Type to search

Qayla-dhaantii Xabaalaha

Turjumid

Qayla-dhaantii Xabaalaha

miirku wuxuu fadhiistay gar-goynta kursigeedii, midig iyo bidixna waxaa ka fadhiistay garyaqaannadii iyo cuqaashii waddankiisa, waxaana dhammaan wejiyadooda cabuusan horyaalla kutubtii garsoorka, hareertiisana; waxaa galka seefta ka wada dhuftay askartii oo korna u lalmiyey warmihii iyo hootooyinkoodii; dadkuna waxay u kala baxeen kuwo jacayl iyo dhegayn u yimi, midina waaba mid in xukun lagu rido iyo abaalmarin fal dembiyeed sugaya.

Amiirku wuxuu fadhiistay gar-goynta kursigeedii, midig iyo bidixna waxaa ka fadhiistay garyaqaannadii iyo cuqaashii waddankiisa, waxaana dhammaan wejiyadooda cabuusan horyaalla kutubtii garsoorka, hareertiisana; waxaa galka seefta ka wada dhuftay askartii oo korna u lalmiyey warmihii iyo hootooyinkoodii; dadkuna waxay u kala baxeen kuwo jacayl iyo dhegayn u yimi, midina waaba mid in xukun lagu rido iyo abaalmarin fal dembiyeed sugaya. Dhammaan qoorta ayay raaraciyeen, indhahana hoos geeyeen, neeftana isku celiyeen. Waxaabad mooddaa in amiirku uu leeyahay awood baqdin galisa quluubtooda, illaa ay dhammaan dadkii xaalkaas noqdeen ayna dhawaaqday saacaddii derbiga ka lalmatey. Amiirka ayaa kor u dhawaaqay, wuxuuna yidhi: “dembiilayaasha...

Lost your password?
Sign Up
Previous Article
Next Article