Type to search

BAYAANKii MUQDISHO EE KOOBAAD 1990

Arrimaha Warqad

BAYAANKii MUQDISHO EE KOOBAAD 1990

-BAYAANKA MUQDISHO EE KOOBAAD -15-maarso-1990 -Ku: Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre -UJEEDDO: Talooyin lagu gaari karo sulux waddani iyo badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

BAYAANKA MUQDISHO EE KOOBAAD 15-maarso-1990 Ku: Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre UJEEDDO: Talooyin lagu gaari karo sulux waddani iyo badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed. Ragga hoos ku qoran oo ka kooban odayaashii iyo akhyaartii u soo halgamay xorriyadda waddanka, salaadiin, cuqaal ka socota beelaha Soomaaliyeed oo idil, culummaa’ow diin, indheergarato, ganacsato, waxay kulligood isku raaceen inaan la iska indho tiri karin xilka iyo waajibka ka saaran xag Islaannimo iyo Soomaalinnimaba, xaaladda khatarta ah ee ku sugan yahay dalkeennu, kana aamusi karin dhibaatooyinka aan ku jirno oo aan loo adkaysan karin. Waxaa murug iyo walwal nagu haya burburka, hoogga iyo baabba’a dadkeennu iyo dalkeennuba...

Lost your password?
Sign Up