Type to search

Shoe Dog

Guudmar

Shoe Dog

Buuggu waxa uu billowga hore ba si dadban u iftiiminayaa, in ganacsadaha ku haminaya inuu suuqa galo laga doonayo inuu la yimaado fikrad ganacsi oo dunida laga iibinkaro; inuu dajiyo qidad (strategy) uu suuqa ku soo geli karo, isku aaddiyo kooxdii la shaqeyn lahayd; ayna yihiin koox aaminsan mira dhalka fikirkan, kadibna ay si wadajir ah u gaari karaan guulwadareed; u qeybsanta shaqaalaha, milkiilayaasha iyo dadkii curiyey fikradda.

Waxaa qoray buuggaan Phil Knight, aas-aasihii shirkadda agabka ciyaaraha ee Nike. Waa buug tusinaya qofka raba ganacsi inuu billaabo sida ay u dhib badan tahay waddada guushu billowga hore, una dhadhan macaan tahay adkeysi iyo dhabar adeyg badan kadib. Waa safar cabsi ah, murugo leh, fowdo iyo niyad jab leh, ayna ka muuqato qaladaad dhallinyarenimo. sidoo kale na waa buug muujinaya halgan iyo is dhiibid la’aan. Waxa buuggaan xiisaha u yeelaya waxaa ka mida markasta oo aad soo rogto baal cusub waxaad isleedahay, markaan ayuu ku dhawaaqi doona inuu fashilmay. Wuxuu buuggan billowga hore ba si dadban u iftiiminayaa, in...

Lost your password?
Sign Up
Previous Article
Next Article