Type to search

Maxey keeni karaan su’aalaha bulshada ee dhaqanka noqday?

Sheekooyin

Maxey keeni karaan su’aalaha bulshada ee dhaqanka noqday?

Qoys ayaa degganaan jiray tuulo ku taalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya. Qoysku wuxuu ka koobnaa islaan iyo ninkeeda aan wax carruur ah isudhalin, muddadii ay isqabeen. Waa xilliyadii isku socodku furnaa, ee baabuurta ka soo baxda Waqooyi–bari Kenya ay tagi jireen xadka ay Soomaaliya la wadaagto Jabbuuti, kuwa kasoo baxa Bosaasana ay gaari jireen Gaarisa.

Qoys ayaa degganaan jiray tuulo ku taalla xadka ka la qeybiya Soomaaliya iyo Kenya. Qoysku wuxuu ka koobnaa islaan iyo ninkeeda aan wax carruur ah isudhalin muddadii ay isqabeen. Waa xilliyadii isku socodku furnaa, ee baabuurta ka soo baxda Waqooyi–bari Kenya ay tagi jireen xadka ay Soomaaliya la wadaagto Jabbuuti, kuwa ka soo baxa Bosaasana ay gaari jireen Gaarisa.

Ninka reerka iska leh wuxuu ahaa darawal ku shaqayn jiray gawaaridii waaweynayd ee isaga tallaabi jirtay dhulkaas ka la fog iyo xuduuddahaas ay Soomaalidu wadaagto.

Reerkaan in ay muddo isqabeen darteed bulshada ay la nool yihiin ayaa su’aalo badan wayddiin jiray, kuwaas oo ah; ma odeagaa xanuunsan, ma gabadha ayaa jirran, maxaa reerka carruur ugu dhalan la’dahay. Labadoodaba, ninka iyo islaanta, su’aalahaas ayaa reerahoodu wayddiin jireen, inta badanna talada la siin jiray ninka ayaa ahayd in uu guursado gabar kale.

Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo ninkii gaarigiisa xammuulka ahaa wata, oo maraya bartamaha gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde dhexdooda, ayuu arkay cunug yar oo laamiga ku soo gurguuranaya. Cunugga waxaa dhashay hooyo la joogtay xoolo meesha daaqaya, geed laamiga u dhawaa ayay istiri ku naso, laakiin way seexatay.

Ninkii gaariga watay, geesaha ayuu iska fiiriyay markuu qof cunugga daba socda arki waayayna, waxa uu baabuurka shirkiisa ku ritay cunuggii. Ayaandarree cid isaga safarka ku wehlisayna ma jirin.

Hooyadii cunugga dhashay markay hurdada ka kacdo ayey ku naxeysa in uusan cunuggii ag jiifin. Raadkiisa gurguurashada ayay raacaysaa, iyadoo sii naxeysa markasta oo uu dhanka waddada sii aado, ugu dambeyn waxay isleedahay baabur ayaa dilay, ee bal dhiiggiisa ku soo quuso, laakiin dhiig iyo dhaawacba waa ay ka waayaysaa laamiga.

Maalin dhan oo hadba dhinac u carar iyo oohin ah kadib, ninkeedi ayey u sheegtay habeenkii in maanta sidaas wax ugu dheceen. Ninkeedii wuxuu jawaab uga dhigay; ma halkii cunug ee ugu horreeyey ee aad dhashay ayaad dayacday, wax kale inaad ii dhashana ma istaahishid, ee waad iga furan tahay. Labadaas dhacdo ee xanuunka badan oo hooyadii isku raacay wax ka yar 12 saac gudahood, waxa ay ku keentay in ay waalato. Habeenkaas wixii ka dambeeyey reerkeedii ayaa geed ku xirtay, ninkeediina isla waayihii ayuu islaan kale guursaday oo ilma dhalid iyo nolol cusub hore ka bilawday.

Darawalkii cunugga soo qaatay tuuladoodii iyo xaaskiisii ayuu u tagay, wuxuuna u sheegay; in uu cunuggaan jidka ka soo helay, sidaas darteedna ay iyagu korsadaan, si ay dadka ugu qanciyaan inay iyagu dhaleenna ay qasab tahay inay tuuladaan ka guuraan, oo ay degaan meel aan laga aqoon.

Tuulo isla Kenya dhexdeeda ah ayey u guureen. Halkaas marka ay muddo ku noolaadeenna waxay u soo noqdeen dhulkoodii, iyaga oo markaa isku arkayay inay xalliyeen su’aashii dadka deegaanka ee ahayd: carruur ma idiin dhalatay? Halkaas ayayna noloshooda ka sii wateen. Cunuggii yaraa oo wiil ahaana waa uu u koray.

Ku dhawaaad 30 sanno, oo sidaas xaal ahaa, odaygii darawalka ahaa ayaa xanuunsanaya. Xanuun uu sariir la seexdo in muddo ah, ugu dambeyna sababaya inuu geeriyoodo. Laakiin inta uusan geeriyoon waxaa dhacaysa inuu aad u sakaraado, marka dambana uu gaaro in naftu qaarka dambe ee jirkiisa kasoo baxdo, laakiin uu maalmo dhan qaarka hore iyo madaxa keliya ka noolaado. Marka dambe wuxuu go’aansanayaa inuu la hadlo wiilka, una sheego in uusan dhalin iyo halkii uu ka soo qaatay, isagoo sabab uga dhigaya sakaraadkiisa iyo xanuunka haya oo naftu uga bixi la’adahay inay tahay cuqubo, isla markaana laga rabo in uu  ka run sheego sheekada wiilka oo uusan sidaan uga tagin.

Wiilka markuu arrinkii u sheegay, wuu rumeysan diiday, isaga oo leh, Aabbe maskaxdiisa ayaa isku dhex yaacday xanuunka iyo da’da darteed. Islaanta ayuu ka codsanayaa odeygu inay marqaati u noqoto oo iyadu ay wiilka qanciso, laakiin iyaduna way ku gacan seyrtay; iyadoo rumeysan la’a inuu odeygu ka baxay, wixii ay 30 sano dhisayeen, sidoo kalena ka cabsi qabta waxa ay bulshadu dhihi doonto, haddii arrinkaani sidaan ku fashilmo. Laakiin cataw badan oo odaygu islaanta baryay, waxay islaantu goosaneysaa inay wiilka si kasta wax u fahansiiso, wayna ku qancinaysaa ugu dambayn.

Wiilkii isaga oo aan sugin geerida odayga ayuu go’aan degdeg ah ku qaadanayaa inuu tago halkii loogu sheegay in laga soo qaaday. Dhulkii iyo dadkii markuu u tago oo haybsi badan iyo sidii wax u dhaceen uu dadkii deegaanka u sheego, ayaa lagu raadinayaa hooyadiis oo ilaa maalintii la xaday geed baaddiyaha gobolkaas ku yaalla ku xirnayd. Sidoo kale Aabbihiis ayaa la tusayaa oo reero kale iyo carruur badan leh. Laakiin marka looga sheekeeyo, sida uu yeelay hooyadiis, ayuu haddaba nacayb kale usii qaadayaa. Wuxuu halkaas ka wadanayaa hooyadiis oo xanuunsan. Dawayn iyo Quraansaar badan kadib oo uu ugu sameeyey magaalooyinka Gaarisa iyo Nairobi, hooyadii way soo caafimaadeysaa maskax ahaan.

Markii ugu dambeysay waxay sheekadu nagu soo gaartay in wiilka iyo labadiisii hooyo; tii saxda ahayd ee dhashay iyo tii korsatay ay wada deggan yihiin magaalada Gaarisa; aabbihiis iyo isagana laga dhex wado maslaxaad oo odayga lagu waajibiyay magdhaw badan in uu ka baxiyo wiilka hooyadi.