Type to search

Falanqayn Buugga: A Higher Loyalty

Voice

Falanqayn Buugga: A Higher Loyalty

In kasta oo uu qoraaga buuggu, James Comey, dhacdo walba oo uu ka hadlayo xoogga ku saarayo in uu iftiimiyo soona bandhigo hoggaamiyaha suubban iyo hoggaaminta suubban, dhacdooyinka uu ka warramayona mar walba waxa uu ku miisaamayaa waxa uu ku asteeyay ‘hoggaamin suubban – ethical leadership’.

Buugga uu qoray agaasimihii hore ee hay’adda Maraykan ee FBI, James Comey oo magaciisa uu u bixiyey “U hoggaansan sare, run, been iyo hoggaamin” – A higher loyalty – Truth, lies and leadership – waxa uu soo baxay bilo ka dib erigiisii.  Qaylo badan ayuu ka dhex aloosay dalkaas.   Buugga waxa uu James ku soo bandhigayaa dhacdooyin guud ahaan dunida gaar ahaan Maraykan saamayn wayn ku lahaa sannad doorasheedkii 2016 ee Hillary iyo Trump ku loollamayeen kursiga aqalka cad. Dhacdooyin kale oo ka horreeyay qudhooda waa uu ku qaadaadhigayaa, waxa se xiisaha aadka lehi waa baadhitaankii emaillada Hillary ee sannadkaas doorashada lagu jiray iyo xidhiidhka Trump ee Ruushka.   In kasta oo uu qoraaga buuggu, James Comey, dhacdo walba oo uu ka hadlayo xoogga ku saarayo in uu iftiimiyo soona bandhigo hoggaamiyaha suubban iyohoggaaminta suubban, dhacdooyinka uu ka warramayona mar walba waxa uu ku miisaamayaa waxa uu ku asteeyay ‘hoggaamin suubban – ethical leadership’. Comey waxa uu la shaqeeyay saddex madaxweyne oo isku xigay, Bush, Obama iyo Trump. Labada dambe waxa uu ahaa agaasimaha Hay’adda FBI...

Lost your password?
Sign Up
Tags: