Type to search

Suufiyaddii reer Baraawe

Waayahoodii

Suufiyaddii reer Baraawe

Qoraallada iyo kaydka taariikheed ee laga hayo duruqa Suufiyadu aad bay u xiiso badan yihiin. Waa wada kalgacal, muxibbo, laabqaadan, hiyikac, xadro iyo muusig, iyo aftahamo. In kasta oo dhaqanka Suufinnimadu uu aad uga da’ weyn yahay diin kasta, haddana waxa hubaal ah in uu nuxur weyn u yeelay diinta Islaamka. Asalka erayga ‘suufi’ fasirro […]

Qoraallada iyo kaydka taariikheed ee laga hayo duruqa Suufiyadu aad bay u xiiso badan yihiin. Waa wada kalgacal, muxibbo, laabqaadan, hiyikac, xadro iyo muusig, iyo aftahamo. In kasta oo dhaqanka Suufinnimadu uu aad uga da’ weyn yahay diin kasta, haddana waxa hubaal ah in uu nuxur weyn u yeelay diinta Islaamka. Asalka erayga ‘suufi’ fasirro badan ayaa laga bixiyaa. Balse waxa ugu caansan in uu la xidhiidho marada suufka ah, oo ahayd calal ay caan ku noqdeen dadka dhaqankan Suufinnimada ah lehi. Ama in eraygu ku xididsan yahay saafinnimo uu qofka Suufiga ahi ku sifaysan yahay sida marada suufka ahiba...

Lost your password?
Sign Up
Previous Article
Next Article