u ahayd taageero la’aan, iyo kaalinkii bahda Sports ka oo ka gaabiyay caawintiisa; 12 bilood kaddib dhaawaciisa oo ku beegan December 2016, ayuu Axmed helay minxo caafimaad oo dalka Turkiga ah, halkaas oo uu ka helay daryeel caafimaad.

Dhiigga ayaa laga baddalay, sida ay xaqiijiyeen saaxibbadiisa ugu dhow, taas waxa ay sahashay in uusoo kabto, balse nasiib darro sannad iyo bar kaddib, Axmed waxaa u timid ajashii, oo wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Isparta 28kii July 2018.

“Waxaan la kulmay 2013, ciyaarihii CECAFA, Nairobi, wuxuu ahaa wiil akhlaaq badan xishmad badan, sannadkii 2016-ka ayaa saddex jeer la toogtay intii uu socday weerarkii xeebta Liido, bowdyaha ayey kaga dhacday rasaasta qoriga M16ka welina haaraheeda waa uu ka muuqday jirkiisa, waxa cajiibka ah ee isoo jiitay waa in uu isku diyaarinayay imtixaanka jaamacadda, wuxuu galay qaliin kaddibna wuxuu si geesinnimo leh ugu bareerray isaga oo dhaawacan gelidda imtixaankiisa, taas oo ahayd khibrad cajiib ah” ayuu yiri JR.Pierre Smith oo ah soo saaraha filmka Men In Arena, ee laga sameeyay duruufaha ciyaartooyda Soomaalida xilli uu wareysi siinayay idaacadda VOA.

Allaha unaxriistee Axmad waxa uu ahaa Halyeey qaran, xiddig ay taariikhdu xusi doonto ummadda Soomaaliyeedna illoobo doonin inta la ciyaarayo kubbad iyo banooni, waxa uu mudan yahay iyadoo la tixgilinaayo waxqabadkiisa, daljaceylkiisa iyo hufnaantiisa in loogu magac daro garoommo kubadeed loona dhiso Taallo ciyaareed lagu maamuusayo.

Casharrada ay wadato taariikhda goohaye Axmed waxaa kamid ah in halgganka iyo hanka qofka uu guuleysannayo, haddii qofkaas uu jecel yahay waxa uu qabannayo dhabna ka tahay, Axmed waxa uu ku suntanaa daacad ay dhab ka tahay in uu waddankiisa guul abadi ah usoo hooyo, illaa ilbiriqsiyadii u dambeyay noloshiisa.